Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Topnews:- Ergadda Isbaheysiga Casmara ee Jabuuti labo garab u kala jabtay.

DJabouti  11 /May/2008  Waagacusub.com  

Ergadda Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Jabuuti ayaa labo garab u kala jabtay sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen qaar ka mida ergadaas oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay.

“ Ergadu waxay u kala jabeen labo garab oo ay kala hogaaminayaan Ibraahim Xasan Cadow iyo Cabdi Raxmaan dheere,kooxdii Maxaakiimta waxay raaceen Ibraahim Xasan Cadow,raggii Al Islaax waxay la safteen Cabdi Raxmaan dheere oo ah Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Isbaheysiga,waxay xantu tahay in Ibrahim Cadow uu doonayo meelmarinta heshiiskii ay ku saxiixeen Nairobi ee dhigayay in wada hadal lala furo dowlada laakiin garabka kale waxay ergayga Qaramadda Midoobey weydiisteen in wada hadalada dib loogu dhigo” ayuu yiri diblomaasi caana oo ka tirsan dowlada Jabuuti una waramay Waagacusub.

“ Dhamaan Ergadda joogta Jabuuti ee Isbaheysiga ka tirsan ma jiraan cid ay metelaan,waxayna isku heystaan danahooda,waxaanu leenahay xishooda oo ilaaha ka baqa kuna soo laabta deg deg Casmara” ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo dhinaca kale xusay inaysan jirin wax wada hadal lala gelayo dowlada Cabdulahi Yusuf,waa sida uu hadalka u dhigaye.

“ Dowlad ku sheega Cabdulahi Yusuf wax wada hadala lama galeeyno,waxaan ugu baaqeynaa Muqaawimadda inay halgankooda gobanimadoonka sii labo jibaaran,ragga madaxda Isbaheysiga sheeganaya ee qiyaanada lagu qabtay waxaan leenahay kiis iska waalka iyo hadalada qiyaanadaa waan idinka diidnay,waxaan damacsan tihiin waan la soconaa,in  go-aan la idinka gaarana waa mid qasaba” ayuu yiri Xuseen Maxamed Ceydiid oo xusay inuu tegayo gudaha dalka Soomaaliya.

“ Arrimaha dibadda anigaa metela,xoghayahii arrimaha dibadda waa aniga,Gudoomiyahii gudigga arrimaha dibadda ee Amb Cashara,ergada Jabuuti tegay ee leh waxaan la kulmeeynaa Qaramadda Midoobay ,yaa u igmaday hoowshaas,waxaanu leenahay xishooda oo shaqooyinkiina qabsada”ayuu yiri Yusuf dheeg oo Isbaheysiga dib u xoreynta u qaabilsan arrimaha dibadda.

“ Heshiiskii lagu galay Nairobi ee ay saxiixeen hogaamiyeyaasha Isbaheysiga waa inay u hogaansamaan oo meelmariyaan wada hadalo ay la galaan dowlada Federalka hadii aysan taasi dhicina waxaa garsoore noqon kara shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay ,waxaanu dooneynaa inaan xaqiijino cidda dib u heshiisiinta diidan” ayuu yiri Ahmed Ould Abdalla oo u waramay Waagacusub.

“ Ibraahim Xasan Cadow muxuu ka yahay horta Isbaheysiga,sidee ku hogaamin karaa ergada Isbaheysiga,waa iska foowdo iyo sharci daro lagu bahdilayo sumcadda Isbaheysiga dib u xoreynta”ayuu yiri  Mudane Cabduqadir dhaqane oo ka mida madaxda sare ee dib u xoreynta Soomaaliya.

“ Shariif Sakiin Dubai ayuu u dhuuntay,Shariif Sheekh Axmed markii uu arkay in xaaladu xun tahay ayuu Doha kala xiriiray BBC Somali ,wuxuuna siyaasadda uga baxay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay hore ugu heshiiyeen in dowlada awood qeybsi lala sameeyo oo lagula hadlo Jabuuti”ayuu yiri mid ka mida golaha fulinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta Casmara.

“ Xuseen Ceydiid ayaan dhageystay wareysigiisii VOA Somali ,.allaylahe wuxuu isku qaso war moowqifkiisa ayuu cadeeyay,waxaana muuqato inuu dariiq saxa maray,oo isaga warkiisa meel marayo,maadama ay Shariifyadii hore u sheegtay tanaasulaada hada la soo shir tageen lama hadleeyno dowlada”ayuu yiri mid ka mida aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Halkaan ka dhageyso codka Shariif Sheekh Axmed ee BBC Somali

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Warbaahinta hore uga sheegay inay ka tanasuleen qodobkii ay ku xireen wada hadal ay la galaan dowlada ee dhigayay inaysan la hadleen inta Itoobiyaanka ka baxayaan Soomaaliya hasse yeeshee Xuseen Ceydiid ayaa isla waqtigaas naqdiyay warka Shariif Xasan wuxuuna sheekada Gudoomiye Shariif Sakiin ku tilmaamay mid aan wax ka jirin.

Wareysiga Shariif Sakiin ee laba bogleynta dhageyso

“ Cidii dowlada ku sheega Cabdulahi Yusuf hor fariisato,waxaan u aragnaa inay Dance ku dul ciyaareyso khabuuraha kumanaanka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanka ku xasuuqeen Soomaaliya,mana jirto awood siineyso in labada Shariif la hadlaan kooxda Cabdulahi Yusuf”ayuu yiri Xuseen Maxamed Ceydiid oo dhinaca kale xusay inuu isaga tegay federalka isagoo ah Ra’isulwasaarre ku xigeen iyo Wasiir.

Halkaan ka dhageyso Wareysi uu Xusen Ceydiid siiyay VOA

Dowlada Jabuuti ayaa wax laga xumaado ku fasirtay is qabqabsiga ka dhex aloosan ergada Isbaheysiga waxayna xusen inaysan ergadda hogaamineyn madaxdii  sharciyadu siineysay.

Si kastaba ha ahaatee,todobaadka gudahiisa ayaa lagu wadaa inay golayaasha Isbaheysiga dib u xoreynta qaraar rasmiya ka soo saaraan labada Shariif ee hogaanka sare iyo ergada Jabuuti ku jooga sharci daradda siyaasadeed.

Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new