28 November 2012 Waagacusub.com-
Dowladda Somalia ayaa isu bedeshay NGO Tan iyo markii
Madaxweynenimada Somalia uu ku guuleeystay Hassan Mohamud
Alasow .
Madaxweyne Garguurte ayaa Jamhuuriyadda Jibouti ku saxiixaya
heshiis cusub oo dhigaya in ( Fiber Optics Cables) Keeybalka
Isgaarsiinta Somalia laga qaato Jibouti ,lana marsiiyo
badda Jibouti.
Heshiiska cusub ee lagu wiiqayo Qaranimada iyo madaxbanaanida
Somalia waxaa ku jira in guud ahaan laga guuro furaha
lagu galo telefoonada Somalia ee 25261/25290/2522,waxaana
furaha (Erea Code Somalia )loo bedeli doonaa 253 oo
ah Furaha Isgaarsiinta Jibouti.
Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia
Hassan Alasow ogolaaday isticmaalka furaha Jibouti kadib
markii la siiyay lacag dhan shan Milyan oo Dollar ,sidoo
kalena lagu deray Saamileeyda Keybalka cusub ee Isgaarsiinta
Somalia.
Qorshaha cusub ee Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia qaar
iyo Madaxweynaha Jibouti Ismail Omar Gelle iska kaashanayaan
ayaa xambaarsan laba ujeedo oo kala ah:- 1-Madaxweyne Geelle oo doonaya in Isgaarsiinta
Somalia laga maamulo Jibouti taas oo ka dhigan in xilligii
la doono laga damin karo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda
Somalia .
2- Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo ka cabsi qabo
in Dowladda Somalia Mustaqbalka dhaw ku dalacato Canshuur
la xiriirta Isticmaalka Erea Code Qaran ama furaha 252
maadama ay toban iyo dhowr sano isticmaalayeen furaha
Somalia iyagoon wax canshuura bixin.
Heshiiskaan cusub ee Madaxweynaha Somalia ku ogolaaday
in furaha telefoonada Somalia la burburiyo lana isticmaalo
kan Jibouti waxay ka marqaati kaceeysaa in Dowladda
Federalka Somalia noqotay NGO halkii looga fadhiyay
inay dib u dhiska Qaranimada Somalia u istaagto. Muxuu heshiiska cusub u dhimi karaa Qaranimadda
Somalia?
Isticmaalayaasha Internet-ka iyo telefoonada Somalia
dhamaantood waxay ku hoowgelayaan Calanka Jamhuuriyadda
Jibouti oo tusaale ahaan dadka hada Isticmaala Internet-ka
Somtel Somaliland marka ay soo booqdaan Website-yada
ama lagu raadiyo Whois search engines waxaa soo baxaya
Calanka Jibouti halkii sharciyadu ahayd in Calanka Somalia
soo baxo ama xitaa kan Maamulka Somaliland .
Isticmaalayaasha Internet-ka iyo telefoonada Somalia
waxaa guud ahaan laga maamulayaa Jibouti taas oo ka
dhigan in guud ahaan xiriirka Shacab iyo madax lagala
socdo Jibouti.
Halista ugu weyn waxay tahay in Jibouti jari karto Isgaarsiinta
Somalia hadii uu dhaco dagaal u dhaxeeya Somalia iyo
Jibouti ama Dowlada la saaxiiba amar ku siiyaan.
Dunida oo idil dal walba waxaa lagu gartaa furaha ama
Erea code taas oo lagu diiwaangeliyo Magaca dalka iyo
Calanka tusaale furaha Kenya waa 254.Uganda 256,Jibouti
253.251,Somalia 252.
Hadii Erea Code Somalia laga dhigo 253 waxay la micno
tahay in Somalia ka mid tahay Jibouti.http://countrycode.org/somalia
Nasiib darada ugu weyn waxay tahay Warbaahinta ku hadasha
afka Somaliga oo laaluush ama sandareero yar ku aamus
halkii looga fadhiyay inay Qaranimadooda badbaadsadaan.
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.