Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Deeq lacageed oo la gaarsiiyay qeybta Nurse-ga ee Jaamacada Camuud. “Daawo Sawirada”

Boramo  09 /May/2008  Waagacusub.com  

DHAGEYSO QUDBADAHA XAFLADAAN LAGA JEEDIYAY.
 
Xaflad balaaran ayaa shalay galinkii dambe ka dhacday hotelka Rays ee magaalada Borama, taasoo qeybta Nurse-ga Jaamacada Camuud lagu wareejinayay deeqo lacageed oo ay soo direen qaar kamid ah gabdho gobalka u dhashay oo ku dhaqan dalalka Brittan iyo Talyaani.

Xafladaani ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Shirkada Isgaarsiinta Telesom ee G/Awdal, Jaamacada Camuud qeybta Nurse-ga iyo Maamulka Xawaalada Dahabshiil ee Borama.

Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal Mudane C/qaadir Aadan Nuur oo deeqdaasi lacageed lagu soo hagaajiyay ayaa ka hadlay xafladaasi, waxuuna sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay inuu deeqdaan si wanaagsani ugu wareejiyo dadkii loogu tala galay.

C/qaadir waxa uu sheegay in bulshada Awdal ee Caalamka ku dhaqani muddooyinkii ugu dambeeyay fahmayeen waxtarka gobalka u leeyahay iyagoo ka qeyb galay dhowr mashruuc oo waxtar u ah gobalka laguna hormarinayay Caafimaadka, Waxbarashada iyo Waddooyinka gobalka Awdal.

Waxa uu xusay in $926 Dollar ay soo direen gabdho kamid ah Jaaliyada gobalka ee London gaar ahaan Towtr Hamnets, halka $700 Dollar ay soo dirtay gabar degan Talyaani iyadoo $100 uu ku deeqay wiil kamid ah dadweynaha gudaha Borama ku dhaqan oo is xilsaaray horumarka gobalkiisa dhinaca Waxbarashada.

C/qaadir Aadan Nuur ayaa deeqdaan lacageed gacanta ugu shubay Drs. Faadumo Xaaji Abuubakar oo kamid ah Dhaqaatiirta wax ka dhigta qeybta Nurse-ga ee Jaamacada Camuud isla markaana hormuudka u ah arrimaha Caafimaadka gobalka.

Waxa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay deeqdaan lasoo gaarsiiyay, taasoo ay sheegtay inay ku qaban doonto waxyaabo badan oo iminka ka dhiman Nurse-ga.

Waxa ay sheegtay inay baahi weyn ka jirto qeybta Nurse-ga gaar ahaan waxyaabaha ay ardayda ku Practice-gareynayaan oo laga helin Borama, isla markaana balan qaadyo dhawaan u sameysay Hay'ad taasoo keeneysa qalab ardayda wax ku bartaan oo $100.000 Dollar ku baxeysa.

DHAGEYSO QUDBADAHA XAFLADAAN LAGA JEEDIYAY.

Waxa ay sheegtay in qeybta hore ee Ardayda yihiin 40 Arday, qeybta labaadna 20 Arday kuwaasoo aad u jecel inay wax ka kororsadaan Jaamacada Camuud oo noqotay Jaamacada ugu horeysa Somalia ee qeybtaan dalka keentay.

“Dalka Canada ayaan ugu soo tagay sidii aan bulshadeyda gobalka Awdal waxii aan soo bartay ugu faa'iideyn lahaa, Al-xamdulilaah iminka waxaa ii muuqda inaan hadafkeyga gaaray waloow ay baahi dhinaca qalabka waxbarashada ay jirto, hadii taasi la helana aan filayo inay wax weyn kor u qaadi karto” ayay tiri Drs. Faadumo Xaaji Abuubakar.

Sidoo kale, Xafladaasi waxaa ka hadlay Wakiilka Shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Borama Mudane Ismaaciil Riiraash oo aad usoo dhaweeyay deeqdaan la gaarsiiyay maamulka qeybta Nurse-ga ee Jaamacada Camuud.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Jaaliyadaha Awdal ee Caalamka ku kala firarsan inay indhaha ku hayaan gobalka isla markaana kaalin weyn ka qaataan howlaha lagu hormarinaayo gobalka gaar ahaan Waxbarashada.

“Waxbarashada waa wax waajib ku ah qof kasta inuu wax barto, waayo Caalamka waxuu ku kala hormaray Waxbarashada sidaasi darteed baan ugu faraxsanahay deeqdaan qeybta Nurse-ga Camuud maanta lasoo gaarsiiyay” ayuu yiri Riiraash.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa inta badan u danqata arrimaha gobalka, isagoo lagu xasuusto inuu arrimo badani soo fakiray gaar ahaan dhismahada Wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo iminka loo sameeyay Urur ARNA la yiraahdo oo dhismaha wadadaasi ka qeyb galaya.

C/qaadir ayaa inta badan waqtigiisa ku dhumiya latashiyo uu la sameeyo Ganacsatada gudaha Borama ku dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha isagoo ka dhaadhiciya sidii ay gacmaha is qabsan lahaayeen isla markaana gobalkooda u horumarsan lahaayeen.

C/qaadir ayaa inta badan jecleyn in lagu ammaano wax qabadkiisa ku aadan gobalka, isagoo jeebkiisa ka dabara inta badan howlaha loogu soo baahdo ee horumarka gobalka ku aadan.

Isku soo duuboo, Gobalka Awdal ayaa waayadii ugu dambeeyay ka socdeen howlo horumarneed taasoo ay wadeen Ganacsatada gudaha gobalka ku dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha ku dhaqan oo go'aansaday inay gobalkooda horumarsadaan.

AbdiAziz Mohamed Elmi
Email: xaaji7777@hotmail.com

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new