Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Top News Halkee ku dambeeyay baaqii Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde iyo Ganacsatada Bakaaraha?.

São Paulo  23/03/2008  march Waagacusub.com

Suuqa ganacsiga ugu weyn Somalia ee Bakaaraha ayaa guud ahaan waxaa hareeyay mudooyinkii ugu dambeeyay dagaalo  ka jira magaalada Muqdisho.

Waxaana soo laa laabanaya dhaca ciidamada dowladda DF ah ay u geesanayaan goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha ku yaala gaar ahaan hantida shacabka ee suuqaasi teedsan.

Iyaganu waxaa  jira ganacsato badan  oo hantidooda ku waayay, marar dhowr ah oo ciidamada Dowladda KMG ah howl galo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, iyadoo dhibaatada si weyn ay u taabatay ganacsatada suuqa.

Waxa si tartiib ah  u  bilaabmaya ka  guurista ay ganacsatadu ka guurayso suuqa Bakaaraha iyagoo  kala baxaya ganacsigooda suuqa Bakaaraha, ka dib markii ay kala kulmeen ciidamada DF dhac iyo boob aad u xoogan isla markaana ay waayeen mas’uul ka tirsan DF oo arrintaasi ka danqatay oo iyagu isha oo kaliya ka eegaya waxyaabaha ciidamadooda ay wadaan.

Waxaa la arkayaa gawaarida waa weyn oo lagu daabulayo qalab kala duwan oo ganacsigii suuqa Bakaaraha ka mid ah, iyadoo ganacsatada ay sheegayaan in ay hantidooda kala baxayaan suuqa, ka dib markii ay sheegeen in qatar ay soo wajahday.

Ra’iisul-wasaaraha DF, Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa hore u qiray in qaar ka mid ah ciidamada Dowladda bililiqo ay ka geesteen gudaha Suuqa Bakaaraha, isla markaana waxaa uu tilmaamay in dhibaatadaasi guddi soo qiimeeya ay u saareen.

Nuur Cadde ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada DF laga saaro gudaha iyo daafaha suuqa Bakaaraha, taasoo ay isku af garan waayeen Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo inta badan ciidamadaasi isku heeb yihiin.

Muranka Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo dhalin karay khilaaf xoogan oo labada mas’uul soo kala dhex gala waxaa xaliyay Jeneraal Gabre oo ah ninka kaliya ee Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf warka uu ka maqlo marka laga soo tago Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo kor ka maamula dhamaan madaxda Dowlada KMG ah ee Somalia.

Gabre ayaa ku amray Cabdilaahi Yuusuf inuu u hogaansanaado baaqa Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde isla markaana ciidamada laga soo saaro, waloow Cabdilaahi uu doonayay inuu Gabre ka dhaadhiciyo inay ciidamadasi la dagaalamayaan kooxo Argagaxiso uu ku sheego oo Bakaaraha ku sugan, balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray Gabre oo ku adkeysan in ciidamada laga soo saaro.

Maalmo kadib ayaa waxaa laga soo saaray ciidamada DF suuqa Bakaaraha gudahiisa waloow ay ku sugnaayeen daafaha suuqa gaar ahaan Howl-wadaag iyo Aadan Cadde, taasoo keentay in daraad Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee dalkooda cadayka ka bixinaya inay si xoog ah ugu saaraan agagaarka Bakaaraha qasaarana u geystaan ciidamada Dowlada KMG ah.

Balse waxaa muuqda in baaqii Nuur Cadde uusan aheyn mid hirgalay kadib markii ciidamada DF ay maalintii ay doonaan gudaha u galaan suuqa maalintii ay doonaan ka baxaan, waloow ay jiraan xoogag aad u hubeysan oo shacab taageera ka helaya oo xabadka u dhigaya rasaasta marya calasta DF ee ciidamada lagu sheego kuwaaso diyaar u ah inay difaacaan hantida shacabka Islaamka Soomaaliyeed ee suuqaasi taala.

Bakaaraha , ay aheyd mid aad u cakiran, isla markaana bililiqo balaaran ay ka sameeyeen ciidamada DF.

Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa Muqdisho ka wada howlo ammaanka lagu sugayo, isagoo dhawaan ku dhawaaqay inay Odoyaasha Hawiye xor yihiin isla markaana ay tagi karaan meel kasta oo Muqdisho ka tirsan taasoo shacabka aad u taageeree.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo dibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan gudaha Suuqa Bakaaraha, oo dhowr jeer iska horimaad ku dhex maray ciidamada DF ah iyo xoogaga ka soo  horjeeda, hasa ahaatee xaaladda ayaa u muuqata mid marba marka kasii dambeysa sii adkaaneyso.

Abdifitahaam Ahmed
São Paulo - Brazil
Mobile: +55871 553 2282
Email: abdifitahaam@hotmail.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net