Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Labo ka mida Weriyaashii ugu caansanaa Muqdisho oo magangalyo siyaasadeed weydiisanaya dalka Holand.


Nederlandse 30 March 2008  Waagacusub.com

Abdullahi Jama Ali iyo Mohamed Abdi Farah (Afgooye) oo ka mida Weriyaasha ugu caansan Soomaaliya ee mudadii dagaalada Sokeeye ka hoowlgalayay Warbaahinta madaxa banaan ayaa magangalyo siyaasadeed weydiisanaya dowlada Nederlandse ka gadaal markii ay Muqdisho uga soo carareen in lagu qaarijiyo.

Labada Weriye oo sanadihii ugu dambeeyay ka hoowlgeli jiray Horn Afrik Media INC iyo Shabelle Media Network waxay isu dhiibeen Laanta Qaxootiyada Dalka Holand waxayna wada hadalo la leeyihiin Saraakiisha Magangalya siinta Qaxootiyada Nederlandse ee (IND) iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka kaga soo horeeyay.

Abdullahi Jama iyo Mohamed Afgoye waxay Weriyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Holand kala hadleen sida wax loogu qaban karo Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee dhibaatada amaan iyo nolol xumo ku heysato gudaha Somaliya iyo dalalka la deriskaa sida ,Ethopia,Kenya,Uganda,Yemen,Jabouti iyo Somaliland. 

“Waligey kuma aanan fikirin in cabsi i soo wajahdey aan ugu soo cararaayo dalkeyga laakiin markii aan arkey meydka agaasimaheygii Ali Iman Sharmake iyo Saaxiibkeygii aan wada shaqeyn jirney ee Mahad Ahmed Elmi ayaan dareemey in aanan waxba ka duwaneyn oo sidaas oo kale ay ii dilayaan kuwa sida foosha xun u diley saaxiibada aanan ilaawi karin” ayuu yiri Weriye Abdullahi Jama oo Warbaahinta Waagacusub cusub ugu waramay gobolka Fresland ee Dalka Nederlandse.

 “Iyadoo Maalin walba dil la iigu hanjabayo ayaan is adkeeyn jiray oo shaqadeeyda sii wadan jiray laakiin markii dambe waxaan garwaaqsaday inaan dhuudhuumaaleysi ku sii noolaan karin,waxayna la taliyaasheeyda ama Saaxiibadeeyda igula taliyeen inaan baxsado,sidaas ayaana uga soo cararay dalkii oo Magalyada ku weydiistay Nederlandse”ayuu yiri Mohamed Abdi Farah Afgooye oo dhanka kale xusay inay weli ka hor muuqdaan Weriyaashii ay saaxiibada shaqo wadaaga ahaayeen ee Muqdisho sida foosha xun loogu dilay.

Abdullahi Jama Ali waxaa uu ka mid ahaa  Barnaamij soo saarayaashii Idaacada iyo Telefishinka HornAfrik  sidoo kalana  Mahamed Abdi Farah {Afgoye} waxaa isagana uu ka mid ahaa Weriyaashii lafdhabarta u ahaa  Shabelle Media Network gaar ahaan Barnaamij soo saarayaasha Idaacadda Shabelle ee Mogadishu.

Dowladaha Ingiriiska,Nederlandse,Sweden iyo Norway ayaa noqday afarta dal ee magangalyada siisay Weriyaashii Soomaaliya ugu caansanaa.

Dalka Nederlandse waxaa hore u joogay Weriyaal caana oo Somaliya laga wada yaqaan ayna ka mid yihiin,Abdi Shakuur Elmi Hassan,Dahir Abdulle Alasow,Nafiso Nur Osman,Mohamed Osman Sheik(Qadafi) Mohamed Sandiir, Abdi Rahman Guurre,Hawo Mohamed Mohamud,Mohamed Muusse Daa-uud,Sa’eed Abdi Siyad iyo Hodan Abdi.

Dalka Ingiriiska oo la rumeysan yahay inuu yahay qaarada Yurub dalka tirada ugu badan Weriyaasha Soomaalida magangalyada siiyay waxaa Weriyaasha ku nool ka mida:- Hassan Sheikh Ahmed Cadde,Abdulkadir Mohamed Ashar Nadaara,Ridwan Hajji Abdi Weli,Awil Dahir Salad,Abdi Shakuur Ali Yusuf(Gaal eri) Mohamed Hajji Barre Fiyoore,Farhaan Mohamed Jim’ale,Ali Jenyo,Sahro Rooble,Omar Diini Geeddi,Farah Roble Beereey iyo Mohamed Caano geel.

Dalka Sweden oo la rumeysan yahay inuu yahay dalka sedexaad ee qaarada yurub ay ku nool yihiin Weriyaasha Soomaaliya waxaa laga tilmaami karaa,Mohamed Yusuf,Farxiyo Ali Qaajo,Mohamed Amin Sheik Adow,Abdi Fitah Muhudiin Nur( La Jecloow ) Jabriil Abdulle Ibrahim(Jabra) Ikraam Ali Kaar,Hussein Abdi Alasow,Ahmed Sheik Ali Kalay iyo Weriyaal kale oo badan.

Norway ayaa la tiriyaa inay tahay dalka afaraad ee ay ku nool yihiin Weriyaal laga xusi karo Qaasim Neero,Cabdulahi Fat iyo Caano Boore.

Dhibaatada Wariyeyaashaan badankood ku qasabtey inay ka soo cararaan dalkoodii Hooyo ayaa calaamad u ah heerka ay la egtahey dhibaatada lagu hayo Saxaafada xorta ah ee Soomaaliya,Waxayna beesha caalamka qirsan tahey in wariyayaasha ka soo cararay Somaliya ay yihiin dhaqdhaqaaqayaashii ugu weynaa ee aduunka u gudbin jiray tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagula kacayo Shacabka taas oo la rumeysan yahay in hadii aan wax laga qaban ay sii xumaneyso Madax banaanida Saxaafadda Somaliya iyo Arrimaha Xaquuqul Adana ee Soomaaliya.

Hay,ada u dooda xuquuqda aadamaha ee Amnesty international ayaa dalka Soomaaliya ku sheegtay inuu noqdey meesha ugu dhibka badan aduunka marka loo eego Saxaafada  Madaxa banaan,iyadoo sanadkii la soo dhaafey oo kaliya lagu diley ilaa 9 Weriye oo ka mid Ragga ugu caansan bahda Saxaafada madaxa banaan ee ka shaqeysa gudaha Dalka Soomaaliya kuwaas oo shan ka mid ah ay u dhinteen shaqadooda Saxaafadeed.

Dilka,Xariga,Jirdilka iyo handadaada lagula kacey Wariyeyaasha Soomaaliya ayaa waxa uu sabab u noqday in Weriyeyaashii ugu caansanaa ay ka soo carareen gudaha dalka iyagoo u kala firxadey dalalka dariska iyo daafaha caalamkaba.

Xafiiska Wararka Waagacusub

Nairobi-Kenya

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net