Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

        Miss Somali Live Chat -Somali Girls - Guurdoon-Sheeko iyo Shukaansi

(English) (Somali) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV)  
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2010
 

Xildhibaan ka mida siyaasiyiinta ugu caansan Somalia oo magangalyo waydiistay Sweden.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) ayaa la xaqiijiyay inuu dowladda Sweden waydiistay magangalyo siyaasadeed kadib markii ay u cuntami waysay siyaasadda dowlada labada Shariif ee Somalia.

Xildhibaan Jinni boqor oo lagu yaqaan hal adeeg iyo codkarnimo waxaa la sheegay inuu hada degan yahay Caasimada labaad ee Gothenburg,lamana oga sababaha ku kalifay hasse yeeshee wuxuu socdaalkiisu ku beegan yahay bil kadib markii weerar lagu qaaday Xildhibaanadii dowlada ee deganaa Hotelada Nairobi.


Marka la qiimeeyo saadaasha siyaasadda iyo Xildhibaanada faraha badan ee ku jira baarlamaanka lagu dhisay Jibouti waxaa hubaala inay jidka magangalya doonka ku soo jiraan Xildhibaano badan maxaa yeelay meel uu Jinni boqor ka tagay inta joogi doontaa yar.

Saalax Badbaado oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee codka weyn ku dhex lahaa baarlamaanka ayaa sedex todobaad ka hor u galay kooxda Al-Shabaab.

Somalida waxay ku maahmaahdaa QOF DAD WAAYAY,AYAA DUGAAGTA U GALA.

Dowlada labada Shariif waxay dalka iyo dadka baday gumeeysi ka xun midkii uu geliyay Cabdullahi Yusuf.

Cabdulahi Yusuf ma ahayn nin been badan,waxaana siyaasadiisa la degay qabyaalad hoose iyo wadaninimo xumo hasse yeeshee ninka lagu bedelay ee Shariif Sheekh Axmed wuxuu noqday nin kun jeer ka xun oo xasuuqii shacabkana sii laba laabay,

Dad badan ayaa qiimeeyn isbarbar dhiga ku sameeyay Shariif Axmed iyo Cabdullahi Yusuf laakiin natiijadu waxay noqotay inuu been iyo afmacaani dhagareed dheer yahay,ayna ka siman yihiin Wadaninimo xumada iyo arxan darada lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

09 March 2010 Waagacusub Media

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

Chat Miss Somali
Chat Miss Somaliland