Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Xaflad loo Sameeyey Suxufiyiin reer Somaliland oo Waxbarasho ku soo Qaatay Kenya

Hargeysa  10 /May/2008  Waagacusub.com  

Xaflad loo sameeyey suxufiyiin reer Somaliland ah oo ka soo laabtay waxbarasho ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Weriyeyaashan oo ay Hay'adda CARE International & USAID, kuwaas oo waxbarasho saddex bilood ah ugu dirtay dalka Kenya oo Arbacadii toddobaadkii hore dalka ku soo laabtay, waxa muddadii ay dalkaas ku maqnaayeen soo barteen duruuf la xidhiidha xirfadooda shaqo, iyaga oo aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo ka soo kasbaday kooraska waxbarasho ee ay ka caawisay Hay'dda CARE, waxaanna aqoonta ay soo barteen u dheerayd iyaga oo xarumaha warbaahineed ee ka jira magaalada Nairobi ku soo qaatay tababaro, si ay habka iyo nidaamka ay saxaafadda Kenya u shaqayso u soo bartaan.

Khadar Maxamed Cakule oo ka mid ahaa suxufiyiintii tababarka soo dhameystey ayaa ku dheeraadey sida ay dhalinyaradaa suxufiyiinta ah ee matalayey Somaliland u ahaayeen qaar si fiican u gutey xilkoodii waxbarasho iyo  waliba daacadnimadii, isxilqaankii, firfircoonaantii iyo dadaalkii ay muujiyeen mid ku reebay xusuus gaar ah macalimiintii iyo maamulkii machadkii ay waxbarashada u joogeen, waxa kale oo uu sheegey in halkaa waxbarashada kula qaateen afar iyo toban suxufi oo kale oo ka kala socdey gobaladda Puntland iyo koonfurta Soomaaliya balse ay kooxdani ka socatey Somalialand ay ahaayeen kuwii ugu cadcadaa mar walba haddii ay noqoto dhinaca ka qeybqaadashada shaqada iyo aqoon kororsiga intaba.

Fahma Yusuf Ciise oo iyana ka mid aheyd lixdaasi suxufi ayaa is barbardhigtey ka sokow saxaafadda sida ay u kala duwan yihiin dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba bulshada  Somaliland iyo bulshada Kenya. Waxay tilmaantey  sida bulshada Kenya ay u qiimeeeyan waxbarasha iyo sida ay uga go'an tahey inay dalkooda horumar gaarsiiyan, waxa ay barbardhigtey hanka  iyo heerka bulshada Somaliland ay waxbarashada ka taagan yihiin. Waxaaney ku dardaartay bulshada Somaliland inay u guntadaan kor u qaadista waxbarashada oo ah ta qudha ee horumar lagu gaadhi karo laguna heli karo kala dambeyn, amni iyo ismaqal.

Xafladda loo sameeyey suxufiyiintaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa halkaa ka hadlay Mr. Xasan Jaamac oo ka tirsan Hay'adda CARE/USAID ee kooraskan waxbarasho ugu deeqay suxufiyiinta, waxaannu xusay sida ay hay'adiisa uga go'an tahay wax la qabashada warbaahinta reer Somaliland, isaga oo sheegay in kooraskan waxbarasho noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay u qabtaan saxaafadda.

Tifaftiraha guud ee Wargeyska madaxa banan ee geeska Afrika, Maxamed Xuseen Jamac (Rambo)  oo isna ka Hadley xafladdaa ayaa sheegey inay wargeys ahaan soo dhaweynayaan suxufiyiintan waxbarashada soo dhameystey kana rajeynayaan iney wax cusub ku soo kordhin doonaan warbaahinta dalka.

Sida oo kale waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyey Agaasimaha Idaacada Radio Hargeisa, waxaanu ku nuuxnuuxsadey in ay tahey markii ugu horeysay ee suxufiyiin Somaliland ka socdaa ay waxbarasho u tagaan dalka dibadiisa mudo intaa le'eg na ay aqoon kororsi  soo qaataan. Waxa kale oo uu sheegeey inuu ku faraxsan yahay in suxufiyiintani mudadii ay halkaa joogeen la soo shaqeeyeen hay'adihii warbaahineed ee dalkaasi Kenya oo ay soo arkeen deegaan ka duwan deegaankii ay ka shaqeynayeen.   

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isna halkaa ka hadlay ayaa xusay baahida ay suxufiyiinta reer Somaliland u qabaan aqoon ku filan oo ay helaan, waxaannu sheegay in Hay'adda CARE ay tahay ta qudha ee inta badan gacanta ka gaysatay tababarrada suxufiyiinta, waxaannu ka codsaday hay'adda in ay sii laban-laabto gacanta ay warbaahinta Somaliland siiso, isaga oo u soo jeediyey suxufiyiinta koraska waxbarasho ka soo qaatay Kenya inay aqoontii ay soo barteen uga faa'iideeyaan bulshadooda.

Weriyeyaasha xafladda loo sameeyey ee ka soo laabtay Kenya-na waxa kala ahaayeen:

1. Fahma Yuusuf Ciise WIJA & Jamhuuriya.

2. Khadar Maxamed Cakuule HCTV

3. Barkhad Maxamuud Kariye Ogaal

4. Mubaarig Cabdi Yuusuf Radio Hargeysa

5. Nimco Axmed Cali Geeska Afrika

6. Sadiiq Maxamed Burmad Radio Hargeysa.

 

Shiine Cilmi Kaahin
SDWO News Desk – Hargeisa

Shiinenet@gmail.com
Phone: +252 2 4429044


 

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new