Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012
Topnews:-
Daawo Video Ila qosola: Jaamacadda Camuud oo
Siilaanyo Phd siisay iyo Shariif Sakiin oo ku farxay.
17 November 2012 Waagacusub.com-
Amoud University oo la tilmaami jiray inay ka mid ahayd
Jaamacadaha ugu wanaagsan Geeska Afrika ayaa ka yaabisay
Hay'adaha Waxbarashada Caalamka kadib markii ay Shahaadada
phd siisay Madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohamed Siilaanyo
oo aan waligii ka mid noqon ardayda Jaamacada .
Hormuudka Jaamacadda Camuud Mr Ahmed Abdullahi Boqore
ayaa Siilaanyo siiyay Shahaadada Phd asagoo dalbaday
in loogu yeero Dr hasse yeeshee Madaxweyne Siilaanyo
ayaa gacantiisa ka ilaashaday inuu ka gudoomo sida aad
ka daawan kartaan Video-gaan laga duubay.
Xeeldheerayaasha Waxbarashada Caalamka ayaa ku dooday
in Camuud lumisay kalsoonidii lagu qabay mar hadii ay
PHD siisay Siilaanyo oo aan Jaamacad waligii dhigan
ama ka tirsaneyn Amoud University waloow dhinaca kalena
ay sheekadaan ka mid noqon karto Maada ama ila qosolka
la yaabka dunida.
Nin ka mida Hay''adaha Waxbarashada Gees Afrika ayaa
isagoo dhabanada heysta wuxuu yiri "Derajada
PHD goormee noqotay Hadiyad qof loo siiyo sida Gabadh
aad dhashay ama hal geela, waxaa kale oo la yaableh
Ahmed Boqore sababta ku qasabtay inuu sida Jaahiliinta
u dhaqmo"
Khabiirkaan Waxbarashada wuxuu hadalkiisa ku koobay
" Malaha Master Degree la siiyay Siilaanyo
waxaa loola jeediyay in sumcada Jaamacada la lumiyo,oo
Caalamka u qaataan inay tahay Jaamacad sidaas fudud
ku bixisa PHD iyo Shahaado kastoo loo baahdo,laakiin
anigu waxay ila tahay maahan arrin sahlan in PHD la
qaato"
Dadka Reer Borama waxay Boqore u bixiyeen Ninka bixiya
PHD iyo Doctor-nimada iyadoon lagu xirin sharuud Waxbarasho.
Gudoomiyaha hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Sakiin
ayaa aad ugu farxay inuu arko Siilaanyo oo PHD la siiyay
isagoon ka mid ahayn ardayda Waxbarashada heer Jaamacadeed
u fadhiistay.
Shariif Hassan wuxuu doonayaa inuu Jaamacadda Amoud
ka soo iibsado Shahaadada loo yaqaan PHD .
Mar uu la hadlayay Saaxiibadiisna wuxuu yiri "
Master iyo PHD tii fiican ii sheega waxaan ka soo iibsanayaa
Jaamacada Camuud oo Siilaanyo sharuud la''aan ugu gelisay
dharkii qalin jibinta kadibna PHD siisay"
Shariif Sakiin waxaa la soo Wariyay
inuu Hormuudka Jaamacadda Camuud weydiisan doono in
loogu yeero Prof maadama uu xifaaltan kala dhaxeeyo
rag derajadaas u sheegtay .
Jaamacada Camuud sheeko qosol badan ayey ku dhiiratay
,iyadoo dad badana aaminsan yihiin in fadeexada dhacday
ay ka shaqeeyeen koox mudo dheer ku mashquulsanaa sidii
loo fashilin lahaa Jamaacada maadama maanta loogu magac
dari karo Cabdulle Shideeye University of Borama.
Cabdulle Shideeye waa Xarumo ku
yaal gudaha Suuqa Bakaaro ee Muqdisho waxaana laga helaa
waxkastoo loo baahdo laakiin saxiixa kooxdaas kama shaqeeyo
Caalamka halka Amoud University hore loogu qabay kalsooni
ardayda ka qalin jibiso loo qaadan karo derajo heer
jaamacadeed laakiin maanta la rumeeysan yahay in qofkii
lacag bixiyo ama siyaasiya ka qaadan karo shahaado PHD.
Xarumaha Waxbarashada waxaa ka
mamnuuca inay ku lug yeeshaan siyaasadda iyo qabyaalada
laakiin maanta waxaa dhacday in aqoonyahan Soomaaliyeed
ku dhiirado inuu PHD siiyo siyaasi aan aqoontaas ku
muteeysan dadaal Waxbarasho ama Jaamacad u gelin.
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.