Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012
Hagbad siyaasadeedka
Baarlamaanka
02 December 2012 Waagacusub.com-
Hagbad, shaloongo ama ayuuto magaca aad doontaba ugu
yeer waa un lacag ururtay oo leysku darsaday isla markaana
iyada oo kuusan uu hal qof qaato, taas oo aan cid kale
kala dhaxeyne uu danihiisa gaarka ah un ku fushado door
wareegeedana ay inta badan dumarku xeer wadaag ku yihiin,
waxaase iminka soo muuqanaya dhaqan aan ugu magac dari
karno hagbadda ama ayuutada mudanayaasha gaar ahaan
xildhbaannada qurba juugta ah qaarkood!.
Tooshku wuxuu ifinayaa xildhibaannada lagu soo xulay
qaab beeleedka ee aan ku imaanin codka shacabka, hab
dhismeedkoodu inuu ahaa yididiilo cusub oo rajo wanaagsan
laga filayay, laakin hab dhaqan koodu waa damac aan
qarannimo marnaba hiil u noqoneynin oo toosin iyo in
laga saxo aan sinaba looga maarmeyn.
Sababtu maxey tahay?.
Dal burbur iyo dhibaato 22 sana ah ka soo kacay bey
kudladdani nasiib u yeelatay in ay xilbaanno u noqdaan,
iyaga oo ay tiradoodu tahay 275 mudane
oo ah tiro aad u badan oo culeys ku ah shacab aan ka
badneyn 10 milyan. Haddaba halkii laga
filayay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay samir
iyo waddan jacayl ku shaqeeyaan, ayey afka kala furteen,
waxeyna codsadeen in xildhibaan kasta uu bil waliba
mushahar ahaan u qaato ( $ 2000 )oo
doollar, taas oo bil kasta noqoneysa ( $ 550,000
) oo doollar, lacagtaas oo ah nus malyuun iyo dheeraad
canshuurtii dalka ah isku duub ahaanna sanadkiiba noqoneysa
adduun dhan ( $ 6,600,000 ) lix malyan
iyo lix boqol oo kun oo doollar.
Su’aashu waxey tahay muwaadinka soomaaliyeedow lacagta
intaa le’eg dalkaaga bil waliba ma ka go’i kartaa, iyada
oo ay maatida soomaaliyeed baahi la daalaa dhacayaan,
iyo iyada oo uu weli dalku burbur la il daran yahay
dib u dhiskiisa iyo dib u soo nooleyntiisuna aanay weli
fari ka qodneyn?, haddaba marka si kale loo eego fikirkaasi
sow uma muuqdo " in la i doorto danbaa iigu jirtay?”.
Xildhibaannada qurba joogta ah qaarkood waxey sameeyaan
ama ay qaatan fasax iyo maqnaasho dhowr bilood ah, iyaga
oo marka ay dalka dib ugu soo laabtaanna qaata lacago
fara badan oo u ururay, taas oo la mid noqoneysa hagbaddii
ururtay ama ayuutadii la keydsaday, qaarkoodna waxaaba
laga yaabaa ineysan sanad dalka dib ugu soo laaban oo
ay howlahoodii iyo ganacsigoodii iska sii wataan, iyaga
oo ku tashanaya la xisaabtan la’aanta jirta waase fal
u qaab eg "xor baan u ahay xoola qaadashada”.
Ugu danbeystii xikmad baa oraneysa " mukulaasha
ama bisadda, wax korkeeda taabto waxey ugu neceb tahay
biyo, wax ay cuntana waxey ugu jeceshahay mallaayga
ama kalluunka”, su’aashu waxey tahay haddii ay biyo
neceb tahay sidee bey kalluun ku heleysaa?, waa su’aal
is weydiin mudan oo u dhiganta haddii aad xil gudashada
neceb tahay sidee baad xildhibaan ku tahay?.
Aaan ka guurno qabiilka aan u guurno qarannimo. Aan
baranno xalaasha aan ka tagno xaaraanta. Aan qaadanno
nabadda aan ka gudubno colaadda. Aan ku dhaqanno caddaaladda
aan ka tagno dulmiga. Yaanan ku mashquulin dhaqaale
urursi ee aan eegno danta ummadda. Aan gudanno waajibaadka
xilka aan illowno mas’uuliyad xumida.
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.