Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online Ramadan Kariim
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Masuuliyiinta Dowlada Federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta oo kulan hordhaca ku yeeshay Nairobi.

Nairobi 28/03/2008  March Waagacusub Media  

Ergooyinkii ugu horeeyay ee kala metelayay Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya iyo Xukumadda Federalka ayaa kulan hordhaca oo albaabada u xiran waxay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Kenya.

Labada ergo oo ay kala hogaaminayaan Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukumadda Federalka Mudane Axmed Cabdi Salaan iyo Madaxa qabanqaabada wafdiga Isbaheysiga dib u xoreynta Proff Cabdi Raxmaan Ibbi ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sida loo wajahi karo is afgarad dhexmara labada dhinac.

Inkastoo aysan jirin warar ka soo baxay garabyada labada dhinac oo Saxaafadda loo qeybiyay hadana warar aanu ka helnay xubnahii ka qeybgalay qaarkood waxay Waagacusub u sheegeen in gudiyo loo magacaabayo sidii loo kulan siin lahaa Ra’isulwasaarre Nuur Cadde iyo Madaxda Isbaheysiga gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed oo ay wada joogaan.

Proff Cabdi Raxmaan Ibbi ayaa sedex maalmood waxaa uu qaab hordhaca ugu sugnaa Nairobi isagoo la kulmay madaxda beesha Caalamka,Saraakiil ka kala tirsan Midowga Yurub,Midowga Afrika,Qaramadda Midoobey iyo dowlada Kenya,waxaana la sheegay inuu wax badan kala hadlay sidii ay ku heli lahaayeen damaanad qaad buuxa oo la xiriira inaysan dowlada Kenya ku kaceyn falalkii hore looga bartay ee ay kula safneed Dowlada Federalka garabka Madaxweyne Yusuf.

Dowladda Suudaan ayaa la soo weriyay inay madaxda Isbaheysiga dib u xoreynta ogoleysiisay wada hadalo aan sharuud lahayn oo ay la gasho madaxda dowlada federalka si xal looga gaaro khilaafka sii fogaanaya ee u dhaxeeya madaxda garabyada siyaasadeed ee Soomaaliya. 

Madaxda sare ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Somaliya ayaa isku khilaafsan in wada hadal lala galo Dowlada Federalka inta Itoobiya Ciidamadeeda Ciidda Soomaaliya ku sugan yihiin,wuxuuna Xuseen Maxamed Ceydiid ku adkeysanayaa in la ilaaliyo qodob dastuurka Isbaheysiga ku xusan oo dhigayo inaan wax wada hadala lala galeyn Federalka uu hogaamiyo Korneyl Yusuf inta Melleteriga Xukumadda Meles Zenawi ay dalka ku sugan yihiin hasse yeeshee madax uu ka mid yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa u xusul duubayo in qodobkaas la qafiifayo ama laga saaro Dastuurka.

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo la tiriyo inuu ka mid yahay hogaamiyasha mowqifkooda fog yahay ayaa markii ugu horeysay hadal dabacsanaan siyaasadeed laga dheehan kara siiyay Waagacusub,wuxuuna tilmaamay in isaga uu qabo,ka fiirsi degan oo laga yeesho dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee Ra''isulwasaare Nuur Cadde maadama uu tilaabooyin nabadeed tilaaba qaadayo.

Si Kastaba ha ahaatee,Wafdigii Isbaheysiga ee Khartoum waxay soo gaareen Nairobi ee halkaan ka akhriso Warbixin aan ka qornay

Xafiiska Waagacusub Media

Nairobi-Kenya

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net