Topnews:-
Siilaanyo oo aqbalay shirka London
iyo ku xigeenkiisa oo iscasilaya ! xog hoose.
20 Janaury 2012Waagacusub.com-Dowladda Ingiriiska
ayaa cadaadis ku saartay Madaxweynaha Somaliland Ahmed
Mohamed Siilaanyo inuu ka qeybgalo Shirweynaha garabyada
Somalia loogu qaban doono Magaaladda London 23 Febaury
2012 si dalka Somalia loogu dhiso Dowlad Salbalaaran.
Maamulka Siilaanyo oo khilaaf
ba’an ka dhex aloosan yahay ayaa Caawa si rasmiya ugu
xaqiijiyay Dowladda Ingiriiska inay ka qeybgalayaan
Shirweynaha London sida uu Waagacusub u sheegay diblomaasi
ka shaqeeya Xafiiska Dowladda UK u
qaabilsan arrimaha Somalia.
Diblomaasiga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin
wuxuu tibaaxay in aqbaalada Siilaanyo ka dhalatay markii
lagu wargeliyay in Dowladda Ingiriiska joojin doonto
dhaqaalaha ay siiso Somaliland.
“Laba dhambaal oo hore kama aysan jawaabin laakiin mid
shalay loo diray ,loogana dalbaday inay moowqifkooda
shirka cadeeyaan ayey galabta ku soo sheegeen inay aqbaleen
shirka iyo wixii ka soo baxa”ayuu yiri Diblomaasiga
.
Diblomaasiyiin ka hoowlgasha Safaaradaha Dowladda Ingiriiska
ku leedahay Kenya iyo Ethiopia ayaa xaqiijiyay in Shirweynaha
Ingiriiska lagu casuumay Maamuladda Khaatumo State of
Somalia iyo Awdal State of Somalia.
Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia
Amb Mahiga oo khadka telefoonka ugu waramay Waagacusub
ayaa yiri “ Dagaalkii Kalshaale ayaa sababay
inay Somaliland lumiso kalsoonidii beesha Caalamka,waxaana
hada la gudboon inay tagaan Shirka London oo fikradooda
ka dhiibtaan”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa shir albaabada u xiran
la yeeshay dhamaan Xisbiyadda Somaliland ,wuxuuna u
sheegay in Shirka London lagu saaray cadaadis sidaas
darteedna ay la tahay in laga yeesho shir xasaasiya
balse arrinka ugu weyn ee wejiga 1-aad uu yahay inay
ka talo bixiyaan sida loo wajahi karo shirweynaha Taleex
ee lagu dhisay Khaatumo State of Somalia.
Shirka albaabada u xiran ee Madaxweyne Siilaanyo la
yeeshay Hogaamiyeyaasha Xisbiyadda Somaliland oo looga
hadlayay Amaanka waxaa ku wehliyay Wasiirkiisa Madaxtooyadda
Xersi Xaaji Cali halka uu ka maqnaa Wasiirkiisa Arrimaha
Gudaha Mohamed Duur oo sharciyan ahayd inuu ka qeybgalo
maadama uu joogo Hargeysa.
Siilaanyo oo madaxda Xisbiyada uga hadlay aragtidiisa
Shirka London iyo dareenka qurba joogta wuxuu yiri “
Anigu waxaan qabaa inaan tagno oo fikradeena ka sheegno
madasha ,waxaa ila soo hadlay qurba joog badan oo nooga
digay inaan shirkaas tagno halka kuwa kalena ay nagu
dhiirigelinayaan”
Siilaanyo wuxuu hadalkiisa raaciyay “Ingiriisku
waxay doonayaan inay Dowlad qasaba ka dhisaan Somalia
anagana runtii cadaadis xoogan ayey na saareen”
Ergayga Arrimaha Shirka u qaabilsan Dowladda Ingiriiska
oo lagu magacaabo Matt Baugh ayaa shalay
(Arbacadii) sameeyey bog ka mid ah
bogga internetka ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka
ingiriiska kaasi oo uu ku soo bandhigay Ajandaha Shirka
London loogu qabanayo garabyada Somalia 23 Febaury 2012
Halkaan ka akhriso.
