Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012

     
 
 
 

Topnews:- Madaxtooyadda Somaliland oo amartay In albaabada loo xiro Xawaalada Cac – Xersi toorile


21 December 2012 Waagacusub.com- Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa ayaa Warbixin dheer ka qoray gacan ka hadal dhexmaray Madaxda Xawaaladda CAC iyo Saraakiil ka tirsan Bankiga dhexe ee Somaliland .


Wargeysku wuxuu sheegay in Ciidamo Boliisa la dul dhigay Xarunta Xawaaladda si albaabada loogu laabo hasse yeeshee waxaa cudud Ciidan uga hortegay Maamulka Xawaladda kuwaas oo feer iyo dharbaaxo kala daalay Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Abdillahi Hassan.


Maamulka Somaliland waxay ku doodeen in CAC Remittance heysan leesinka shaqada hasse yeeshee Wargeyska Haatuf oo xiganaya dad xog ogaala wuxuu tilmaamay in xiritaanka Shirkadaas uu dabada ka riixayo Wasiirka Madaxtooyadda Hargeysa Xersi Xaaji Cali.
“Arintan ayaa u muuqata mid ay dabada ka riixayaan Xawaalado iyagu diidan in lagula tartama Saaxada, kuwaas oo la sheegay inay arintaas u adeegsanayaan Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo Baanka iyo Golaha Wasiirada ku jira, taas oo fartana lagu godayo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la sheegay inuu isagu dabada ka riixayo In albaabadda loo xidho Xawaaladda CAC Remittens Xarunteeda Hargaysa, isla markaana ay arintaasi dhabarka ka jabinayso Baanan iyo Xawaalado caalami ah oo dalka iman lahaa, Maalgashina ku samayn lahaa” ayuu yiri Wargeyska Haatuf oo si qoto dheer uga hadlay xiisada ka aloosan Bankiga.
Inkastoo Wargeyska sheegay in Madaxweyne Siilaanyo guddi u magacaabay khilaafka labada dhinac hadana waxay Maamulka CAC eed dusha uga rideen Shirkadda Dahabshiil,oo ay tilmaameen inay ka dambeyso weerarka lagu qaaday Xaruntooda.
Nin ka tirsan hoowlwadeenada Baanka CAC oo la soo xiriiray Waagacusub ayaa sheegay in Shirkadda Dahabshiil qalqal iyo walaac badan ka qabto Xawaaladda CAC taasna ay sababtay inay adeegsadaan Wasiir Xersi Cali Xaaji oo ka tirsan Shirkadooda .
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Hargeysa ayaa CAC Remmitance ku eedeeyay inay maalgelisay Ururkii codadkiisa la musuqmaasuqay ee Reys.
Xawaaladda Cac Remittances ayaa in mudo ah si caadiya uga shaqaynaysay Caasimadda dalka ee Hargeysa, taas oo Laamo ku leh dalal badan oo dunida ka mid ah, xarumaheeda ugu waawaynina ay ku yaalaan Djibouti iyo Yemen, isla markaana sida ay ilo warado u dhuundaloolaa Haatuf u sheegeen ay 51%, ka mid ah leedahay Shirkadda Indho-deero.

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3