Xuubsireed
ayaa Ganafka ku dhuftay in uu la kulmo Madaxwayne Shariif
uguna baaqay iscasilaad.
Madaxwayne sheikh shariif iyo wafdigiisa oo mudo laba
maalmood ah ku sugnaa Magaalada London ayaan mar aan
la xiriirnay xuubsireed uu inoo sheegay in aanu la kulmi
doonin, Waxa uuna intaas raaciyay inuu aad uga xunyahay
in Mansabkii Madaxwaynanimo meel looga dhacay, sheekh
shariifna waxaa uu ugu baaqay in uu xilka uu ku magacaabanyahay
deg deg isaga casilo.
Waxay shaqadiisu ku soo dhamaatay ayuu yiri Xuubsireed
in uu Alshabaab iyo Xisbu islaam wax ka sheego, oo hadba
dalalka galbeedka mid lagu casumo si dhalinyarada Soomaaliyeed
ee ku sugan dalka dibadiisa ugu khudbeeyo in aanay Alshaab
taageerin lagana ilaaliyo Masaajidada oo uu ku tilmaamay
in wacdi taageero alshabaab ah ay ka soo dhagaystaan.
‘’Sheekh shariif ma ahan nin go’aan qaadasho leh waxa
uuna lumiyay kalsoonidii beeshiisa, iyo kalsoonidii
Goboladii waligood taagersanaa Dowlada Federaalka oo
ay ugu horayso Puntlland State of Somalia’’.
Xuubsireed ayaa ku tilmaamay Dowlada Federaalka inay
ka kooban tahay Gobolo iyo Beelo isu yimid oo Maamul
wada samaystay, shakhsi walbaana uu matalayo ama beel
ama Gobol oo uu markaa ka soo jeedo, Waxa uuna sheegay
in Hogaankiisa siyaasada uu yahay Madaxwayne Abdirahmaan
faroole, Mabaadii’diisa siyaasadeedna ay ka tarjumayso
waxa u danta ah shacabka Puntlland iyo umada Soomaaliyeedba.
Sheekh Shariif iyo shakhsiyaadka ka agdhow dagaal cad
oo siyaasadeed ayay ku qaadeen Shacabka iyo Maamulka
Puntlland iyaga oo ka horyimid dhamaan hishiisyadii
lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo, Puntllandna waxay ka
dhigeen suuqii bakaaraha oo subax walba madaafiicda
iyo xabadaha lagu quraacdo.
Waxay diideen inay u aqoonsadaan Puntlland inay ka
mid tahay Soomaaliya nabadna tahay, Soomaaliya oo idil
dab inuu ka baxayo ayay dunida la wareegayaan, dhamaan
goobihii gacanta ugu jiray Dowladii ka horaysay sheekh
shariif gacanta ayay ka saareen, mana filayo ayuu yiri
inay Puntlland albaabada u furi doonto Dowladan sheikh
Shariif.
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download