Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:-Jubooyinka oo duufaano siyaasadeed hareeyeen.

Kismayo 31 march/2008  Waagacusub.com

Korneyl Barre Hiiraale ayaa erayo khalafsan iyo soo dhaweyn hooseysa  kala kulmay garabyada dhaqanka,siyaasadda iyo gaashaandhigga Beesha Sadde ka gadaal markii uu socdaalkiisii ugu horeeyay si kedisa ku tegay Magaalo Xeebeedka Kismayo oo uu ka arrimin jiray waqtiyadiisii macaanaa ee Dooxadda Jubba sanado badan oo farta malab uu ka dhuuqi jiray balse aan cag dhigin tan iyo markii xoogagii Maxaakiimta awood Melleteri kaga eryeen sanadii 2006 oo ay ugu dambeysay.

Inkastoo garabyada beesha Sadde aysan Ex Gudoomiyahii Dooxadda Jubba Korneyl Barre Hiiraale u muujin hiil siyaasadeedkii oo ka filayay hadana qado sharaf ay u sameeyeen ayey fursad u siiyeen inuu warbixin ka siiyo ujeedka socdaalkiisa kediskaa ee shakiga badan huwan.

Korneyl Barre Hiiraale wuxuu dhinacyadda Beesha Sadde ee xaflada qadada kala qeybgashay u sheegay in ujeedka socdaalkiisu uusan quseyn xukun iyo xil doon balse uu yahay mid ku saleeysan sidii uu kaga gacansiin lahaa in Maamul goboleed loo dhiso Jubooyinka si shacabka ugu diyaar garoobaan doorashada gobolada Soomaaliya ee 2009.

“ Waxaan idinkuugu imid inaan idiin dhiso Maamul goboleed ka hergelo guud ahaan Jubooyinka si aad bulshada wax ula qeybsataan,waxaana idiin sheegayaa inaana maamulkaas wax xila ka dooneyn”ayuu yiri Korneyl Hiiraale oo hadalkiisa durbadiiba loo fasiray dhagar siyaasadeed uu ku laab jilicsanayay garabyada Jubooyinka ee kaga shakisan inuu xukun doon yahay.

Korneyl Barre Hiiraale intii uu Qado sharafta la lahaa Dhinacyada Beesha Sadde waxaa khadka telefoonka kula soo hadlay madaxdii la joogtay Saraakiil sare oo Itoobiyaana iyo Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo ay wehliyeen xubnaha labada gole ee DFKMG ugu jira beesha Mareexan.

Saraakiisha Itoobiyaanka waxay Madaxda Beesha Sadde u sheegeen in Barre Hiiraale ku wajahan yahay Ereteriya,kuna biiraayo Isbaheysiga dib u xoreynta ee Casmara si uu kaga mid noqdo xoogaga diidan Dowlada Federalka iyo Joogitaanka Ciidamadda Itoobiya ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf  oo la sheegay inay wehliyeen Xubnaha labada gole beesha Mareexaan ugu jira Dowlada Federalka ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay madaxda Beesha Sadde wuxuuna ku wargeliyay in socdaalka Barre Hiiraale ka dhigan yahay mid loogu gogol xaarayo Isbaheysi siyaasadeed Mucaarada  oo la qorsheynayo inuu fariisin ka dhigto Kismayo.

“Waxaan idinku wargelinayaa in Wafdi balaaran oo dowlada Federalka ka socda ay Kismayo soo gaarayaan Isniinta ama Talaado sidaas daraadeed waxaan idin kugu baaqayaa inaad ka fogaataan qorshe siyaasadeedka Barre Hiiraale”ayuu Madaxweyne Yusuf ku yiri Madaxda Beesha Sadde,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen qaar ka mid Masuuliyiintii uu la hadlay.

Madaxda Beesha Sadde qaarkood ayaa Barre Hiiraale uga digay inuu ku dhiirado dhaqaaqyo siyaasadeed ka dhana Dowlada Federalka oo uu ka bilaabo Jubbooyinka hasse yeeshee Korneyl Hiiraale ayaa digniinta Saraakiisha beeshiisa naqdiyay wuxuuna si cad ugu sheegay inuusan Cabdulahi Yusuf kala tashaneyn horumarinta hindisahiisa heer maamul ee Ex Dooxadda Jubba.

Warar laga helayo ila lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in Barre Hiiraale gogol xaar u yahay wafdi uu hogaaminayo Mudane Xasan Abshir Faarax si Kismayo Xarun looga dhigo Isbaheysi siyaasadeed qalin ku dirira oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin waaweyn oo laga tilmaami karo Ra’isulwasaarahii hore ee Somaliya Proff Cali Maxamed Geeddi.

Isbaheysiga cusub ee Ra’isulwasaare Geeddi waxaa la soo weriyay inay dhabarka ka riixayaan qaar ka tirsan dowladaha reer Galbeedka oo qorshahoodu yahay sidii ay Xisbiyo siyaasiya kaga abuuri lahaayeen Somaliya doorashada aan la hubin ee 2009 ka hor.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa muuqata in Jubooyinka ay hareeyeen duufaano siyaasadeed,waxaana la wada eegayaa tilaabooyinka garabyada ku loolamaya laacida awooda degaanadaas.

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net