Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012
Topnews:-
Safiir Amerika oo loo aqoonsaday Wadaniga iyo
dibllomasiga Sanadka.
17 November 2012 Waagacusub.com-Safiirka
Somalia u fadhiya Kenya Mohamed Ali Amerika ayaa loo
aqoonsaday Wadaniga iyo Diblomaasiga Sanadka ee Somalida
kadib markii uu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleeystay
difaacida iyo waxqabashada Somalida ku nool Kenya ,sida
Ganacsatada iyo qaxootiga.
Ganacsatada Somalida Kenya iyo Jaaliyadda ayaa si wadajira
xaflad ay ku taageerayaan Safiirka waxay ugu qabteen
Nairobi taas oo lagu baahiyay Internet-ka.
Sababaha kor u qaaday sumcada Safiir Amerika waxaa ugu
weyn :-
1-Sida uu mar walba uga warqaba qaxootiga Somalida ee
ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya iyo kuwa jooga Islii
Nairobi.
2- Sida uu mar walba u difaaco Ganacsatada Somalida
ee Kenya ku nool.
3- Safiirka oo noqday diblomaasigii ugu horeeyay guud
ahaan Somalida wax uga qabto hab ka fog qabyaalada taas
oo qasabtay in beesha uu ka dhashay ee Hawiye ku eedeeyaan
inuu dadka u dhashay beesha Daarood mar walba difaaco.
4- Safiir Amerika wuxuu si cad uga soo horjeestay qorshaha
Kenya ku dooneyso in koox lagu magacaabo Raaskambooni
Asaniya loo daba fariisto maamul u dhisida Jubooyinka
,
Inkastoo Mohamed Ali Amerika noqday Diblomaasiga iyo
Wadaniga Somalida ee sanadka hadana waxaa bulshada Soomaaliyeed
looga baahan yahay in qofka sida Amerika u dadaalo la
garab istaago si dhiirigelin loo siiya maxaa yeelay
waxaa hubaala in Safiir ka hoowlgala Kenya ka hadli
kari lahayn xaalada Kismayo iyo danaha Kenya ka leedahay
Jubooyinka.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Farah Macalin
ayaa si cad wuxuu u caayay uguna hanjabay Safiir Amerika
,mar uu Wareysi siinayay Radio Ogaal ee Magaalada Toronto.
Hogaamiyaha Raaskambooni Ahmed Madoobe laftiisa ayaa
si kulul uga hadlay qadiyada Wadaninimada leh ee Mohamed
Ali Amerika iska taagay xaalada Jubooyinka.
Kelya adeega Wadaniyadeed ee Ali Amerika markii Dowladaha
shisheeye loodin waayeen waxay ugu dambeyn ku kiciyeen
kuwa Somalinimada kala weyn tahay sandareero la siiyay
iyo qabyaalad.
Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo Muqdisho khudbad
ka jeediyay ayaa si maldahan ula hadlay Cadawga Somalia
ee Kenya hada ugu horeeysa wuxuuna ku yiri " Cadawgiina
u sheega inaad aheyn 10 Milyan balse aad tihiin 10+75
Milyan oo Turkisha,mar walbana ogaadana in Somalia tahay
dalkeyga labaad idinkuna Turkiga idiin yahay dalkiina
labaad"
Si kastaba ha ahaatee, Qofkasta oo Somali dhaba waa
inuu adeegsado halku dhiga caan baxay ee SOMALIA SOMALI
BAA LEH"
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.