Inkastoo Ahmed Siilaanyo u jeelan yahay qadiyadda Somaliweyn
hadana waxaa ku adkaan doonto inuu beesha Garxajis ogoleeysiiyo
maadama hore loogu laayay xilligii ay taageerayeen allaha
u naxariistee Cabdi Raxmaan Tuur.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi
Raxmaan Saylici ayaa laga soo xigtay inuu iska casilayo
xilka kadib markii uu tirsaday xadgudub iyo yasmo uu
kula kacay Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali oo
la rumeeysan yahay inuu yahay ninka daaha gadaashiisa
ka maamusha awooda Madaxweyne Siilaanyo.
Cabdi Raxmaan Saylaci oo aan ka qeybgalin Shirkii golaha
Wasiiradda Somaliland ayaa ergo wada xaajood ugu tagtay
u sheegay in talada Madaxtooyadda ku aruurtay gacanta
Wasiiro uu ka tilmaamay Xersi Tooriile. “ Awood aan leeyahay ma jirto,waxaan noqday
maqaarsaar iska fadhiya xafiiska,waxaa awoodeeyda ku
shaqeeysanaya Xersi Xaaji Cali,waxay yasmadu gaartay
inaan talada dalka la iga qeybgelin oo ay qol isku soo
xiraan sidaa darteed tilaabada ii gudboon waxay tahay
inaan xilka iska casilo,waxna la qeybsado tolkeeyga”
ayuu yiri Cabdi raxmaan Saylaci.
Website-ka Qarannnews oo Warbixin dheer ka qoray Khilaafka
Madaxtooyada ruxay ayaa tibaaxay in Cabdi Raxmaan Saylici
ka qeybgali waayo kulankii golaha Wasiiradda oo ka dhacayay
hool ku dhegan Xafiiskiisa.
Cabdi Raxmaan Saylici wuxuu u dhashay qabiilka Gadabuursi
oo %85 taageersan Maamul Goboleedka
Awdal State of Somalia hasse yeeshee lama oga inuu ku
biiri doono Awdal State marka uu xilka iska casilo .
Wargeyska Waaheen ee ka soo baxa Hargeysa ayaa qoray
“ Khilaafka Madaxtooyadda Somaliland ka dhex qarxay
ayaa wali taagan waxayna ila wareedyo muhiima xaqiijiyeen
in ergo u tagtay Madaxweyne ku xigeen Saylici kala soo
laabteen guuldaro ”
Madaxweyne Siilaanyo oo dhowr jeer isku dayay inuu xilka
qaadis ku sameeyo Wasiirkiisa Madaxtooyada ayey ku adkaatay
ka gadaal markii uu diidmo kala kulmay Milkiilaha Shirkadda
Dahabshiil Mohamed Saciid Ducaale (Dhiigshiil)
oo ah ninkii lacagtiisa u adeegsaday sidii
Siilaanyo ku fariisan lahaa Kursiga Madaxweynenimada
Somaliland.
Xukumadda Ethiopia ayaa xiriirka u jartay Maamulka Somaliland
kadib markii ay ka carootay Madaxweyne Siilaanyo oo
ka biyo diiday dalab ay ku waydiisatay inuu xilka qaadis
ku sameeyo Wasiiro xagjiriina oo laga xusi karo Wasiirka
Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali (Tooriile),Wasiirka Maaliyadda
Maxamed Xaashi(Keligii saxane)
Wasiirka duulista Hawada Maxamud Xaashi (Ossama),Wasiirka
Arrimaha gudaha Mohamed Caraale Nuur (Duur)
iyo Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta Khaliil Abdullahi.
Sida muuqato Ethiopia waxay ku hoowlan tahay qorshe
ay ku taageereyso Maamuladda Khaatumo State iyo Awdal
State kuwaas oo aaminsan fikrad Somaliweyn.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org