Topnews:-
Maamulka Siilaanyo oo shirqool u diyaarshay Dahir Reyale
23 Janaury 2012Waagacusub.com-Xulufadda Ahmed Siilaanyo
ayaa Xeer ilaalinta guud iyo golaha Wakiiladda Somaliland
u gudbiyay dacwad la xiriirta in Dahir Reyale Kahin
iyo Wasiiradii Xukumadiisa lunsadeen lacag gaareeysa
57 Billion Somaliland shilling taas oo u dhiganta 9
Milyan oo dollar ahna Miisaaniyadii 2010.
Ila wareedyo ka tirsan Sirdoonka
Somaliland ayaa ku xog waramay in Dahir Reyale Kaahin
halis kala kulmi karo Magaaladda Hargeysa oo warar hoose
sheegayaan inuu tegi doono 8 Febaury 2012.
Inkastoo eedeynta Dahir Reyale ee lacag lunsiga dadka
qaar ku fasireen shirqool siyaasadeed hadana waxay Xeeldheerayaashu
walaac ka muujiyeen amaankiisa hadii uu xilligaan tago
Hargeysa .
Hargeysa waxaa jooga Saraakiishii Al-Shabaab ee Dahir
Reyale uu xabsiga u diray,sida ba’ana ula dagaalamay
sidoo kalena waxaa kala qeybsan Xisbiga uu ka yahay
Gudoomiyaha ee UDUB oo laba garab u kala jabay.
Dahir Reyale hadii uu ka badbaado seefta Al-Shabaab
waxaa hubaala inuu ka badbaadi doonin seefta Wasiirka
Madaxtooyadda Siilaanyo ,ninka lagu magacaabo Xersi
Xaaji Cali oo ku adkeeysanaya in Maxkamad la horgeeyo
Madaxweynahii hore ee Somaliland.
Wasiir Xersi Xaaji Cali iyo qaar ka mida hoowlwadeenada
sare ee Madaxtooyadda Somaliland waxay suuqa geliyeen
dacaayad la xiriirta in Dahir Reyale Kaahin iyo Marwadiisa
Huda Barkhad yihiin Maskaxda daaha gadaashiisa ka hageeysa
Maamulka Awdal State.
Dahir Reyale xilligii uu talada Somaliland hayay waxay
Ciidamadda amaanka xabsiga u taxaabeen Xersi Xaaji Cali
oo laga qabtay duleedka Magaaladda Burco.
Amaandarada Somaliland iyo cadaawada loo qabo Dahir
Reyaale ka sokoow waxaa meel xun maraya Khilaafka Madaxweyne
ku xigeenka Somaliland Cabdi Raxmaan Saylici iyo Wasiiro
isticmaalaya awooda Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo laga
xusi karo Xersi Xaaji Cali.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org