Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Topnews:- Xukumadda Washington oo qorsheyneysa inay burburiso Shirkadaha dhaqaalaha Al-Shabaab.

Nairobi  05 /May/2008  Waagacusub.com  

Xukumadda Washington ayaa qorsheyneyso inay tilaabada labaad ku bartilmaameedsato shan ka mida Shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn Soomaaliya sida ay Waagacusub ugu xog warameen ila wareedyo kala duwan oo aad loogu kalsoon yahay.

Ila wareedyada waxay tibaaxeen in shanta Shirkadooda ay Washington ku dartay liiska Shirkadaha ay leeyihiin Shabaakadda Al Qaedda ee ka hoowlgala Soomaaliya ay ka mid yihiin labo Xawaaladood ,labo Shirkad Isgaarsiineed iyo Shirkad ganacsi guud,waloow ay dhanka kalena xuseen inay saami aan burneyn ku leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo aan lug ku lahayn falal argagixiso.

“ Xukumadda Washington waxay  la socotaa Shirkadaha maalgeliya Canaasiirta Al-Shabaab ee ka hoowlgala Soomaaliya,waxaa kale oo ay la socotaa dariiqyada ay dhaqaalaha ku siiyaan ama marsiiyaan laakiin waxaa kale oo aan ognahay in Shirkadaha  la xaqiijiyay ay saami aan burneyn ku leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo aan falalka argagixisada lug ku lahayn sidaas daraadeed waa muhiim inaysan ku qatalmin sidii hore u dhacday” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan Waaxda Geeska Afrika ee Mareykanka oo u waramay Waagacusub Media.

Diblomaasi sare oo ka mida diblomaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa tibaaxay in Mareykanka ay cuuryaminayaan dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan Shirkadaha ku xiran Al-Shabaab oo ay qorsheynayaan inay xayiraad saaraan.

“ Mareykanka waxaanu leenahay qalad labaad haku sameeynina Shacabka Soomaaliyeed iyo dhaqaalahooda,ganacsatada Soomaaliyeed ee nadiifkaana waxaanu leenahay iska hubiya dadka aad ganacsiga la wadaageysaan”ayuu yiri diblomaasigaas oo xusay in Washington hore xaq daro u xayirtay hantidii Shirkadii Barakat Bank.

Siyaasi ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliya lana rumeysan yahay inuu yahay hogaamiye xiriir wanaagsan la leh Washington ayaa Shirkadaha Soomaaliya ee waaweyn qaarkood ku tilmaamay inaysan ku shaqeyn dariiqa ganacsiga xorta,isagoo xusay inay ku ciyaarayaan bam furan oo halistiisa leh.

“ Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ka jira qaarkood waxay lug ku leeyihiin dilal lagu qaarijiyo shaqsiyaad muhiima oo ay ka mid yihiin aqoonyahano Soomaaliyeed,waxaana la soconaa inay gacan u fidiyaan International Al-Shabaab oo telefoonada dhageysi ku sameeyaan”ayuu yiri mid ka mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida tooska ugu xiran Xukumadda Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay xalka soo afjarida hoowlgalkooda Soomaaliya u arkaan in la burburiyo ilaha dhaqaale ee International Al-Shabaab taasina ay tahay sababta ay tilaabadooda labaad u bartilmaameedsanayaan Shirkadaha ganacsiga Soomaaliya shan ka mida.

Xukumadda Washington ayaa u muuqato inay hoowlgaladeeda Soomaaliya u adeegsaneyso awood Melleteri oo aan la ogayn Mustaqbalka guulaha ay ka gaari karaan,waxayna dhawaan afar gantaal oo ka mida gantaalaha ay Mareykanka u sameeysteen Ruushka ay ku garaaceen degmo yar oo ka  mida gobolka Galgaduud laguna magacaabo Dhuuso Mareeb,taas oo ay ku dileen qaar ka mida hogaamiyaasha sare ee International Al-Shabaab iyo shacabka rayidka.

Inkastoo aanan kooxda Shabaabka Caalamiga laga jecleyn gudaha Soomaaliya hadana sharci yaqaanada Afrika iyo Wadaniyiinta Soomaaliyeed waxay qalad u arkaan in Mareykanka gantaaladii uu Ruushka u sameeystay ku garaaco bulsho rayida uuna ka qeyla dhaamiyo dunida meeshii lagu dilo Muwaadin Mareykanka.

“ Muwaadin Mareykana hadii la dilo Washington way qeeylineysaa laakiin dhanka kale wax dimbiya uma aragto inay gantaalahii Waarso ku garaacdo degmooyin ka tirsan Soomaaliya sida Dhoobleey iyo Dhuusomareeb”ayuu yiri mid ka mida sharci yaqaanadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federalka ee Madaxweyne Yusuf ayaa siyaasad ahaan ku faraxsan hoowlgalada Mareykanka ee Soomaaliya hasse yeeshee  wararka hoose waxay tilmaamayaan in Madaxda sare ee  Federalka ka mid yihiin 33 Masuul oo la horgeyn doono Maxkamad Caalamiya si loogu qaado xasuuq dimbiyo dagaal iyo taageerid hoowlo argagixiso.

Warbixintaan oo aan ka soo xiganay Saraakiil reer galbeeda oo lagu kalsoon yahay waxay hoosta ka xariiqayaan in 33 Masuul ee la Maxkamadeynayo Mustaqbalka dhaw ay isugu jiraan Siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo la dhameystiray gal dacwadeedkooda balse muhiimadu tahay in jaanisyada la kala hormariyo.

Si kastaba ha ahaatee,Diblomaasiyiinta reer galbeedka waxay rajo ka qabaan inay hoowgaladooda Soomaaliya soo afjaraan ka hor sanadka 2009 si ay uga hergeliyaan dowlad maqaarsaara una dhiganta Xamiid Karaasayga Afghanistan.

Halkaan ka daawo Sawiradda Xulalka Kenya Vs Somalia

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Sunni Said Salah 
sunninet@hotmail.com
+254-721-424242

Xafiiska Waagacusub Media
Kenya-Nairobi

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new