Kadib Warbixino isdaba joog ah oo ay qortay Xarunta
Gurbiye Information and Cultural Center in association
with Waagacusub sida: Shakhsiyaadkii ugu xumaa Soomaliya
2009-kii oo ay noqdeen Sheikh Sharif, ina Godane iyo
Hassan Dahir Aweys iyo Warbixintii: Sheikh Sharif Shaqo
kale ha raadsado!!, tasoo lagusoo bandhigay in Shariifka
uu ka baxay balanqaadyadii uu u sameeyay shacabka Soomaliyeed
ayaa keenay in shacabkii midoobaan, hal hadaf yeeshaan,
isla markaana bilaabaan Olole ka yaabiyay xitaa Xarunta
Gurbiye Information and Cultural Center iyo Shabakadda
Waagacusub iyo shabakado badan.
(English)(Music)(Chief editors)(Diinta)(Sports )(Radio)(TV)
(Sheeko)
Todobaadkan oo ku began sanadguuradii 1-baad ee Madaxtinimada
Sheikh Sharif, Shariifka todobaad fiican uma aheen ,
Xarunta Gurbiye Information and Cultural Center ayaa
horay ugu aqoonsatay Sheikh Sharif shakhsiyadda ugu
xun Soomalida 2009-kii, Amnesty International ayaa ku
tilaamntay hubka Sheikh Sharif la siiyo mid uu wax ku
gumaado, Saxafiyiin Somali iyo Ajnabi isigu jira ayaa
dhaleeceeyay ninkan waxmarataha ah.
Dhinaca kale Sheikh Sharif, oo isagoo jooga guriga
uu ku dhuumanayo Muqdishu ayaa ka hadlay sanadguuradiisa,
sida caadada u ah been ayuu sheegay, waxaa uu sheegay
in Amaanka wax ka qabtay!, waxaa uu sheegay inuu Police
dhisay!,……isagoo ciidamadiisa calooshood u shaqeysayaasha
ku amray in shacaka la xasuuqo, la qixiyo, waana ku
farxay…..umaddii ayaa is tustay xaasidnimadiisa iyo
neceybka uu u qabo reer Muqdishu.
Xarunta Gurbiye Information and Cultural Center iyo
Shabakadda Waagacusub oo iyagoo kaashsnaya shacabka
Soomaliyeed horay qeyb uga noqday intii ku guuleystay
in Cadawgii Ethiopia dalka laga saaro, kaligii taliyihii
iyo shisheeye kalkaalkii C/llahi Yusuf-na lagu qasbo
inuu is casilo kadib markii ay ku magacaabeen C/llahi
Yusuf shakhsiyadii ugu xumaa Somalida 2008-dii, ayaa
haatan mar kale qeyb ka noqonaya ololaha ” ISKA DIIDA
SHEIKH SHARIF $ WADDAADADA BEENTA ” oo ay soo abaabuleem
forum-ka ”YOUTH FOR BETTER TOMORROW” isla markaana lagula
dagaalayo xulafadii shalay sida Sheikh Sharif iyo Waddaado
ku sheegga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, laguna badbaadinayo
Dalka, Dadka iyo Diinta Islaamka.
Somalida ayaa ku toostay sanad kadib doorashadii Sheikh
Sharif loo doortay Madaxweynaha Soomaliya uu Sheikha
xilkaasi uu ku adkaaday, waxaan moodnay doontii Nabi
Nuux balse waa quusay, shaqo aan shaqadiisa aheen ayaa
loo dhiibay, waxaa uu nagu noqday Daruur Madow . Haatanse
waxaa loo baahanyahay Madaweyne awood leh oo dadkiisa
ka badbaadiya marxaladdan qatarta ah, soo celin kara
inta uu ku guuldareystay awoodina waayey Sheikh Sharif
sida Amniga, soo celinta dadkii barakacay iyo adeegyada
Bulshada .
Sidoo kale shacabka ayaa doonaya Waddaado run sheeg
ah oo aan Hadal been ah iyo Gadh been ah laheen sida
Al-shabab iyo Xisbul Islaam kuwaas oo quraan been ah
la yimid sida Museilamutul Kadaab-kii .
Hadaba Ololaha loogu magacdaray” Iska diida Sheikh
Sharif iyo Waddaadada Beenta” oo bil jirsaday ayaa miro
dhal noqday kadib markii ay Saxafiyiintii, Aqoonyahanadii
iyo dadkii nalasoo xiriiray ku baaqeen in la sameeyo
forum kulmiya dhalinyarada soomaliyeed, isla markaana
fikirkooda kusoo gudbiyaan,
Intaas kadib dadkeena kala jooga dalkii iyo aduunka
dacaladiisa waxay soo jeediyeen in Forum-ka loo bixiyo
‘Youth for better tomorrow”, iyadoo Warbixinada ay soo
qoraan dhalinyarada ka tirsan forum-kan ay sponser-gareen-doonaa
Xarunta Gurbiye Information and Cultural Center, Shabakadda
Wanadaniga ee Waagacusub iyo Shabakadda Wanadaniga ee
Shacabka Media iyo Shabakado badan oo Somali ah oo balanqaaday
in qeyb ka noqon doonaan Ololahaas, waxaan sameysmay
Groups iyo Qolalka lagu sheekeysto barta Internet-ka,
waxaan helnay Emails taageero ah, Waxaan u mahadcelinaynaa
Soomalidii nalasoo xiriirtay, inagoo balanqaadeyna in
aan dhawaan soo daabicidoono Emailada aad nosoo dirtaan.
Fiiro Gaar ah:
Haddii aad doonayso inaad ka mid noqoto Forum-ka dhalinyarada
Soomaaliyeed ee” Youth for better tomorrow” iyo Ololaha”
Iska diida Shariifka iyo Wadaadada Beenta”, waxaad lasoo
xiriirtaa Xarunta Gurbiye Information and Cultural Center,
sidoo kale waxaad isla cinwaanka hoose kusoo diri kartaa
Warbixinada aad doonayso in lasoo daabaco.
Dr: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Director: Gurbiye Information and Culturalxd
Center
Email: gurbiye@hotmail.com 31 Janaury 2010 Waagacusub
Media
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download