Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
"Ganacsatadu iyagaa lacagaha soo daabacday xaqna ma ahan in ay hadda yiraadaan ma rabno, waayo iyagaa horey u soo daabacay" "Madaxweyne C/llaahi Yuusuf" .

Landon  08 /May/2008  Waagacusub.com  
 
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ku sheegay in aysan suurtagal aheyn in la diido lacagta duuga iyo kuwa jeexan ee Kunka Shillin ee ka shaqeysa dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu sheegay in muddadii dalku fowdada uu ku jiray lacago badan oo faalso ah la soo daabacday, suuqyadana la soo geliyey, sidaa awgeed aysan suurtagal aheyn in lacagahaasi hadda la diido.
 
"Ganacsatadu iyagaa lacagaha soo daabacday xaqna ma ahan in ay hadda yiraadaan ma rabno, waayo iyagaa horey u soo daabacay" ayuu yiri mnadaxweynaha oo tibaaxay in dowladdiisu ku talo jirto in ay soo sameyso lacag tayo leh oo qiimaheeda iyo tayadeeda leh.

Waxa uu madaxweynuhu eedeeyey dad uusan magacaabin oo uu sheegay in ay arrinta diidmada lacagta si kale u maroojinayaan, isla markaasna u siyaasadeynayaan.
 
Dhinaca kale Madaxweyne Yuusuf waxa uu ka hadlay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaas oo duqeyntii Mareykanku ka geystay ay ku dileen xubno sar sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya, wuxuuna sheegay madaxweynuhu in weerarkaasi sida uu yiri ay dani u jirto caalamka iyo Soomaaliya intuba.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new