Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

  Heesta Sarbeeb iyo Fanaanka Maxamed Wadanoole MP3

Weriye Xasan Cadde oo warbixin ku eegaya wada hadalada Jabuuti.

DJabouti  10 /May/2008  Waagacusub.com  

Shirka dib u heshiisiinta ee ay garwadeenka ka tahay Q/Midoobay ayaa waxaa soo wajahay caqabado Sabab u noqon kara in uu bur buro kadib markii shuruudo lama filaan ah ay ku xireen isbahaysiga Dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay Magaalada casmara ee wadanka Ereteria.
Inkasta oo labadii ergo ee ka kala socday dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga casmaro ay gaareen madasha shirka Jabuuti hadana ma muuqato sansaan muujinaysa in ay si toos ah ugu wada kulmayaan jabuuti.iyadoo mas uul u hadlay isbahaysiga casmara uu ku dhawaaqay in aanay marnaba hor fadhiisan doonin wax uu ugu yeeray dawlada ku sheeg Soomaaliya.


Warar ka soo baxaya dhinaca casmara waxay sheegayaan in isbahaysiga ay haysato dhibaato laba dhinac ah waa mida hore:-
1-iyada oo uu cirka isku shareeray muranka dhinaca wadahadalada ee u dhaxeeya isbahaysiga dhexdiisa kaasi oo qaarkood ay ku adkaysteen in aananba latagin jabuuti iskaba daa in la horfadhiista dawlada Federaalka Soomaaliya.
2-Isbahaysiga oo uu soo wajahay culays siyaasadeed oo kaga imaanaya dhinaca beesha caalamka kaasi oo khasab kaga dhigay in ay xubno u soo dirsadaan Jabuuti iyagoo ka caga jiidaya.
Kasakoow wafuuda labada dhinac waxaa kale oo madasha shirka soo gaaray diblamaasiyiin caalami ah,oo ay furitaanka shirka ku casuumtay Qaramadda midoobay.
 
Shirkan oo aanay Soomaalidu ka fileyn rajo badan ayaa Ergayga Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya AHMEDU OULD ABDALLA waxaa uu ka muujinayaa rajo Wanaagsan,isagoo sheegay in labada dhinac,dawlada iyo mucaaradka  ay is hor fadhiisan doonaan,Balse waxaa taasi Gaashaanka ku dhuftay Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aanay Marnaba la fadhiisan doonin Dawlada F Soomaaliya Inta Wax uu Shiikhu Ku tilmaamay Cadawga Ithopia ay ku jiraan Gudaha Soomaaliya,
 
Waxaa jira cabsi ay qabaan Kooxda casmara oo ah in shirqool loo maleegayo taasina waxay keentay in Xitaa halkii hoteel ee loogu tala galay in labada ergo la dajiyo ay isaga dareereen wafuudii casmara ee ka koobnaa Todobada Xubnood,iyagoo meesha ka saaray jiritaanka wax dawlada la yiraa oo ay wadahadal lagalayaan.
 
Arrintan ayaa walaac ku abuurtay Ergayga Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Axmadu Ould Abdalla oo rajo badan ka qabay in shirku labada dhinac si rasmi ah ugu furmo.
 
Dhinaca Kalena Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Wafdifeedu gaaray Magaalada Jabuuti ayaa ku tilmaantay wadahadala mid u dhaxeeya iyaga iyo Kooxaha Kasoo horjeeda,Waxayna ugu baaqeen kooxda Casmara in aanay wax shuruud ah ku xirin wada hadalada.
 
Madaxweyne C,laahi yuusuf Axmed oo dhawr mar ka hadlay wada hadaladan Jabuuti waxaa uu sheegay in ay cid kasta oo dawladiisa mucaarad ku ah lahadlayaan,
Hadaladan oo aan looga baran Madaxweynaha Marka loo eego qaabkii uu u hadli jiray ayaa shaki badan ku abuurtay isbahaysiga Casmara.
 
Mas’uul jooga Casmara oo goordhaweyd la hadlay Waagacusub ayaa sheegay in marka la fiiriyo dhaqanka Beesha caalamka iyo hadalada C,laahi Yuusuf ay yihiin kuwo la doonayo in lagu shirqoolo Midnimada iyo Dastuurka isbahaysiga Dib u Xoreynta wuxuuna ugu Baaqay Beesha caalamka inay si toos ah u wajahdo Xalka Soomaaliya .
 
Si kastaba Arrintu Ha ahaatee Sida ay sheegayaan Warar laga helayo ilo muhiim ah waxaa socda qorshe la doonayo in lagu kala dhantaalo isbahaysi iyadoo loomarayo Dawlada Eretrea taasi oo ay uga feejiganyihiin isbahaysiga iyadoo loo marayo qaab qorsheysan oo loogu raadinayo mar marsiiyo sida hadii ay diidaan wadahadaladan la doonayo in labada dhinac la isku soo horfadhiisiyo,Balse la arki doonee halka uu ku danbeeyo shirka tobanka bishan ka furmaya jabuuti oo ku beegan maanta.

Weriyaha Arrimaha siyaasadda ee Waagacusub

Xasan Sheekh Axmed Cadde

Cadde09@hotmail.com

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new