Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Baarlamanka Soomaliya oo u yeeray qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Nuur Cadde.

Beydhabo  08 /May/2008  Waagacusub.com  
 
Afhayeenka Baarlamaanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa qoraal uu u gudbay xukuumadda Ra’isal wasaare Nuur Cadde waxa uu kaga dalbaday in ay Baarlamaanka hor yimaadaan wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dowladda KMG Soomaaliya.
 
Sheekh Aadan Madoobe waxa uu sheegay in wasiirada Wasaaradahaas laga doonayo in wax laga weydiiyo xaaladaha dalka ka jira, gaar ahaan kuwa quseeya wasaaradahooda, iyadoo xilligani qas weyni uu ka jiro arrimaha amniga dalka Soomaaliya.
 
Baarlamaanka Soomaliya oo muddooyinkan dambe dardargeliyey howlaha la xisaabtanka xukuumadda Ra’isal wasaare Nuur Cadde ayaa dhawaan waxay su'aalo weydiiyeen Ra’isal wasaaraha iyadoo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay weydiiyeena ay ka mid ahaayeen waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay jirtay xukuumaddiisa, qarashka soo gala iyo gobollada gacanta dowladda ka sii baxaya.
 
Wasaaradaha Gaashaandhiga oo ku shaqo leh arrimaha ciidamada iyo wasaaradda Amniga oo arrimahba ammaanka dalka Soomaaliya ku lug leh ayaa la filayaa in wax laga weydiiyo xaaladaha amaanka ee gobolada dalka iyo inta ciidan ee u diiwaan gashan wasaaradda Gaashaandhiga iyo waxqabadkiisa, iyadoo ay baddatay cabashada ka imaanaysa dadweynaha eek u wajahan ciidamada iyo waxtar la’aanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo sii siyaadeysa.
 
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga oo horey Baarlamaanku uu ugu yeeray si su’aallo looga weydiiyo ayaa ka dib dhacay xilligii loo yeeray oo ahayd dorraad haatanna lama oga waqtiga labadaasi wasiir ee Baarlamaanku u yeeray ay hor tegayaan Golaha Baarlamaanka hortiisa.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new