Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo cabsi ay la soo deristay ka dib markii
Digniin culus loo jeediyey.

Beydhabo 08 /May/2008  Waagacusub.com  
 
ururka hubeysan ee Al-sbabaab ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa digniin kulul u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
 
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Abuu Mansuur Roobow oo habeenkii xalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay uga digayaan shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in ay ka ag fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada cadowga Itoobiya iyo kuwa gabaadka u ah ee dowladda KMG Soomaaliya.
 
Waxa uu afhayeenku sheegay dadka reer Baydhabo uu uga digayo in ciidamada Gaalada iyo kuwa Gaalo raacyada ee la safan ay ka ag fogaadaan si waxyeellada lala tiigsanayo aysan saameyn ugu yeelan, wuxuuna xusay in ciddii u tagta ciidamadaas ama meel ay ka ag dhow yihiin ku sugnaata wixii soo gaara aysan mas’uul ka ahayn ururka Al-shabaab iyo xooggaga kale eek u fikirka ah ee dagaallada kula jira cadowga iyo cadow kalkaalka.
 
Abuu Mansuur waxa uu sidoo kale ku sheegay in dhaqdhaqaaqyadooda ay sii xoogeysteen, maalmaha soo socdana ay sii badin doonaan, isla markaana ay uga digayaan cid kasta oo ku ag dhowaata ciidamadaas inaysan damiin ka noqon doonin wixii soo gaara.
 
haalkan digniinta ah ee ka soo yeeray afhayeenka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli maqribnimadii shalay xooggagooda ay qarax miino ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo marayay duleedka magaalada Baydhabo, sidoo kalena shalay degaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/hoose ciidamo Itoobiyaan ah oo xooggaga ka soo horjeeda weeraro ugu geysteen.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new