Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012

     
 
 
 

Topnews:- Ilaalada Garoonka Berbera oo Abdirahman Abdulkadir ka reebay diyaarad u socotay Muqdisho - Habar yoonis?



27 December 2012 Waagacusub.com- Gudoomiye ku xigeenkii dhabarka la jibiyay ee Xisbiga Kulmiye Abdirahman Abdulkadir ayaa Waagacusub u sheegay in Saraakiisha Berbera Airport ka reebeen Diyaarad uu Muqdisho u raaci rabay.


" Markii aan tegay Garoonka si aan Muqdisho ugu dhoofo ayaa Saraakiisha amniga Madaarka Berbera igu wargeliyeen inay amar ka heleen Madaxtooyadda Somaliland kaas oo lagu faray inaan ka dhoofi karin garoonka" ayuu yiri Abdirahman Abdulkadir,oo sida telefoonka aan kula hadalnay xilli uu ku sii jeeday Magaaladda Hargeysa.

Mar uu ka hadlay sababta uu Muqdisho ugu socday ,wuxuu yiri " Anigu Xamar waan tegay,kadibna Nairobi ayaan tegay waxaana ku soo laabtay Somaliland hadana waxaan ugu socday Xamar arrimo Ganacsi,waxaanse Kibir qooqa Xukumadda uga hadli doonaa Shir Jaraa''id ,marka waxaanu arki doonaa hadii sheekada qabiil laga dhigay oo qabiil kaliya Xamar tegi karo"
Abdirahman Abdulkadir oo ka mida Siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland una dhashay beesha Habar yoonis waxaa dhabarka iyo qorta lagu jibiyay Shirweynahii Xisbiga Kulmiye ,iyadoo waliba xilkii Gudoomiye ku xigeenkana Garba duub looga qaaday.
Inkastoo ila wareedyo muhiima sheegeen in Abdirahman Abdulkadir la gelshay Xabsi Guri oo Hargeysa ka dhoofi karin hadana falka lagula kacay ayaa lagu tilmaami karaa Aargoosi uu Siilaanyo ku bahdilayo Siyaasiyiinta u dhashay beesha Habar yoonis.
Habar yoonis waxaa laga fara marooqsaday awood qeybsigii Magaalada Burco kadib markii beesha Habar Jeclo ee Madaxweyne Siilaanyo isku qaadatay Gudoomiyahii Gobolka iyo Duqii Magaalada.
Lama oga Jawaabta beesha Habar yoonis ka bixin doonto falka lagula kacay Abdirahman Abdulkadir laakiin Madaxweyne Siilaanyo iyo Siyaasiyiinta beeshiisa ayaa rumeeysan inay beesha Habar yoonis uga adkaadeen Siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3