Topnews:-
Kumaandooska Mareykanka oo hoowlgal Milliteri ka fuliyay
Galmudug.
25 Janaury 2012Waagacusub.com-Boqolaal ka tirsan Ciidamadda
Kumaandooska Mareykanka ayaa xalay ku degay degaanka
Higlaale oo ay ku afduubnaayeen shaqaale u dhashay dalalka
Mareykanka iyo Denmark.
Kumaandooska Mareykanka ayaa si
nabada ku qaatay 32 Jir u dhalatay Mareykanka oo lagu
magacaabo Jessica Buchanan iyo 60 jir u dhashay Denish-ka
oo kala shaqeeynayay Hay’ada DDG laguna magacaabo Poul
hagen.
Ciidamadda sida gaarka u tabaran ee Kumaandooska Mareykanka
waxay dileen shan ka mida burcad badeed ilaalineysay
labada samafale sidoo kalena waxay nolosha ku qaateen
todobo ka mida burcadii heysatay.
Gabadha Mareykanka iyo Ninka Danish-ka
waxaa 15 October 2011 laga qafaashay Koofurta Magaaladda
Galkacyo ee Galmudug State.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale xalay
ka degay garoonka Magaaladda Galkacyo iyo Bandiiradley,iyadoo
ay hawada Magaalooyinka Galkacyo,Cadaado iyo Hobyo gaaf
wareegayaan.
Cabsi fara badan ayaa
wajahday kooxaha burcad badeeda,waxaana laga yaabaa
inay hoowlgal Melleteri ku soo furtaan Wariye u dhashay
Mareykanka oo nin lagu magacaabo Cali Duulaa ka afduubtay
Magaaladda Galkacyo.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org