Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Wiil uu adeer u yahay Madaxweyne Cadde Muusse oo Somaliland ku xiran”Cumar Max’ed Boqor Muusse,Ina Shaf deero”

Bosaso 01 April 2008  Waagacusub.com

Afar ka mida hogaamiyaasha burcad badeedka goboladda Puntland oo lagu qabtay xadka Somaliland la wadaagto Itoobiya ee Wajaale xilli ay ka tilaabayeen ayaa la xaqiijiyay in mid ka mida uu adeer rasmiya u yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Jeneral Maxamud Muusse Xersi.

Wiilka uu adeerka u yahay Cadde Muusse oo Weriye ka tirsan Waagacusub ugu waramay Xabsiga Mandheere ee Somaliland wuxuu qirtay inuu  ka mid yahay madaxda sare ee Burcad badeedka afduubta Maraakiibta,wuxuuna dhinaca kale xusay inuu adeer laxmiya u yahay Madaxweynaha Puntland.

“Anigu waxaan ahay nin la yaqaan,waxaana magaceeygu yahay Cumar Max’ed Boqor Muusse,ina Shafdeero”ayuu yiri wiilka uu Cadde Muusse boqor u yahay adeerka.

Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Somaliland ayaa Waagacusub u sheegay in afarta burcad badeeda ay u dhasheen Puntland waxayna qirteen inay gacanta ku hayaan lacago ay wateen oo dollar,bir isugu jirta iyo weliba jeegag Xawaaladaha qaar ay ku dhigteen lacagahooda.

Saraakiisha Somaliland waxay afarta nin ee reer Puntland ku sifeeyeen rag aan Somaliland dimbi ka gelin balse galay dimbiyo Caalamiya waxayna dabacsanaan ka muujiyeen hadii Ciidamada Nabadsugida Puntland kala wareejiyaan qaab cad oo Saxaafadda goob ka tahay.

Saraakiisha sare ee Nabadsugida Puntland ayaa Waagacusub Media ugu xog waramay inaysan jirin rajo la xiriirta in afartaas nin ay kala wareegaan gacanta Somaliland iyagoo taas sabab kaga dhigay Madaxweyne Cadde Muusse oo amar ku bixiyay inaan la fara gashan ragga burcad badeeda ee lagu qabtay Wajaale.

Siyaasiyiin ku sugan Garowe ayaa sababta uu Cadde Muusse ku diiday in Puntland la wareegto afarta wiil ee uu mid adeerka u yahay ay tahay cabsi la xiriirta inuu badbaadin waayo maadama ay ku jiraan dimbiyo Caalamiya.

Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa la soo weriyay inay ku hoowlan yihiin sidii afartaas wiil loo saari lahaa Maxkamad Dimbiyeed Caalamiya si loogu qaado xukunka xeerka afduubka Maraakiibta.

Inkastoo aysan jirin cadeeymo loo hayo inay afarta burcad badeed ee lagu hayo Somaliland ku lug lahaayeen dhamaan Maraakiibtii lagu afduubtay Xeebaha Puntland hadana waxay qirteen labo ka mida oo ay wateen qalabkii ay ka qaateen sida kaamirooyin.

Burcad badeeda uu hogaaminayay Cumar Maxamed Boqor Muusse(Ina Shafdeero) waxay qorsheeynayeen inay Itoobiya uga duulaan Uganda si ay ugu dhoofaan dalalka Yurubta ama Carabaha,waxaana jeebkooda laga helay lacag ku dhaw sodon kun oo dollar iyo labataan iyo dhowr kun oo birta Itoobiya.

Sedexdii sano ee la soo dhaafay waxaa xeebaha Soomaaliya ku sii badanayay afduubka Maraakiibta Shisheeyaha iyadoo afduubyadaasna ay geeysanayeen Burcad Soomaaliya oo Maraakiibta iyo shaqaalaha la socda ku qaadanayeen Malaayiin dollar laakiin xaga sharciga falalka nuucaasa waa fal dimbiyeedyo culus oo aan la dhayalsan Karin xukunka ay xambaarsan yihiin.

Waagacusub Media Group

Dr Cabdi Qaasim:- Cabsidii Ceydiid + Abaalkii Cigaal + Cuqdadii Cadow+ Codeyntii Cabdulahi Yusuf = ceeb kugu hardhan!! Riix

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net