Topnews:-
Madaxda Al-Shabaab oo ka argagaxay habka loo khaarijiye
Bilaal Al-Barjaawi
22 Janaury 2012Waagacusub.com-Saraakiisha sare ee
Al-Shabaab ayaa qalqal iyo argagax cabsiyeed ka qaaday
habkii Diyaarada aan duuliyaha laheyn Drone-ka u khaarijisay
Bilaal Al-Burjaawi oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha Alqaeda
ee gudaha Somalia ka dagaalamayay ilaa sanadkii 2005.
Bilaal Al-Barjaawi oo u dhashay
Lubnan balse heystay dhalashada Ingiriiska waxay Diyaarada
gantaal ku dhifatay xilli uu marayay agagaarka KM 13
ee degaanka Afgooye hasse yeeshee hoowlgalka lagu khaarijiyay
ayaa dad arkayay waxay ku sheegeen habka filimada ajandiga
loo jilo oo kale.
Bilaal Al-Barjaawi oo ahaa 28 Jir wuxuu ku magacaawnaa
Taliyaha amniyaadka Xoogaga ajnabiyiinta loo yaqaan
ALMUHAAJIRIIN.
Gantaalka Diyaarada Drone ku dishay ma ahayn mid waxyeelay
dad iyo duunyo kale balse gaarigiisa ayuu Gantaalka
dhulka la jaray.
Afhayeenka Al-Shabaab oo cabsi badan ka muuqatay hadalkiisa
ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in la dilay hogaamiyaha
Bilaal Al-burjaawi.
Cabsida Saraakiisha Al-Shabaab iyo ajnabiyiinta la jooga
ee Almuhaajiriin waxay tahay in Diyaaradaha Drone-ka
u khaarijin karaan sida Bilaal Al-Burjaawi.
Inkastoo diyaaradaha Mareykanka hore u dileen hogaamiyeyaal
ka tirsan Al-Shabaab sida Aadan Ceyroow iyo Saalax Nabhan
hadana Al-Shabaab kama hadal hogaamiyahii Alqaeda ee
Geeska Afrika Fazul Abdalla Mohamed oo Ciidamadda Dowladda
KMG ku dileen Ex Kontorool Afgooye 8 June 2011 xilli
uu ambad ahaa.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org