Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

        Miss Somali Live Chat -Somali Girls - Guurdoon-Sheeko iyo Shukaansi

(English) (Somali) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV)  
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2010
 

Juventus oo guuldaradii 9aad la huwiyay

MILAN (AP)—Juventus ayaa qasaaro kale oo ay la ilmeysay waxey ka soo gaartay kooxda Inter Milano , taasoo u ah guuldaradii 9aad, 12 kulan oo ay ciyaartay markii 2-1 loogu awood sheegtay kulan ka tirsanaa tartanka Italian Cup quarterfinals ,

(English) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV) (Sheeko)
Xidiga asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana Mario Balotelli ayaa ka ilmeysiiyay kooxda juventus markii uu goalka guusha uu ka dhaliyay daqiiqadii 89aad ee ciyaarta.

Taageerayaasha Juventus ayaa laga mamnuucay iney kulankaan so qaadiraan kuwaasoo hadalo midab faquuq ah kula kacay Balotelli kulan ka tirsanaa horyaalka, iyagoo wax ka sheegaya midibkiisa.

Diego ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxda Juventus 10 markii ay ciyaartu socotay, kaasoo ah qalad uu sameeyay goolhayaha Inter markii uu kubada u baasay . hayeeshee difaaca Inter Lucio ayaa soo bareejeeyay goalkaasi daqiiqadii 72aad markii ay ku soo dhacday kubad free kick aheyd oo ka timid Wesley Sneijder.

Ciyaarta guusheeda waxaa xaqiijiyay Balotelli oo shabaqa juventus ka galiyay kubad caaqibo leh , taasoo u xanbaarisay juve, guuldaradii 9aad 12 kulan gudahood.

Inter waxey la ciyaari doontaa Fiorentina ciyaarta semifinals ee kooba Italy 2 lug kuwaasoo kala dhici doona Feb. 3 iyo 10, halka AS Roma ay la ciyaari doono Udinese ciyaarta kala ee Semifinals koobkaan.

Guuldaradaan waxey xaalada u sii xumeyneysaa macalinka kooxda Juventus coach Cico Ferrara kaasoo go.aankiisa uu miiska saran yahay maantay

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Senior Somali Sports Journalist
Sports Chief Editor
www.ciyaaro.com & www.waagacusub.com

29 Janaury 2010 Waagacusub Media

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

Chat Miss Somali
Chat Miss Somaliland