Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Dhalashada Nabiga (N.N.K.H.) Oo Si Weyn Looga Xusay  Koonfur Afrika.+Sawiro

K/afrika 11 March 2009 Waagacusub Media


Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamuusayey Dhalashada Nabigeenka Muxamad (SWC) ayaa xalay ka dhacday Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.
 

Munaasabadan oo ay si heer caalami ah usoo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa, gaar ah xaafadda Bellville ee ay Soomaalidu degto, islamarkaana ay kasoo qeyb-galeen Culumaa'udiin, aqoonyahano, dhalinyaro Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Koonfur Africa, ayaa waxaa si diiran looga hadlay xuska Nabigeena Muxamed CSW iyo waajibaadka ka saaran ruux kasta oo Muslim ah.


Culumaa'udiin aad u fara badan oo xafladaasi ka hadashay ayaa si gaar ah usoo qaatay Siirada Nabiga CSW, min Dhalashadiisa ilaa xilligii la oofsaday iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu lasoo maray inuu Diinta Islaamka gaarsiiyo guud ahaan caalamka iyo Halgamadii Islaamku usoo galay fidinta iyo kor yeelidda Islaamka.


Isagoo ka hadlayey Xafladaasi farxadda iyo qiimaha weyn xambaarsan ayaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Africa C/raxmaan Axmed Cumar oo ku magac dheer Cabdi Yare Jidoow, waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda xuska Dhalashada Suubanaheena Muxamed (N.N.K.H.) iyo in umad kasta oo Islaam ah looga baahan yahay weynneynteeda.


“Waxaa marag madoonta ah in Abuu Lahab oo ahaa Nabiga Adeerkii oo la ogyahay nacybka uu u qabay Rasuulka, hadana Habeenka Isniinta ee uu dhashay Nabi Muxamad (S.C.W.) loo qafiifiyo Naarta farxad yar oo uu ku farxay dhalashadiisa darted, marka maxaad moodaa cidii sare u qaada oo weynaysa Nabiga” ayuu yiri mudane Jiidoow.


Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka diidaya weynaynta Nabiga (N.N.K.H.) uu jeclaan lahaa inay ka waantoobaan mabda’aasi, sida uu yiri.

Sanad waliba 12-ka Bishan Rabiicul-Awal oo ku astaysan dhalashada Nabiga S.W.C, ayaa waxaa si weyn uga dhaca daafaha caalamka munaasabado badan oo lagu weynaynayo farxadda dhlashada Rasuulka.

c/laahi xaaji xuduu
s/afrika
cape town

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new