Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

        Miss Somali Live Chat -Somali Girls - Guurdoon-Sheeko iyo Shukaansi

(English) (Somali) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV)  
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2010
 

Xuska Haweenka Aduunka 8 Marso oo lagu qabtay Sweden+Sawiro

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Ururrada (A.B.F), Socialdemokraterna Arbetarpartiet (S.A.P.) IRIS, Xisbiga Bidixa (Left Party) Iyo Jaaliyada Haweenka Soomaaliyeed ee Magalada Soderhamn ayaa maanta lagu Xusay Magaalada Soderhamn ee Wadanka Sweden..




Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Ururada Haweenka ee soo qaban qaabiyay Xuska 8 Maarso iyo qaar ka mid ah Gabdhaha Jaaliyada Haweenka Soomaaliyeed ee ka dhisan Magaalada Soderhamn ayaa waxaa ugu horreyn ka hadashay Marwo Faadumo Cabdulaahi Cabdi oo si weyn ugu dheeraatay qiimaha maalinta ay ugu fadhido Haween-weynaha adduunka iyo waliba Wanaaga ay leedahay Munaasabadan ...


Faadumo Cabdulaahi waxaa ay sheegtay in Sanadihii ugu danbeeyay Haweenka Soomaaliyeed ay la soo darseen dhibaatooyin dhinaca Nolosha ah oo ay sababeen sida ay hadalka u dhigtay Siyaasadaha is-diidan ee ka jira dalka kuwaas oo ku qasbay Haween badan oo Soomaaliyeed in ay isaga cararaan hoygii ay daganaayeen ilaa haddana ay jiraan qaar ka mid ah Haweenka oo ku hoos nool geedaha hoostooda...

Barakaca waxaa ugu darnaa Haweenka dil iyo dhaawac ay kala kulmaan dagaal aysan aqoonin sababta ay u socdaan, waxaan jeclahay in aan farriin u dirno Ragga taasoo ku saabsan in la joojiyo dhibaatooyinka ka dhanka ah Haweenka" ayeey hadalkeeda sii raacisay Faadumo Cabdulaahi.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal kooban ka soo jeedisay Gudoomiyaha Haweenka ee Xisbiga Socialdemokraterna ee Wadanka Sweden NALIN PEKUL waxaana aay sheegtay in ay la qaado farriinta Faadumo Cabdulaahi, iyada oo dhinaca kalana u rajeysay Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa Aduunka Guul iyo Nabad in ay ku gaaraan Sanadka xiga.

Dhammaan dhinacyadii Haweenka ee ka soo qeyb-galay Munaasabada 8 Maarso ayaa si weyn ugu faraxsanaa in ay goob-joog ka ahaadaan Xuska Maalintan ku weyn Haweenka Adduunka, xili siweyn looga Xusay Aduunka oo dhan ...

Sido kale waxaa munaasabada ka hadashay Feynuus Daahir Cabdimoo ah Gabar Katirsan Jaaliyada Soomaalida ee magaalda Sodehamn Feynuus ayaa Tabatay Qodobo badan oo aay ka mid aheeyn Gudniinka Fircooniga oo ay ku tilmaantay in aay tahay Cuuryaamin wax loogu dhibayo Taranka Gabdhaha loo isticmaalo Gudniinka Fircooniga..

dhanka kale waxeey sheegtay Feynuus dhibaatoyin aay leedahay Furniinka ka dhaxdhaca Qoysaaska Soomaaliyeed waxaana meshaas kabaxay ayeey tiri Feynuus Korniinkii Awladii aay dhaleen Qoysaaska Soomaalida oo maraarka qaar aay suura gal tahay ayeey tiri in aay noqdaan Darbiyo jiif wax barasho la,aan iyo waliba Cafimaad la,aan la soo Daristo Caruurta Aba la,aanta ah ayeey tiri Feynuus sheikh Daahir



Munaasabada waxaa sido kale ka soo qeyb gashay Asa Lindestam oo ah Xubin katirsan Baarlamaanka Wadanka Sweden iyo Gudiga Qaranka MidowgaYurub waxana Asa aay si weyn indhaha ogu heysay Wax qabadka Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Xuska Munaasabada 8 Maarso dhanka kale waxaa Munaasabada Howl wadaneeno ka ahaa Gudoomiyaha Dhinaca Siyaasada Umada Soomaaliyeed ee kudhaqan Magaalada Soderhamn Mudane Axmed Nur Ibraahim..

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur,

Nuure1000@hotmail.com

Soderhamn Sweden

09 March 2010 Waagacusub Media

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

Chat Miss Somali
Chat Miss Somaliland