Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Isbaheysiga dib u xoreynta oo saxiixay heshiis ay ku aqbaleen inay wada hadalo awood qeybsi la sameeyaan DFKMG.

Nairobi 06/April/2008  Waagacusub.com  

Ergadda Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee uu horkacayay Gudoomiye Shariif Sheekh Axmed ayaa  dib ugu laabtay Magaaladda Casmara ee Dalka Ereteria ka gadaal markii ay  qalinka ku duugeen hindise siyaasadeedka Ugubkaa ee ergayga Qaramadda Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Mr Ahmed Oul Abdalla.

Heshiiska hordhacaa ee ay saxiixeen metelayaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa dhigaya inay dowlada federalka la galaan wada hadal aan sharuud ku xirneyn si loo meelmariyo dhexdhexaadinta Qaramadda Midoobee ee dhigeysa in awooda dowlada federalka la qeybsado marka laga reebo golaha baarlamaanka.

Inkastoo dukumiintiska dib u heshiisiinta ee labada dhinac uu Ahmed Oul nuqul ka mida siiyay madaxda Isbaheysiga hadana wuxuu kula dardaarmay inay xafidaan oo wada hadalada ka hor Saxaafadda wax wara laga siin,sida ay Waagacusub ugu xog warameen ila wareedyo kala duwan.

Madaxda la socota Shariif Sheekh Axmed oo ay ka mid yihiin,Shariif Xasan Sheekh Aadan,Proff Ibrahim Xasan Cadow,Dr Cumar Iimaan Abuubakar,Proff Cabdi Raxmaan Ibbi,Maxamed Cabdi Yusuf iyo xubno kale ayaa lagu wadaa inay kulan aan caadi ahayn ku yeeshaan Casmara si ay madaxda kale ee Isbaheysiga iyo dowlada Ereteria uga dhaadhiciyaan qorshe siyaasadeedka dib u heshiisiinta ee ay ka ogolaadeen Ergayga Qaramadda Midoobe iyo beesha Caalamka si loo afjaro xaaladaha colaadeed ee dalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaarre Nuur Cadde ayaa maalmo ka hor intii uusan ka dhoofin Nairobi wuxuu Qaramadda Midoobe siiyay ogolaansha la xiriirta inuu ogol yahay hindise kasta oo ay sax u gartaan xitaa hadii xal lagu gaarayo inuu ka tanaasulo jagada Wasiirka koowaad ee XKFKMG.

Diblomaasiyiinta shisheeyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya is afgarad dhex mara dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya loogu diyaar garooba doorasha madaxbanaan oo Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2009.

War laga helay labo masuul oo lagu kalsoon yahay kana soo jeedo beesha Caalamka ayaa sheegaya in Isbaheysiga Casmara iyo dowlada Federalka isku arkayaan Dalka Jabuuti si ay u ansixiyaan hindisaha dhexdhexaadinta beesha Caalamka ee wadaaga awooda sare ee dowlada.

Saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Federalka ayaa qaba tuhun la xiriira in dhaqdhaqaaqyada dib u heshiisiinta ay isku khilaafsan yihiin Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre Nuur Cadde,taasna ay culeeyskeeda leedahay hadii aan marka hore xal siyaasadeed loo helin.

Gudigga uu madaxda u yahay ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Mr Ahmed Oul Abdallah ayaa laga soo xigtay inay xulayaan ergada labada dhinac ee ku wada hadleysa Jabuuti,waxayna warar hoose sheegayaan inuusan ka mid ahayn Madaxweyne Yusuf maadama arrimaha dib u heshiisiinta u xilsaran tahay Xukumadda Federalka.

Waagacusub Media

Muqdisho-Office

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net