Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Wasiir ka tirsan Xukumadda Jibouti oo iscasilay iyo Geelle oo Culumada caayay

22 Febraury 2013 Waagacusub.com- Xalay Jibouti lagama ladin ,waxayna Shacabka Jamhuuriyadaas saakay u dareereen goobaha codbixinta doorashada Golaha Wakiiladda.


Qiimeeyn hordhaca oo laga sameeyay dareenka bulshada ayaa lagu xaqiijiyay in 80% u codeeyn doonaan Xisbiga Mucaaradka USN hasse yeeshee Madaxweyne Ismail Omar Geelle ayaa Culumadda iyo aqoonyahanada Jibouti caayay kadib markii Wasiirkiisa Diinta iyo Awqaafra Sheekh Xaamud Sheekh Cali Suldaan iska diiday amar lagu siiyay inuu jawaab kulul ka bixiyo hadalada Sheekhul Beledka Jibouti Sheekh Abdirahman Bashiir .


Ila wareedyo muhiima ayaa Waagacusub u xaqiijiyay in Wasiir Xaamud Cali Suldaan warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Geelle laakiin lagu diiday maadama taasi niyad jibin karto tirada yar ee taageersan Xisbiga UMP.

Waxaa hubaala in xilka qaadis lagu sameeyn doono Wasiir Xaamud marka doorashada Wakiilada laga gudbo.
Madaxweyne Geelle oo laga filayay inuu dhex dhexaad ka noqdo Loolanka Xisbiyada ee doorashada Baarlamaanka ayaa dharka dhigtay wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay dhamaantood codka siiyaan Xisbiga talada haya ee UMP hasse yeeshee hadalka Geelle wuxuu sababay in dadkii taageersanaa Xisbigiisa UMP ka caroodaan ,kuna biiraan Mucaaradka USN.
Xulufadda Xisbiga UMP waxay talada Jibouti maamulayeen in ka badan 37 sano balse nasiib daro Shacabka Jamhuuriyadaas waxay noqdeen kuwa Macluul iyo Gaajo u dhintay,kuwa Xabsiyada ugu xiran arrimo Siyaasadeed iyo kuwa naftooda la cararay.
Xaafadda loo yaqaan Kaartee Turwaa Q3 ama Xaafad sedex ayaa lagu dhagax tuuray Xildhibaano u dhashay beesha Isaaq kuwaas oo Madaxweyne Geelle ka dalbaday inay Xisbiga UMP cod uga raadiyaan dadkooda degaankaas .


Wiil ka mida Dhalinyartii isugu soo baxay fagaaraha ayaa Xildhibaankii hadlayay ka qaatay Makarafoon wuxuuna yiri "40 sano ayaad been nagu wadeen,waxaan u dhimanay Gaajo maantana waxaad noogu timaadeen inaan codkeena idin siino idinkoo Gurya qurux badan ku raaxeeysanaya"
Fadeexadii Q3 ka raacday waxay rajo beel ku riday Xisbul Xaafidka UMP .
Shir albaabada u xiran oo UMP yeelatay waxaa lagu go-aamiyay in Codadka lagu shubto oo %80 qaataan ,inta kalena la siiyo Mucaaradka USN.
Hadii Xukumadda Geelle ku dhiirato inay boobto Codadka Shacabka waxay taasi horseedi doontaa Kacdoon dhiig badan ku qubto kaas oo la mida kii Taxliil.
Inkastoo Taliska Madaxweyne Geelle la kulmayo Cadaadis Caalamiya hadana waxay lacago badan siinayaan Warbaaninta ku hadasha Af Somaliga si loogu sameeyo Barabagaan.
Caasimadda Jibouti waxaa degan qabiilo badan waxaana ku yaal todobo xaafadood oo loo yaqaan Kaarteeyada:-
Xaafad koowaad iyo tan labaad waxaa degan Canfar iyo Carab.
Xaafadda sedexaad waxaa Isaaq.
Xaafadda Afaraad waxaa degan Gadabuursi,Canfar,Carab,Ciise iyo Daarood.
Xaafadda Shanaad waxaa degan Gadabuursi,
Xaafadda Lixaad waxaa degan Ciisaha waxaana loo yaqaan Xaafad Ciise.
Xaafadda Todobaad waxaa u badan Ciise laakiin waxaa degan qabiilooyin isku jira.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa hubaala in Gabalkii Taliska Geelle la dhacay,uuna Jibouti ka baryay Waacusub oo magaciisu yahay USN.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3