Somalia
Latest News English
Topnews:-Meeydka
Taliyahii Bakistaniga ee Kaaraan ka waday dagaaladda
oo Villa Somalia la geeyay.

Mogadishu
02 July 2009 Waagacusub Media.
Saraakiil sare oo ka tirsan Shabaakadda
Al-Qaeda uuna ka mid yahay Jeneral u dhashay dalka Bakistan
oo hogaaminayay dagaaladda ma hiigaanka noqday ee degmadda
Kaaraan ayaa meeydkiisa la geeyay Xarunta Madaxtooyadda
ee Villa Somalia.

Listen
Radio1 Radio2
Radio3 Radio4
Radio5 Radio6
Radio7 Radio8
Radio9
Saraakiisha Ajnabiga ee Al-Qaeda looga dilay dagaalkii
galabta ka dhacay Kaaraan,inta la arkay waa labo Jeneral
iyo Korneyl Korneyl u ka dhashay Bakistan iyo Najeeriya.
Ciidamo lixaadleh oo ay kala wateen Jeneral Qaydbiid,Yusuf
Indhacadde,Abdi Fitaax Shaaweey ayaa meeydadka sedexda
Sarkaal u soo galbiyay Madaxtooyadda Villa Somalia ka
gadaal markii lixdan daqiiqo lagu dul bood boodayay.
Dagaalka Kaaraan ka dhacay oo ahaa mid ay soo qaadeen
Khawaarijta iyo Saraakiisha Al-Qaeda waxaa sidoo kale
meeydkiisa lagu helay taliyahii Guutadda Kambooni ee
Xasan Turki,kaas oo lagu magacaabo Abuu Khaalid,berina
ka mid noqon doono meeydadka cadeeymaha leh ee dowladda
tusineysa Saxaafadda sida uu Waagacusub u sheegay Yusuf
Indhacadde.
Gawaarida dagaalka,hub gacmeed fara badan iyo gaari
u siday Saadka oo ay dowladda qabsatay ayey sheegeen
inay soo bandhigayaan berri.
Warar madaxbanaan ayaa sheegaya inuu dagaalka ku dhaawacmay,dhaawac
halisa hogaamiye lagu magacaabo Macalin Xaashi.
Afhayeenka Xisbigga Xasan Dahir oo lagu magacaabo Muusse,horena
ugu caan ahaa hanjabaad ayaa markii ugu horeeysay idaacadaha
Mogadishu waxay caawa sii daayeen isagoo catoow xoogan
burqanaya,wuxuuna ku celcelinayay,waxay nagu dhameeyeen
hubkii Mareykanka siiyay,Kaaraan oo dhan way gubeen,maatadii
way dhameeyeen qolada ridada.
Degmadda Kaaraan dagaalada qaraar kadib waxaa isugu
baxay boqolaal dad rayida,waxayna ku dhawaaqayeen Gaalo
waa jabtay.
Dagaalka Kaaraan waa midkii ugu cuslaa ee jab taariikhiya
ciidanka dowladda Federalka ugu geeystaan xoogaga huwanta
Khawaarijta Al-Qaeda.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa muhiima oo si weyn u bedeli
doono dareenka,marka la baahiyo muuqaalka meeydadka
uu ku jiro Jeneralkii loo caalwaayay ee Bakistaniga
Al-Qaeda,gumaadka foosha xuna u geystay shacabka reer
Mogadishu.
Mohamed Abdi
Mogadishu-Somalia
Waagacusub Office
Questions
and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download
Sunday Music-Heesahii Radio
Mogadishu Dhageyso
ama Download
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new