Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Geeska Afrikada Bari oo ay Dagaalladu ku sii fidayaan.

Afrikada Bari  07 /May/2008  Waagacusub.com  

Dagaalkii labaad ee Dunida 1945-tii kaddib ayaa Gumeystayaasha reer Galbeedku waxay door bideen inaysan Afrika weligeed noqon meel lagu nasto ama ay nabadi ka jirto ,si ay haddaba u gaaraan ujeedooyinka ay Gobolkani Geeska Afrikada Bari ay ka leeyihiin ayaa waxay u adeegsanayaan Maxaysatada Tigreyga ee Dalkeena Maanta Xoogga ku haysta  Taasina waxaa inooga Markhaati ah Xaaladda uu Maanta Dalku ku sugan yahay ,iyo weliba Waddamada Soomaaliya la deriska ah iyo kuwa inaga maqanba ,sida Ereteria,Jabuuti,Soomaali Galbeed(Ogaden).Oramia,Soomaali Kenya ( NFD),iyo Waddanka  Kenya oo deris la ah.
 
Haddaba, soo yaalka taariikhda ee Geeskani Afrika  ayaa waxaa ka dhex muuqda Shacabka Soomaaliyeed inay yihiin kuwa aanan jaclayn Gumeysiga iyo Gumeysi Kalkaalka isla markaana kaga horyimi Dagaalo aad u Kulul ,sida Halyeyyadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey Guushii ay kaga soo hooyeen Cadawga iyagoo baday Cadawgii inay Hilbaha Cayriin ay Meherad ka dhigtaan weligood, Xornimadii uu Dalka qaatayna iyagaa horseed u ahaa ,Dagaalkan socda ilaa iyo Maanta waa kuwa ay weli Damac kaga leeyihiin inay Dhulkeena Hooyo ku Milkiyaan ,waxaana ka dambeeya Waddamada reer Galbeedka.
 
Dagaalada Sokeeye ee Dalka Soomaaliya ka dhacaya waa kuwa ay ka dambeeyaan Waddamada reer Galbeedka ah ee uu Maraykanku horkacayo ,Sabatuna waxay tahay inay helaan Dhul Dihin oo laga heli karo Shidaalka iyo Macaadiinta kale ee ay Warshadahoodu Isticmaalaan ,in ay helaan Bad Biyo Kulul leh oo Kalluunku uusan ka guur guurin,iyo inay u helaan Itoobiya oo ah Saaxiibkooda Geeska Afrika Deked ay Hubka uga dejiyaan ,iwm.
Soomaaliyeey maxaanu u heshiin la'nahay ? Waa Ciil iyo Ciil , Cadaw baa na Cunayee .
 
Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwii Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Gacanta u geshay Maxaysatada Maanta Dalkeena haysata ,kaddib markii Shirkii Nairobi ee ay Go'aankan Xun ee aan Salka lahayn ku Go'aansadeen inay Dhulkeenii Hooyo Gumeysi Dib ugu soo Celiyaan waa ayaan Darro aad u Xun , iyagoo weli Maanta Xaaladda uu Dalku ku sugan yahay ay tahay mid aad iyo aad u Xun ,Xasuuqa, iyo Nabad gelyo darrida ka jirta ay Mas'uul ka yihiin Ciidamada Maxaysatada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee Soomaaliya oo ay weli ka dhex muuqdaan Qabqablayaashii Dagaalka.
 
Duqayntii ay Ciidamada Maraykanku u geysteen Gobolo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid ay ka dambeysay Ciidamada Sirdoonka ee  Itoobiya oo kaashanaaya kuwa Dabadhilf ah oo u adeega Gumeystaha Naf-lacaariga ee Dalkeena ku Dhuumaalaysanaya iyo kuwa kale, Hase ahaatee Dadka Raydka iyo Maatida ay Xasuuqeen waxay horyaalaan Xafiisyada ku shaqada leh Xasuuqyada loo geysto Bani'aadanka Dunida wixii jawaab ee ka soo baxana waxaa qaadan doona Cidii Falkani amartay ama Fulisay.
 
Su'aasha soo noq noqota ee ah Ciidamada Itoobiya goormay baxayaan ?ayaa waxay tahay mid Sahlan Ciidamadan Maxaysatadu waxay baxayaan inta ka horeysa Isbedelka Siyaasadeed ee ka Socda Dalka Maraykanka inta lagu Dhawaaqin Natiijada kama Dambaysta ah ee ku aadan bisha November ee Sanadkan aannu ku jirno , si ay isga badbaadiyaan Eedaymaha Culus ee ay ku Hayaan Hay'adaha Xuquuqda Banidaanka u Dooda ee Dunida oo haya Caddaymo ku Filan oo ay kaga Guulaysan karaan Itoobiya.
 
Muqdisho maxay u degi la'dahay ?Muqdisho waxaa u Heshiiyey Cadawgii Soomaaliya maadaama ay tahay Magaalo Madaxdii Dalka, Ciidamada Maxaysatada oo ka wadda Nabad geyo darro aad u Xun Ciidamadii  DFKMG ee Soomaaliya oo ay Hoggaaminayaan Qabqablayaashii Dagaalka iyo Maamulkooda Gobolka Banaadir oo weli ay dhex boodayaan Qabqablayaal Dagaal Oogayaal ah oo Shacabka u naxayn kuna khasbay inay ka qaxaan Guryahoodii , kuna abuuraan welwel iyo Cabsi aad u weyn oo ku khasabtay inay Tahriibaan.
 
Haddaba, Maqaalkani waxaan ku soo koobayaa Geeska Afrika Dabkan ka Ololaya waxaa Shidaya Dowladahan Reer Galbeedka waxayna u adeegsanayaan Ciidamada Maxaysatada Itoobiya ee Maanta Dalkeena ku Sugan iyo kuwa kale ,Soomaaliyeey waxaad Dib ugu noqotaa Xornimadeenii khaaliga ahayd iyo tan Maanta aannu ku jirno ,waxaanna looga bixi karaa inaannu qabsano dhammaanteen Xarriga Alle kaasaana lagu badbaadayaa oo keliya.
 
 
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new