Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online Ramadan Kariim
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Golaha Malaaqyada Digil iyo Mirifle oo ku howlan sidii Abuu Maansuur loogu qaban lahaa nolol ama geeri.

Baydhabo — 22/03/2008   Waagacusub Media

Golaha Malaaqyada dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ayaa markii ugu horeysay dadweynaha beelahaas ugu baaqay inay gacan ka geystaan hoowlgalo lagu bartilmaameedsanayo mid ka mida hogaamiyaasha Shabaabka Caalamiga ee Somaliya laguna daray liiska argagixisada kaas oo lagu magacaabo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur)

Go-aanka ay isla gaareen golaha Malaaqyada Digil and Mirifle ayaa soo baxay ka gadaal markii ay  Beelaha Eelaay,Jiroon,Hadamo,Geledle iyo Dabare ka dhiidhiyeen weeraradii uu Abuu Maansuur ku qaaday deganadooda,sababtayna inay Hay’adahii samafalka isaga baxaan oo ay Ciidamo Itoobiyaana dul degaan.

“ Abuu Maansuur wuxuu u dhashay Degaanka Berdaale,mana uu weerarin,wuxuu soo weeraray degaanadeena oo uu qas ka abuuray,waxaan u aragnaa dulmi dadkeena lagu barakicinayo,waana ku raadjoognaa,kama hareeyno ilaa nolol ama geeri aan ku soo qabano”ayuu yiri Malaaqa mid ka mida beelaha dega degaanada la weeraray oo Waagacusub la soo xiriiray.

Wararka ka imaanaya gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in reer Miyiga beelaha digil iyo Mirifle kaceen oo hubkooda qaateen ka gadaal markii uu soo baxay baaqa odayaasha,waxaana la rumeysan yahay in Abuu Maansuur uusan ku noolaan Karin hawdka hadii uusan kalsooni ka heysan beelaha degaanadaas ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda u badan.

Abuu Maansuur oo u dhashay beesha Leesaan ee degta Bardaale wuxuu weeraro barakicin u dhigma ku qaaday degmooyinka,Diinsoor oo ay degaan Beesha Dabare,Xudur oo ay degaan Hadamo,Qansaxdheere oo ay degaan Geledle,Waajid oo ay degaan Jiroon iyo Buurhakaba oo ay degaan beesha Eelaay ee ugu badan Raxanweynta.waxayna beelaha qaar cadiifad u arkeen sababaha u diiday inuu fariisin ka sameeysto degaanka uu u dhashay ee Berdaale.

Waxaa la sheegayaa in golaha dhaqanka digil iyo Mirifle ku hoowlan yihiin sidii Abuu Maansuur loogu qaban lahaa nolol iyo geeri,waloow warar soo baxayana ay sheegayaan inuu ku wajahan yahay dhanka Jubooyinka oo ay ku sugan yihiin qaar ka tirsan madaxda sare ee Shabaabka garabkiisa.

Xoola dhaqato Abuu Maansuur ku aragtay hoowdka dhafaad ee u dhaxeeya Buur Hakaba iyo Baydhabo waxay sheegeen inuu watay Ciidamo gaaraya afar boqol oo askari kuwaas oo badankood laga arkayay labada indhood iyo afka.

Halkaan ka akhriso Warbixin ay faafisay Togdheernews

Xafiiska Waagacusub Media

Muqdisho-Somalia

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net