Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogta Waagacusub Online 
 
 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ

Weriye gurigiisa la weeraray markii 3-aad .

Muqdisho22 Setember /2008 Waagacusub.com




Kooxo hubeysan ayaa markii sedexaad waxay weerareen guriga Weriye Mohamed Ibrahim Aden {Nuune} sida ay Saxaafada u sheegeen dadka la deriska.

Weriye Mohamed Ibrahim oo aan la xiriirnay ayaa tibaaxay in dhowr mar telefoon iyo Emailo loogu hanjabay kadibna labo jeer oo hore gurigii uu deganaa weerar lagu qaaday.

“Ma aqaano cidda ay yihiin iyo waxa ay iga doonayaan,mana jooga hada Mogadishu oo waxaan joogaa meel kale” ayuu yiri Mohamed Ibrahim oo ka mida Weriyeyaasha Mogadishu ka hoowlgelayay sanadihii dambe.

Kooxaha weeraray guriga Weriye Mohamed Nuune ayaa ku hungoobay inay helaan Weriyaha waxayna u hanjabeen qoyskiisii ay la kulmeen.

“Wejiyada way u xirnaayeen,waxay soo galeen guriga,way baareen,ka gadaalna way na weydiiyeen Mohamed Ibrahim,ma arag ayaan dhahnay,kadib way noo hanjabeen”ayuu yiri qof qariyay magaciisa oo ku nool guriga Mohamed Ibrahim Aden.

Weriyaha gurigiisa la weeraray wuxuu ka mid yahay hoowl wadeenada sare ee Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ.

Mohamed Ibrahim Aden oo la dhashay Saxaafiyada weyn ee Caasho Ibrahim Aden {Caasho Cuud} kana hoowlgasho Idaacadda VOA Somali ayaan la ogayn sababaha kooxaha hubeysan u baadi goobayaan .

Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa cambaareeyay kooxaha weeraray guriga Weriye Mohamed Nuune,waxayna ku tilmaameen fal ka baxsan madax banaanida Jaraa’idka laguna barakicinayo Saxaafadda xorta.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa Somalia lagu dilay Weriyeyaashii ugu badnaa ,waxaana ka qaxay in ka badan boqol Saxaafi kuwaas oo badankood ku dhibaateeysan dalalka Kenya,Uganda,Ethiopia iyo Somaliland halka in tira yar ay qaxootinimo isaga dhiibeen wadamada Yurub iyo Mareykanka.

  

Fadlan hadii aad dooneysid inaad afurinta Masaakiinta ka mid noqotid,intaad awoodo ku darso,adigoon yareeysan,hadaad joogta Muqdisho u gee Mashaa'iqda cunto ama timir waxaad awoodid,lana xiriir Cabdi Fitaax Maxamed Hilowle +2521-5565600
 

 Halkaan ka dhageyso

Dhageyso.Warka afurinta Akhriso

ku soo dir Su-aalahaaga Diiniga Waagacusubonline@yahoo.com

Muxaadaro Sheekh Maxamud Ow Cabdulle Cariif Dhageyso

halkaan ka dhageysataan Barnaamij gaara oo aan ku soo dhaweyneyno Ramadaanka,waxaa ka hadlaya Weriyeyaasheena dunida.

Halkaan ka dhageyso Wareysiyo kala duwan

Abdisalaan Abdulle Alasow
abdisalaan@hotmail.co.uk

Dhageyso shirka Jaraa'id ee Korneyl Nuur Cadde

Heesaha lagu xasuusto Marxuum Xasan Diiriye Dhageyso

Dhageyso Khudbadda Somalia ee Barrack Obama

Akhriso English News Senator Obama in Berlin

Halkaan ka dhageyso kala hadalka fadeexadeed ee Sheekh Shariif 

Khudbadooyin ay labada Shariif ka jeediyeen DJabouti Dhageyso

Wareysi xasaasiya Xasan Dahir Aweys Dhageyso

Wareysi Xasaasiya Dr Xasan Mahdi Dhageyso

Barnaamijka Kulanka Galmudug ee Holand Dhageyso

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Xildhibaanka iyo banaanbaxa

Warbixin ku saabsan socdaalka labada Shariif ee Yemen dhageyso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new