Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:-Madaxweyne Yusuf oo ka fiirsanaya isbedel siyaasadeedka Xukumadda Itoobiya!!

Muqdisho 07/April/2008  Waagacusub.com  

Madaxweynaha DFKMG Korneyl Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa maalmahii tagay waxaa uu la tashiyo ka sameeynayay dhambaal Isbedel siyaasadeed huwan oo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka soo baxay 27 March 2008.

Dhambaalkaas oo Madaxweyne Yusuf ka gudoomay Wasiir arrima dibadeedka Itoobiya Sayoum Musfin 29 March 2008  oo kulan kedisa oo saacada qaatay ay ku yeesheen Xarunta Villa Somalia ee  Muqdisho ayaa Korneyl Yusuf loogu faahfaahiyay sharaxaad la xiriirtay Isbedelada siyaasadeed ee Xukumadda Itoobiya iyo dhaqdhaqaaqyada Qaramadda Midoobe ku dooneyso xalinta mushkiladda Soomaaliya.

Dhambaalka Meles Zenawi u diray Madaxweyne Yusuf oo nuqul ka mida uu akhriye Weriye ka tirsan Waagacusub wuxuu kaga hadlay 10 qodob oo laga xusi karo cadaadiska beesha Caalamka saareyso Xukumadda Itoobiya ee la xiriira dib u heshiisiinta uu wado Ra’isulwasaarre Nuur Cadde  iyo waxa dhici kara hadii doorashadda Mareykanka ay ku guuleeystaan labada Musharax ee Barrack Obama ama Hillary Clinton.isagoo qodobkaas kaga hadlay Xukumadda Washington Mushaaraadka ay siiso Ciidamadda Itoobiya ka jooga Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya wuxuu Madaxweyne Yusuf waydiistay inuu tanaasulaad ka sameeyo laba qodob oo ay ka mid tahay inuu joojiyo ololaha uu ugu jiro mooshin ka dhana Ra’isulwasaarre Nuur Cadde si kaamirada beesha Caalamka aysan u qaban,loogana qaado cadaadiska la xiriira inay carqaladeynayaan hanaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Inkastoo qodobada guud ahaan ku qoran dhambaalka Xukumadda Itoobiya gudoonsiisay Madaxweyne Yusuf uu yahay mid muujinaya walaaca cusub ee Melles Zenawi ka qabo Isbedelada dhici karo hadii Madaxweyne Bush kursiga Mareykanka baneeyo hadana waxay diblomaasiyiinta shisheeye ku fasirayaan dabacsanaantii ugu horeysay ee Ra’isulwasaaraha Itoobiya ku aqbalay talooyinka beesha Caalamka.

Madaxweyne Yusuf ayey la taliyeyaashiisa qodobada Melles Zenawi ugu fasireen wejiya kala duwan,waxayna kula taliyeen in si degan looga baarandego qodobada qaar,sida ay Waagacusub ugu warameen Ila wareedyo ku dhaw Xafiiska Korneyl Yusuf.

“Madaxweynaha ma niyad jabsana,muraalkiisana waa caadi maxaa yeelay Itoobiya waa dowlad aan deris nahay oo wada shaqeyn dhinacya badan nala wadaagta,waxaana sida caadiga aan qiimeyn ku sameynaa talooyinka ay noo soo gudbiso laakiin kuma qasbana Korneyl Yusuf inuu qaato”ayuu yiri Sarkaal sare oo ka mida la taliyaasha Madaxweynaha DFKMG oo Waagacusub uga waramayay waxa ka jira inuu Cabdulahi Yusuf ka niyad jabsan yahay dhambaalka isbedelka huwan ee Itoobiya.

“ Madaxweynahu wuxuu diidan yahay in wada hadal lala galo shaqsiyaadka ku jira Liiska argagixisada sida hogaamiyaasha Al-Shabaab laakiin waxba kama qabo hadii wada hadal iyo awood qeybsi lala sameeynaayo xubnaha Mucaaradka Casmara”ayuu yiri Masuulkaas ka mida la taliyaasha dhinaca siyaasadda ee Korneyl Yusuf.

Ila wareedyo diblomaasiyadeed ayaa tibaaxaya in dhambaalka Melles Zenawi u diray Cabdulahi Yusuf uu ka turjumaya biseelkiisa siyaasadeed maadama Xukumadda Washington dhaliishay qaabka Ciidamadda Itoobiya kaga hoowlgaleen Soomaaliya tan iyo markii ay galeyn oo maraya sanad iyo bilooyin.

“ Hadii doorashada Mareykanka ku soo baxaan Barrack Obama ama Hillary Clinton waxay joojinayaan dhaqaalaha Itoobiya lagu siiyo hoowlgalada Soomaaliya maxaa yeelay wuxuu Bush taagan yahay Cimri tegay ceeb laguma sagooyiyo waayoo wuu ka sii degayaa kursiga,waxaana dhacday in diyaaradaha Mareykanka duqeymo Melleteri ka sameeyaan goboladda Soomaaliya oo hadana ay garaacaan bartilmaameedyo qaldan”ayuu yiri Diblomaasi reer Galbeeda oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Diblomaasiga wuxuu tibaaxay in halsano iyo bilooyin kadib ay helayaan xoga muhiima oo cadeeynaya in Itoobiyaanka iyo DFKMG filim dheereysi sameeynayaan,si ay u sii wataan qandaraasyadooda Melleteri ee ay dhaqaalaha badan ku helaan.

“ Waxaan heynaa cadeymo la xiriira in xabsiyada Muqdisho ee dowlada federalka laga sii daayay Saraakiil sare oo ka mida hogaamiyaasha Al-Shabaab ee qaraxyada wada,waxaana ragaas sii daayay madaxda sare ee Nabadsugida dowlada oo lacago adag ka qaatay”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Dalka Jabuuti oo u waramay Waagacusub Media.

Waagacusub Media

Muqdisho-Office

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net