Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

  Heesta Sarbeeb iyo Fanaanka Maxamed Wadanoole MP3

Muqdisho oo laga furay Dugsiga Farsamada Gacanta lacag la'aan,daawo sawiradda

Muqdisho  10 /May/2008  Waagacusub.com  

Dugsiga sare u qaadida xirfada iyo heerka waxbarasho ee ardayda ayaa manta laga furay dagmada kaaraan ee magaalada Muqdisho ka dib xaflada balaaran oo halkaasi  ka dhacaday ,

Munaasabadaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta Degmada Kaaraan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Degmada C/llaahi Maxamed Rooble, Waalidiinta, ardayda Dugsiga H/dhexe ee Kaaraan Vocational Training Center, iyo ardayda loo xulay waxbarashada Dugsigaas iyo Marti sharaf kale, ayaa waxaa ugu horeyn warbixin ka soo jeedisay Xiriiriyaha Hay’adda Gotenborg Initiative (GI) Marwo Faaduma C/llaahi Macallin oo si guud uga warbixisay Mashruucan oo ah mid laga hirgelinaayo gobolada Koofureed (South Central Somalia).

Marwo Faadumo waxay sheegtay in mashruucaan uu yahay mid socon doona muddo laba sano ah, waxaana loogu talagalay in dib loogu soo nooleeyo ardaydii waxbarashada hakadka ka galay oo ay hakiyeen dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacayay 18-kii sano, si loo helo arday wanaagsan oo heerka aqoontooda ay sareyso.

Munaasabadaan lagu furayay Dugsiga H/Dhexe ee Kaaraan Vocational Training Center ayaa waxaa hirgeliyay Hay’adda caalamiga ah ee xarunteedu tahay dalka Sweden laguna magacaabo ka dhisa Gotenborg Initiativet (GI), waxaana maalgeliyay ururka Midowga Yurub, iyadoo ay fuliyeen NGO-ga lagu magacaabo SHARDO oo ah NGO maxalli ah.

Dugsigaan ayaa waxaa loogu talagalay inay wax ka bartaan 60-Arday, kuwaasoo 30-ka mid ah la barayo Kalkaaliye caafimaad (Nursing) halka 30-ka kalena la barayo Electronic, waxayna waxbarashadu socon doontaa muddo 6-Bilood ah, iyadoo ardaygii ku guuleystana la siin doono Shahaaddo.

Hay’adaan lagu magacaabo Gotenborg Initiativet (GI) ayaa ugu talagashay in mashruucaan uu socon doono muddo laba sano ah in laga hirgeliyo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in wax lagu baro 810-Arday, kuwaasoo da’doodu ay dhan tahay 16—24-sano oo ah kuwii ay ka kala go’day waxbarashada asaasiga ah ee dalka

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadaas sida Guddoomiyaha Degmada kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble, ayaa isna khudbad kooban ka jeediyay halkaasi, isagoo tilmaamay in ay had iyo goor ku dadaali jireen sidii loo horumarin lahaa aqoonta dhallinyarada iyo dadka ku nool Degmada Kaaraan, wuxuuna mahad gaar ah u jeediyay Hay’adihii fuliyay iyo kuwii gacanta ka geystay furitaanka Dugsigaan.

Waa Ilaah mahadiis haddii aan manta helnay waxbarasho lacag la’aan ah, anaguna waxaan diyaar la nahay inaan caruurteena ay ka qeyb qaataan sidii ay uga aflaxi lahaayeen Dugsigaan, waana soo dhoweyneynaa haddii aan heleyno waxbarasho naloogu keenay degaankeena, weligeyna waxaanu ku dadaaleynay sidaan u heli lahayn, wallow aan ognahay inay jiraan arday Soomaaliyeed oo loo tababaro qaraxyada iyo dilalka, anagoo taasi weligeen ka dagaalami jirnay inaan ardaydeena aan waxyaabahaas lagu tarbiyeynin, ayna noqoto tarbiyada ilmaheena mid anfacda adduun iyo aakhiro” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Rooble oo dhinaca kale sheegay in muddo 9-bilood ah oo uu hayay xilka Guddoomiyenimada uu arkaayay hay’ado waxqabadkooda uu ku eg kormeer kaliya, Sidaa darted ayuu yiri “Waa inaan waxa aan heysano wax ku sameysano”.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay Maxamed Shukri Macallim oo madax ka ah Hay’adda SHARDO, iyo maamulaha Dugsiga iyo Cali Axmed (Cali Cirro) oo ku hadlayay magaca waalidiinta, kuwaasoo si guud uga warbixiyay mashruucaan lagu furaayay Promoting of Employment through Training (PETT).

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new