Isu
soo baxii ugu balaarnaa ee Xuska Nabigeena oo Kampala
ka dhacay+Sawiro
Isku Soo bixi ugu balaarnaa oo lagu weyneenayo Maalinta
uu Dhashay Nabi Muxamad (NNKH) oo ka dhacday Wadooyinka
Magaalada Kampala (Sawiro Cajiiba)
Isku Soo bixi ugu balaarnaa ebed oo ay Sameeyaan muslimiinta
ku nool Wadanka yugaandha ayaa maalinimadi shalay ka
dhacay Wadooyinka Magaalada kambaala kaasi oo lagu weyneenayay
maalinta uu dhashay Suubanaheeni Muxamad ah (CSW)
Banaanbaxaani oo ay ka qeyb qaadanayeen guud ahaan
Muslimiinta kunool Wadanka Yugaandha ayaa waxa si gaar
ah qeyb libaax leh uga qaatay muujinta Maxabada nabiga
(CSW) Somalida kunool Wadanka Yugaandha oo ay horkacayeen
Culuma’udiinaka Ahlusunah waljamaac.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay qaadayeen Takbiir
iyo Nabi amaano aad umacaan badan taasi oo soo jiidatay
Inta Quluubtooda ay ku beerantahay Maxabada Rasuulka
(NNKH) iyadoo sidoo kalena ay dadkani ku labisnaayeen
libis aad u qurux badan iyo boorar ay ku qoran yihiin
halkudhigyo lagu Muujinayo maalinta uu Dhashay nabiyulaahi
Muxamad (CSW).
Dhanka Somalida ayaa banaanbaxayaashani waxa laga soo
kala abaabulay Dhamaan Mowlacyada iyo Madrisooyinka
Culuma’udiinka Ahlusunnah ay ku leeyihiin Magaalada
Kampala sida,Madawada weyn Umaya Ibnu Kacab iyo Mowlaca
Pan Afrika oo labadaba ah Xudunta Culuma’udiiinka Ahlusuunah
Waljamaac ee magaalada Kampala iyadoo sidoo kale somalida
Yugaandha ay si weyn usoo wada cmireen banaanbaxani
isla markaana Jameeco walba kolka lasoo gaaro Xaafadooda
ay halkaasi uga sii biirayeen.
Inkastoo Muslimiinta kunool Wadanka yugaandha ay Hareesay
Farxada iyo maxabada Nabiga isla markaana ay farxad
aad ubalaaran ka muuqatay maalinimadi shalay ayaa hadana
waxa jiray shaqsiyaad sheeganayay in ay muslim yihiin
hadana naxdin iyo walbahaar ka qaaday ixtifaalka iyo
weyneenta Maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (C/S/W),
Ilaahow ha inaga mid dhigin kuwii ka naxo Dhalashada
Xabiibkeena Muxamad ah (NNKH)
Gabagabadi ayaa banaanbaxayaashi waxa ay isugu soo
aruureen Masjidka ugu weyn ee Geeska Afrika ee Qadafi
National Mosque oo si weyn loogu Xardhay ubaxyo iyo
boorar qurux badan oo lagu lamaaniyay fadhi aad u cajiib
ah oo muslimiinta udabaal dageeso maalintaan loo diyaariyay
iyadoo halkaa qudbooyin qiiro leh ay kasoo jeediyeen
hogaamiyaasha jameecooyinka halkaa isugu yimideen,
Sidoo kale waxa goobtaan goob joog kaa ahaa Muftiga
Arimaha Diinta Islaamka ee Wadanka Yugandha iyo Kuxigeenadiisa
iyo sidoo culimada ugu caansan guud ahaan wadanka Yugaandha
oo kamid ah wadamada ku horeeyo Xaga Diinta islaamka
marka loo fiiriyo Wadamada gobolka
Sheekh Sunni,” waxa Ugu hambalyeenaa Muslimiinta Duniada
Meel Kasta ay joogaan maalinta sharafka iyo Qadarinta
Mudan ee ah maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW)”
ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Suni oo qiiro hareesay inta
uu ku guda jiray Munaasabada isagoo kala qeyb qaatay
socodki dheeraa ay sameenayeen muslimiitna reer Yugandha
gaar ahaa Somalida kunool halkaasi oo iyaga caadi iyo
dhaqan u ah weyneenta Maalmaha qiimaha iyo qadarinta
ku leh shucuubta Muslimka.
Sheekh Xasan Aadan cusman (Kamacle) oo ah madaxa Arimaha
Diinta ee Culuma’udiinka Ahlusunnah ee wadanka Yuganda
ayaa isna waxa uu dareenkiisa ku biiryay Muslimiinta
sida weyn uga qeyb qaadaneesay Munaasabada maalinta
uu dhashay Nabi Muxamad (CSW),
Sheekh Xasan,” Maanta waxa ay noo tahay Maalin weyn,
Maalin ay Muslimiinta oo idil ay ku faanaan, Waa maalinti
uu dhashay Kheyru Khalqilaah, Waa maalin ajir iyo Xasanaad
laga helayo laguna kala saaro hadba qof walba inta ay
la egtahay Maxabada uu uqabo Rasuulkiisa Muxamad (CSW)”.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale waxa uu fariin udiray
Dadka caadeestay naceebka nabiga ee dhibsada sheeg sheegida
Magaca Rasuulka (CSW) iska daa in ay sadaqo iyo tawasulba
ay ku sameeyaan isagoo arinkaa ka hadlaayana waxa uu
yiri, “ Rag waxa ay ka faanaan , Rag baa ku faana” ayuu
yiri sheekha isagoo hadalkiisa sii raaciyay in maxabada
nabiga iyo weyneentiisa ay banaanka keenayaan ayna muujinaya
Sheekh Ismaacil Sheekh Cali Rooraaye oo ah Madaxa Arimaha
Bulshada ee Culuma’udiinka Ahlusunnah waljamaac ayaa
isna waxa uu ugu horeen uga mahad celiyay dhamaan muslimiinta
reer yugandha gaar ahaan somalida ku nool halkaasi sida
qiirada iyo qadarinta mudan ay usoo camireen banaanbaxa
muujinta maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW)
Sheekh ismacil oo farxad aan lasoo koobi karin darted
hadalki gabay ayaa waxa uu muslimiinta kasoo qeybgashay
Munaasabada faray in ay badiyaan Saliga Nabiga oo ah
mid liiibaan aduunyo iyo mid aaqiro lagu helayo .
Barxada Weyn ee Masjidka Qadaafi oo maalinimadi shalay
Qudbadi jimcaha kadib la isugu soo aruuray ayaa sidoo
kale waxa halkaa isugu yimid dhamaan Qa’idiinta Xilqooyinka
Dikriga ee Jameecooyin ka kala socday Guud ahaan Gobolada
oo ka kooban Yahay wadanka Yugandha, Muslimiin ka socotay
dalalka bakistaan iyo Hindiya iyo Soomaalida.
Isku Soo wada Duubee Munaasabadaan ayaa waxa ay ka
dhigneed tii ugu balaarneed ebed oo ay sameeyaan Muslimiinta
kunool wadanka Yugandha kuna soo gaba gabowday jawigi
loogu tala galay
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download