Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2009
 

Somalia Latest News English
Topnews: Nationlink oo noqotay Isgaarsiinta loogu kalsoonida badan yahay Koofurta Somalia.


Mogadishu 11 October 2009 Waagacusub Media.

Siyaasiyiinta Dowladda Federalka iyo Ahlusuna Wal Jameeca,shaqaalaha Hay’da samafalka,Weriyeyaasha madaxa banaan ,Ururada bulshada rayidka,ganacsatada iyo qeybaha bulshada ee koofurta Somalia ayaa wada qaatay telefoonada gacanta ee GSM Nationlink kadib markii ay sas ka qaadeen telefoono ay hore shirkado kale uga isticmaalayeen.

Cartoon Amb Moh Ali America

 

Qeybaha bulshada Koofurta Somalia waxay sheegeen in Isgaarsiinta Nationlink tahay shirkad ka madaxbanaan garabyada siyaasadda Somalia halka Shirkadaha kale ay dhageysi ku sameeyaan telefoonadooda.
Inkastoo koofurta Somalia bulshada u wada guureen GSM Nationlink hadana dhinaca kale Shirkadda waxay laba laabtay dadaaladeeda ay wax ku tareeyso dadka dhibaateeysan.


Shirkadda Nationlink waxay sahashay baabuurta gurmadka deg degaa ee Ambalance,waxay dawooyin,shidaal iyo cunto ugu deeqday Bukaanada dhaawacyada qaba iyo Isbitaalada ay jiifaan,waxayna sidoo kale martigelisay kulan ay Weriyeyaasha Bartamaha iyo Koofurta Somalia ku dhisanayeen urur ay ku midoobeen.
Suuqa ganacsiga dhinaca Isgaarsiinta Mogadishu waxaa sanadkii hore qiimeeyn la sameeyay ku jirtay kaalinta 1-aad Isgaarsiinta Hormuud Telecom hasse yeeshee sida muuqato sanadkaan waxaa xoowli sare ku socda Nationlink oo kasbatay kalsoonida madaxda qeybaha Somalia.
By Dahir Abdulle Alasow
dahiralasow@yahoo.com
Tel:+31684060098

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new