Somalia
Latest News English
Khawaarijta
oo Goowracday Xildhibaan Inj Cadoow

Mogadishu
19 June 2009 Waagacusub Media.
Kooxaha Khawaarijta ayaa mida
ku goowracay Inj Maxamed Xuseen Cadoow oo ka mida Xildhibaanada
golaha baarlamaanka Somalia kadib markii ay nolol ku
qabteen

Listen
Radio1 Radio2
Radio3 Radio4
Radio5 Radio6
Radio7 Radio8
Radio9
Weriye ka tirsan Waagacusub ayaa sheegay inuu indhahiisa
ku arkay Xildhibaanka oo dhaawaca ayna Tooreey qoorta
kaga goowracayeen.

"Waxaan ka baxnay degmadda
Kaaraan,dagaal culusna wuu socday,ka gadaal Xildhibaanka
ayey xabad qabsatay,waxyar kadibna waxaa gacanta ku
dhigay qolooyinka wejiyada duuban,anigoo gidaar kaga
gambanayay rasaasta,waxay indhaheeygu qabanayeen Inj
Cadoow oo Tooreey qoortiisa lagu kala jaray,runtii waan
hubaa inuu dhintay,waxaana leeyahay allaha u naxariisto"ayuu
yiri Weriyaha ka tirsan Waagacusub oo ka mid ahaa Weriyeyaashii
ku sugnaa jiida hore ee dagaaladda Kaaraan.
Inj Cadoow oo u dhashay beesha
Hawiye,gaar ahaan Mudulood,Udeejeen,wuxuu ka mid noqday
Musharaxiintii u istaagay kursigii Madaxweynenimadda
Somalia,wuxuu ahaa aqoonyahan furfuran oo saameeyn weyn
ku dhex lahaa siyaasadda Somalia.
Dagaalka ka socda Degmadda Kaaraan
oo la isu adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa
sii laba lixaadsaday,waxaana wadooyinka tuban meeydad
fara badan.
Ciidamo uu wato Yusuf Indhacadde
ayaa ka dagaalamaya Kaawadda Kaaraan ,halka kuwa ay
kala wataan Salaad Cali Jeelle iyo Maxamed Cismaan Dhagaxtuur
ay dagaalo kaga jiraan Jiiro Wacbuudhan iyo dusha dambe
ee gurigii Muusse Suudi Yalaxoow.
Dowladda Federalka Somalia oo
u muuqato inay isku hagranayaan gelida dagaalka,waxaa
dad badani ka cabsi qabaan in ugu dambeyn loogu tago
Madaxtooyadda Villa Somalia ee uu ku sugan yahay Madaxweyne
Shariif Sheekh Ahmed hadii aysan si rasmiya uga kicin
hurdada qarawgaa ee sababay in maalinka hogaamiye muhiima
laga dilo.
Si kastaba ha ahaatee,ma jiraan
wax wara oo ka soo baxay dowladda Federalka kuna saabsan
xaqiijinta in la goowracay Inj Cadoow
By Osman Hashi Kaariye ( Caanaboore)
Waagacusub Office
Oslo-Norway
kaariye1@hotmail.com
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download
Sunday Music-Heesahii Radio
Mogadishu Dhageyso
ama Download
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new