Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:-Adan Ceyroow oo xasuuqay Shacabka iyo Maleeshiyooyinka reer Xaaji Saleebaan ee Cadaado

Cadaado  03/April/2008  Waagacusub.com  

Tiknikadii oo Dhuusomareeb uu geeyay” Hogaamiyaha Shabaabka Caalamiga ee Soomaliya Aadan Xaashi Ceyroow ayaa xasuuqii ugu tiiraanyada badnaa la beegsaday Shacabka iyo Maleeshiyooyinka reer Xaaji Saleebaan ee Magaalada Cadaado iyo hareeraheeda.

Aadan Xaashi Ceyroow oo horkacayay dagaalyahanadiisa isku dhafkaa ee ku dhuumaaleysto gobolada dhexe waxaa uu weerarkiisii ugu horeeyay la beegsaday Fariisin ay Maleeshiyooyinka reer Xaaji Saleebaan ku lahaayeen degaanka Bayeela ee u dhaxeysa Galgaduud iyo Cadaado halkaas oo uu ku dilay 12 Saraakiila oo uu ka mid ahaa Taliyahii Maleeshiyadaas Marxuum Cali Faarax allaha u naxariistee,iyagoo sidoo kalana dhaawacay labaatameeyo.

Adan Ceyroow oo maleeshiyooyinka Reer Xaaji Saleebaan la galay dagaal qaraar waxaa uu kaga qabsaday sedex iyo toban gawaarida dagaalka hasse yeeshee wuxuu gubay oo deb qabadsiiyay sedex taangi oo caan ka ahaa degaanadaas.

Shabaabka Caalamiga ee uu horkacayay Adan Cayroow waxay sidoo kale xasuuq ka geysteen gudaha Magaaladda Cadaado oo ay ku dileen lix qof oo rayida kuwaas oo ay ka dhaceen gawaaridii ay wateen ee loo yaqaan Laylo Calaawi iyo SURF Toyota,waxaana jira dhaawacyo fara badan oo wali ku dhiig baxaya gudaha Magaaladaas.

Dareenka Shacabka beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa aad u kacsan,waxaana Cadaado laga dareemayaa dhaqdhaqaaq is aruursi maleeshiyooyin ka gadaal markii uu Dhuuso Mareeb kaga qudbeeyay kalmado jees jees u dhigmay.

“Adan Xaashi Ceyroow,wuxuu xasuqay waxgalkii Reer Xaaji Saleebaan,wixii gawaari dagaal dhacayna wuxu geeystay Dhuuso Mareeb,taasna waxaan ka dhex aragnay sawir ka duwan sidii aanu hore ugu heysanay”ayuu yiri mid ka mida odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan ee ku sugan Cadaado oo khadka telefoonka noogu waramay.

“Hogaamiyaha Shabaabka Caalamiga Aadan Xaashi Ceyroow oo hogaaminaayay todobo boqol oo Maleeshiyooyin dagaala ayaa nagu soo weeraray jiida Bayeela,waxaana weerarkiisa nooga dhintay rag uu ka mid yahay taliyaheenii allaha u naxariistee Marxuum Cali Faarax”sidaas waxaa Waagacusub ugu waramay Abaanduulaha Maleeshiyadda reer Xaaji Saleebaan Axmed Joowlo oo Waagacusub ugu waramay isagoo dhaawaca Magaalada Gelinsoor.

Abaanduulle Axmed Joowlo wuxuu dareen la yaableh ku fasiray in Aadan Ceyroow tiknikadoodii geeyo Dhuusomareeb oo ku faano xasuuqooda,wuxuuna sheekadaas ku fasiray talo u baahan in loo rag badsado.

Shacabka iyo Maleeshiyooyinka reer Xaaji Saleebaan ee lagu xasuuqay Cadaado waxaa dhaawacyadooda la geeyay Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

“ Walaalaheena beesha Cayr maalinkooda ayuu xasuuqayaa Aadan Xaashi Ceyroow waxaana leenahay waa nasiib daro inaad Dhuuso mareeb ugu sacbisaan ee OGAAL u yeesho,ogaadana in Cadaado ahayd barta ugu taageerada badan Golaha Maxaakiimta maantana nala xasuuqay oo xitaa rayidkeenii uu leeyay wiilka mashruuca ku qaba dabargoynta waxgalka beesha Habargidir”ayuu yiri Axmed Joowlo.

“Waxaa ilaaheey mahadiisa inaan maanta soo afjarnay Maleeshiyaadkii Saleebaan ee naga diiday inay dagaalka nala galaan,waxa noo harsan oo Maleeshiyaadka Sacad iyo firxadka Saleebaan ee nooga baxsaday xaga gelinsoor,waxaana idinka dooneynaa inaad nagu gacansiisaan”ayuu yiri Aadan Xaashi Ceyroow oo boqolaal dadweyne kula hadlayay Dhuuso Mareeb isagoo wejiga u xirnaa.

Aadan Xaashi Ceyroow oo hore u sheegtay inuu ku xiran yahay Shabaakadda AlQaacida laguna daray dhawaan Liiska argagixsada Caalamiga waxaa uu ku hanjabay inuu weerarayo Maamul goboleedka Galmudug State gaar ahaan Maleeshiyooyinka beesha Sacad Habargidir ee ku sugan Gelinsoor.

“Wiilasha reer Xaaji Saleebaan ee lagu laayay Cadaado waxay ahaayeen wiilashii Maryacalasta ka ceeyriyay Cadaado oo dowlad ma taageersaneyn waxaana rajo ka qabnaa in la ogaado sababta xasuuqa nuucaasa ay u geysteen qolada Cadaado weerartay”ayuu yiri Afhayeenka golaha Midnimada iyo dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay.

Shacabka Cadaado waxay %87 taabacsanaayeen dhaqdhaqaaqyada ka dhankaa Itoobiyaanka hasse yeeshee xasuuqa lagu sameeyay wiilashooda ayaa ka dhigan mid guud ahaan ay la xanuunsadeen.

Weerarka Aadan Ceyroow ku qaaday degaanada beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa noqon kara mid uu ku lumiyo kalsoonidii Shacabka Galgaduud u hayeen garabkiisa sheegta Al Shabaab,waxaana dhici karta inuu waayo meel uu gabaad ka dhigto gudaha Soomaaliya.

Jaaliyadaha dibadaha ku nool ee Galmudug State gaar ahaan Jaaliyadda Beesha Sacad ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehalada iyo qaraabada wiilashooda,walaalahooda iyo waalidkood sida xaqdaradaa loogu xasuuqay Cadaado.

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net