Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Al-Shabaab oo ku calaacashay in Shabelle Radio noqon sida Waagacusub.

24 Janaury 2012 Waagacusub.com-Warbixin ku qoran lahjada ay adeegsadaan Kaadiriinta Al-Shabaab u qaabilsan barabagaanka iyo beerlaxawsiga bulshada oo la soo dhigay Website-kooda somalimemo.net ayaa ka marqaati kacday in kibir qooqii Al-Shabaab geeriyooday.

Warbixinta la soo dhigay website-ka Khawaarijta Al-Shabaab oo Waagacusub ogaatay inay iska kaashadeen Cabdi Waaxid Khaliif,Cabdi Casiis Dalboon,Suldaan Garyare iyo Fuad Shongole waxay Ciwaan uga dhigeen “Shabelle..ku soo dhawow dhabihii Waagacusub”


Inkastoo nuxurka hadalkoodu yahay NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY hadana meesha ugu dambeyso qoraalkooda waxay ku yiraahdeen “Shabelle Haddii ay wax ka badalaan shaqadooda waan tixgelin doonaa codsiyada nooga imaanaya,waxaana dhihi laheyn ha noqonina sida Waagacusub”
Hanjabaada ,Calaacalka iyo catoowga Khawaarijta Al-Shabaab ka soo yeeraya xilligaan waxay Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia gaar ahaan Warbaahinta Waagacusub u aragtaa HABAR DHALI WEYSAY ALEELA KU WAALATAY.
Jawaabta Waagacusub Media ee Khawaarijta Al-Shabaab iyo Waaxdooda Iclaamka.
Anagoo ku faraxsan inaan maanta la joogin sanadihii 2005/2008 oo aad bulshada Soomaaliyeed ku beerlaxawsan jirteen inaad tihiin Jihaadiyiin qoriga u sita difaacida Kitaabka alle iyo sunaha nabigeena Muxamad NNKH waxaan jecleeysanay inaan si kooban idiin xasuusino sidii aan uga run sheegnay inaad tihiin naxariis laabayaal ka fog Diinta alle .
Isku daygiinii aad ku dooneyseen inaad igu khaarijisaan anigoo ah Milkiilaha Waagacusub Dahir Abdulle Alasow waxaa idinka raacay wejigabax,maxaa yeelay daluuntaad ii qodeen,siduu damaciinu rabay ILAAHBAA IGA DUWOO,,dadaalkiinii khasaar,daal unbaad kororsateen.
Waan garan karaa inay filan waa idinku noqotay, xisaabtana idinkugu jirin in Idaacad ku taala Muqdisho iyo Wariye ka hoowlgala ku dhiiran karaan baahinta War ama Warbixin ku saabsan inaad tihiin kuwa ka been sheegay Kitaabka alle oo umadda ku hayo gumaad.
Waa run in Waagacusub yahay website-kii ugu horeeyay ee aan ku faafiyay Warbixino ku saleeysan baaris oo aan uga hadlay magaciina iyo inaad tihiin argagixiso Caalamiya.
23 June 2006 oo ahayd maalintii aad disheen Sawirqaadahii Swedish-ka Martine Elder waan xasuustaa inuu Aadan Xaashi Ceyroow telefoon qarsoon igu soo wacay isagoo iigu hanjabaya inuu nafta iga qaadayo hadii aan joojin qoraaladeeyda laakiin ma ahayn mid aaminsan inaad tihiin kuwa nafta bini-aadamka qaada.
Si geesinimo leh anigoo qoraaladeydii taxanaha u wato ayaan Muqdisho idinka waayay 28 December 2006 idinkoo janadaad sheegi jirteen inaad raadineysaan ka cararay oo dhaxalkiina noqday inaad dalka u gacan gelisaan Ciidamadii Xabashida Ethiopia.
18 April 2007 ayey ahayd maalintaad naga soo raacdeen Xawaaladda Dahabshiil aniga iyo Saaxiibkeey Jamac Dahabshiil a hasse yeeshee waxay idinla noqotay filan waa inaan ku jirin dadkii aad ku leeyseen gaarigeeygii yaraa ee aad ku jar jarteen ilinka hore ee Nationlink waloow aad disheen allaha u naxariistee Saaxiibkeey Jaamac Dahabshiil iyo dhalinyaradii la socday kuwaas oo igu tala diiday ,aniguna aan aaminsanahay inuu waqtigoodii xilligaas ku ekaa.
22 April 2007 ayey ahayd markii uu Aadan Xaashi Ceyrow igu soo wacayay isagoo iigu hanjabayo inuu nolosheeyda u qabtay ilaa May 2007.
27 May 2007 ayey ahayd habeenkii ay Xaafadeyda Xamar Jadiid igu soo weerareen dableey uu watay ninkii isku qarxin jiray Taliskii Ciidamadda Ethiopia ku lahaayeen degaanka Ceel Cirfiid balse ilaah wuxuu qadiray inaan dibadda gurigeyga u soo baxo iyadoo ay tuban yihiin wiilashii la socday Aadan Salaad Aadan (Aadan Ookiye) kuwaas oo meeyd ahaa halka anigoon jirkeyga xagatin ku ool lug ku tegay Hotel Peace.
4 November 2007 anigoo Magaaladda Nairobi jooga ayaad Website-kiinii almujaahid.com soo geliseen sawirkeyga iyo Warbixin aad ku sheegeeysiin inaan ahay Basaas sidaas darteedna argagixisadiina fareeysaan inay igu dilaan meelkastoon joogo.
