
Belgium
20
May 2009 Waagacusub Media.

Xafladda oo say ka soo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan
iyo dad badan oo reer Somaliland ah..

Xaflad balaadhan oo aan hore sidan oo kale loogu qaban
dalkan Belgium, kana baddalnayd habkii hore loogu bartay
munaasabadda habeenkan Somaliland ee ahayd kaliya in ay
dadka reer Somaliland iyagu kaliya isku yimaadaan ayaa
xalay ka dhacday hoolka wayn ee xarunta Xisbiga Socialist
Party ee dalka Belgium.
Shabaab oo Waagacusub dhaleeceeyay
Dhageyso ama
Download

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo reer
Somaliland ah, taageerayaal goonni isku taagga
Somaliland , dad badan oo ka tirsan jaalliyadaha kala
duwan ee ku nool dalka Belgium iyo xubno sar sare oo ka
socday xisbiga Socialist Part.

Xafladdaan qiimaha lahayd ayaa waxaa sidoo kale
goobtaasi ku sugnaa guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland
ee dalka Belgium Cabdiraxmaan Jaaket iyo Safiirka dalkan
Belgium u fadhiya Somaliland Mr. Maxamuud Dacar.

Xafladan lagu xusayay 18 kii sanadood ee ka soo wareegay
maalinta goonni isku taaga Somaliland ayaa ahayd mid
qiiro wadaninimo ku beertay dhammaan dadkii kasoo qayb
galay kaddib markii safiirka Somaliland u fadhiya dalka
Belgium Maxamuud Dacar uu si qoto dheer uga hadlay
tabihii kala duwanaa ee loo soo maray xornimadina maanta
la hadhsanayo.
Sidoo kale waxaa iyana xaflada ka hadashay Ms. Simone
Susskind oo ka socotay Xisbiga Socialist Party una
tartamaysa doorashada Baarlaamaanka Yurub, Catherine
Moureaux, Karim Chetioui & Ahmed Laaouej oo dhammaan ka
wada socdeen xisbiga Socialist Party ee dalka Belgium.

Waxaa goobta ay xafladdu ka dhacday si kooban usoo
booqatay Wasiiradda Waxbarashada dalka Belgium Ms.
Francoise Depuis oo aad ugu riyaaqday hab u socodka
xafladda aadna ugu nuux nuuxsatay in loo baahan yahay in
la is wada barto laba dhinacba.
Xafladan ayaa ahayd mid ku cusbayd indhaha dadka ka soo
qaybgalay,waxaanay dadku aad ula dhacsanaayeen habka
quruxda badan ee loo soo agaasimay, taasi oo ay
mahadeeda lahaayeen dhalinyartii isku hawshay sidii
hawshaan ay u hirgali lahayd oo si aad ah looga xusi
karo Cabdoow Xuseen oo waqti aad u faro badan galiyay
hirgalinta xafladda nuucaan ah oo raali galisay dhammaan
dhinacyadii kasoo qayb galay.

Waxaa Farriin iyo hanbalyo soo gaarsiiyay xafladda
Philippe Moureaux oo ah Senator, Duqa magaalada ee
degmada ay xafladdu ka dhacday isla markaana ah ku
xigeenka xisbiga Parti Socialist ee dalka Belgium, sidoo
kalena ah Wasiir oo xafladda ku casunna soona gaari
waayay xafladda sababo ahaa dalka Belgium howlo ku
saabsan oo deg deg uu u gaaray, inkastoo lagu wado in
madaxan lagu casumo Hargaysa waqti aan sidaa u fogayn.

Xafladan Somaliland ee ka dhacday magaalada Brussels
ayaa lagu tilmaami kartaa mid Somaliland u furtay fursad
kale oo ay ku hantiyayso saaxibayaal cusub waxayna
hormuud u noqotay saxiibtinimada dalka Belgium iyo
Somaliland .
Waagacusub Media
Brussels , Belgium

waagacusub@waagacusub.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download
Sunday Music-Heesahii Radio
Mogadishu Dhageyso
ama Download
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new