Topnews:-
Madaxweyne ku dhaawacmay dagaalka
Buhodle.
27 Janaury 2012Waagacusub.com-Col. Maxamed Yusuf Indhasheel
oo ka mida sedexda Madaxweyne ee Golaha Madaxtooyadda
Khaatuma State of Somalia ayaa ku dhaawacmay dagaalkii
duleedka Buhodle ku dhexmaray Maleeshiyooyin kala taabacsan
Maamuladda Somaliland iyo khaatuma State balse marka
hoos loo fasiro kala ah qabiilada Isaaq iyo Dhulbahante.
Korneyl Indhasheel oo ah Somali
Dutch ku noolaan jiray Magaaladda Delft ee dalka Holland
ayaa la xaqiijiyay inay rasaasta uga dhacday Madaxa
xilli uu ku jiray jiida hore ee dagaalka balse dhaawaciisa
waa mid fudud.
Dagaalka Buhodle waxaa beesha Dhulbahante uga geeriyootay
28 dagaalyahan oo 18 ka mida la sheegay inay ka soo
jeedaan jilib ka mida sedexda Jilib ee beesha Dhulbahante,sidoo
kalena waxaa jira dhaawacyo 20 ka badan kuwaas oo la
geeyay Magaaladda Buhodle.
32 Askari ayaa Beesha Isaaq uga geeriyootay dagaalka
Buhodle kuwaas oo 19 ka mida u dhasheen beesha Habar
Jeclo halka ay jiraan Maxaabiis looga qabtay nolosha
oo gaaraya 9 askari.
39 askari ayaa Somaliland uga dhaawacantay dagaalka
Buhodle inta la xaqiijiyay .
Beesha Isaaq waxaa dagaalka Buhodle looga qabsaday Gaari
u siday Saadka,waxaana sidoo kale looga gubay Gaari
Zuug ah kaas oo markii dambe ay qoriga ka furteen.
Maleeshiyadda beesha Isaaq oo si garba simana u garaacayay
Magaaladda Buhodle ayey dharbaaxo xoogan ku dhacday
ka gadaal markii ay weerar dhabar jibina ku halaageen
Maleeshiyo uu watay Madaxweynaha Khaatuma State of Somalia
Ahmed Karaash kuwaas oo gacanta ku dhigay Sarkaal caana
oo hogaaminayay Ciidanka iyo Gaarigii Saadka u siday.
Maleeshiyadda beesha Isaaq ee maamulka Somaliland ayaa
dagaalka lagu jibiyay waxaana firxadkooda la sheegay
inay gaareen Qorulugud halka Maleeshiya beeleedka Dhulbahante
heleen gurmad uga yimid degaanada Miyiga.
Maleeshiyooyinka labada dhinac ayaa la xaqiijiyay inay
isu hub aruursanayaan waxaana la filayaa in aroornimada
saakay la isku dhardhaaro dagaalo ka culus kan maanta
dhacay.
Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Arrimaha Gudaha Somaliland
ayaa safar deg dega ugu baxay Caasimadda Ethiopia ee
Addis Ababa waxaana la sheegay in socdaalkoodu yahay
mid ay Dowladda Ethiopia ugala xaajoonayaan inay joojiso
gacanta ay siiso Khaatuma State iyo Awdal State.
Maamulka Kililka 5-aad ee Ethiopia oo awood ahaan u
badan Ogaadeen,Gadabuursi iyo Dhulbahante ayaa u muuqdo
mid gacan siinaya Maamuladda Awdal State iyo Khaatuma
State.
Safarka deg dega ah ee labada Wasiir waxaa la xaqiijiyay
inuu quseeyo sidii ay Xukumadda Ethiopia ugala hadli
lahaayeen inuusan Garoonka Jig Jiga ka soo degin Madaxweynaha
Awdal State Rashiid Aw Nur Xersi oo Ciidamadii Galbin
lahaa ka baxeen Magaaladda Awbarre ee ismaamulka Ethiopia.
Xiriirka Ethiopia iyo Somaliland ayaa maraya meeshii
ugu xumeed ka gadaal markii Madaxweyne Siilaanyo ka
biyo diiday inuu xil ka qaadis ku sameeyo Wasiiro xagjira
oo Xukumadda Ethiopia ka shaki qabto inay yihiin Al-Shabaab.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo kan Arrimaha Dibadda
ayaa dhawaan Magaaladda Qaahira kula kulmay hogaamiye
diimeedka ugu weyn Dalka Masar taas oo Ethiopia sii
gelisay shaki lixaadleh.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org