1 May 2008 ayaan hubaa inay tahay habeenkii idinkugu naxdinta badneed markii aan saqdhexe daabacay ku faafiyay Waagacusub.com in 5 daqiiqo ka hor dhulka lala gooyay Aadan Ceyroow iyo dhamaan dadkii la joogay gurigii uu ku sugnaa ee Magaaladda Dhuusamareeb.
Dal iyo dibad ayaad afka furateen idinkoo leh yaan la rumeeysan warka Murtid Dahir Alasow laakiin subaxdii markaad xaqiiqsateen ayaad kulansateen ceeb iyo baroordiiq.
Waxaad tihiin argagixiso u dhaqanta sida maafiyada ama gangiska oo waan saadaalinayay inaad garwaaqsan doonin inaan geerida u simanahay mar hadii taliyahiinii Ceyroow la dilay bishii May 2008 ,tii uu igu dhahay waan ku dili doonaa ee May 2007 la soo dhaafay.
Tabar xumo darteed wuxuu itaalkiina dhaafi waayay inaad meel walba la istaagtaan waa BASAAS taas oo Somalidana geliseen %85.
Waa run ,oo waan ahay raga idin d dabajooga ee habeen iyo dharaar ku hoowlan sidii dunida la idinkaga qaban lahaa iyo sidii halistiina loo gaarsiin lahaa bulshada Caalamka,gaal iyo muslim,tani waa shaqadeeyda Saxaafadeed iyo Caqiidadeyda wanaagsan ee suniga ah.
Idinkoo yoolkiinu yahay inaad ciribtirtaan indhaha bulshada Soomaaliyeed ayaad dilalkiinii waxgalka sii laba laabteen.
Dabcan anigu waxaan ahay wiilkii idiin soo qoray Emailka anigoo idinku leh waxaan ahay taliyaha cusub ee dagaalka Duufaanta Internet-ka,sida aad ogtihiina sedex habeen kadib website-kii almujaahid.com wuxuu ka baxay hawada,iyadoo domainkii iyo wixii ku jirana ay la wareegeen wiilasha suniga wanaagsan.
Alkataibo.com ayaad furateen,laba maalin kadib ayaad weysay,alkataib.net ayaad u wareegteen,shan bil kadib ayaad weyseen,alkataib.org ayaad furateen,toban maalmood kadib ayuu hawada ka baxay.
Waxaa idinku dhacay qalqal,waxaad furateen Somalimemo.com ,isaguna jidkii kuwii ka horeeyay ayuu maray.
Shanqartiina ayaa nagu yaraatay,umadda ayaa jawi wanaagsan gashay,Caruur badan oo aad ku qaldi jirteen waxyaabaha aad soo gelin jirteen shabaakadahaas ayaa badbaaday.
Alkataib.ws ayaad hawada soo geliseen,si edebleh ayaad u dhaqanteen hasse yeeshee laba bil kadib ayaad biloowdeen inaad dacaayadii maskax doorinta ku soo shubtaan,isagana wuxuu raacay baska.
Hada,Waxaad heeysataan somalimemo.net oo aad mudo isgaabineyseen idinkoo cabsidiina idin gaarsiisay inaad dhahdaan waan ka madaxbanaanahay Al-Shabaab.
Waagacusub waxaa u farxada inuu sanadka 2012 goobjoog u noqdo Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Soomaaliyeed oo si wadajira u tebinaya halistiina.
Waagacusub waxaa u farxada inuu goobjoog u noqdo idinkoo duka cambaarleh ka noqday Geeska Afrika.
Waagacusub waxaa u farxada inaad maalin gelinkeed hakin weyseen hoowlahiisa shaqo 2004 ilaa 2012 .
Waagacusub waxaa u farxada inuu yahay kan bulshada baray inaad tahay arxanlaabe ku nool dhiiga bini-aadamka.
Waagacusub waxaa u farxada in lagu xasuusan dhiirigelintii uu Wariyeyaasha iyo Warbaahinta madaxabanaan ee Soomaaliyeed ku tusay inaad tihiin kuwa keega ka jilacsan ,sibirkana ka qaraar.
Waagacusub waxaa u farxada in bulshadii idinka baqi jirtay ee Soomaaliyeed gaaraan inay idinku qaadaan heeso aan ka xusi karo KAWAANKII DADKA.
Gebo gebadu waxay tahay SHALAY MAAHA MAANTA oo waxaan idin aragnaa idinkii sidii dumarkii niqaam xiran,waxaan idin aragnaa idinkoo ku nool XAYAATU KELEB.
Waxaan idinkaga tegayaa heesta Digniin ee aan sameeyay 19 April 2007.
Dab nin xambaartoo
Dadka leeynayaad tahay
Dumarkiyo Caruurtiyo
Duqoow iyo aqoonyahan
Aan u diir naxeeynoo
Dabar gooynayaad tahay
--
Nin dalkiisa hooyo
Dollar siistay baad tahay
Duli ruux ku nooloo
Dariiq joogsadaa tahay
Nin walaalkii inuu dilo
Ku duceeystay baad tahay
Duul soo xejiyayoo
Diinta dhoowrin
Baad tahay,
Duq la wada yaqaanoo
Qabiil daadah shad tahay
Waxkastoo danteenaa
Ninka diidan baad tahay.
DANEEYSTOOW WAA DIGNIIN
DIMBIYADAAD NAGA GASHEE
DALKEENA KA GEEYSATAA
DUSHIINA KA OOGANEE
COLAAD LAMA DABA SOCDEE
QARANKA DUMINTAA KA DAA
COLAAD LABA DABA SOCDEE
DUNIDA DHIBTAA KA DAA
COLAAD LAMA DABA SOCDEE
UMMADA QARAXA KA DAA.



Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3