Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Afhayeen Abuu Maansuur oo gabdhaha Soomaaliyeed meel ka dhac ku sameeyay.

Muqdisho  09 /May/2008  Waagacusub.com  

Qaar ka mida Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur) ku eedeyay inuu meel ka dhac iyo bahdil ku sameeyay kaalinta ay gabdhaha Soomaaliyeed kaga jiraan halganka gobanimadoonka Soomaaliya,waxayna hadal laga xumaado oo liidnaana ku tilmaameen in Afhayeenka Al-Shabaab Warbaahinta siiyay kalmado aysan ka mudneyn.

“ Waxaan ka xanuunsaday erayada liidnaanta uu liiday gabdhaha Soomaaliyeed oo uu k sareeysiiyay ragga,waxaana ugu baaqeeynaa inuu raali gelin ka bixiyo meel ka dhaca uu gabdhaha la dhashay ee Soomaaliyeed kaga dhigay kuwa  cidii dhashay ay qasaartay” ayey si caro leh u tiri Marwo Caasho Geelle oo khadka telefoonka kula soo xiriirtay Waagacusub.

Marwo Caasho Geelle waxay ku faantay inay gobanimadoonka Soomaaliya gabdhaha horseed u yihiin,raggana kaashanayaan.

“ Ragga way na dhaleen,nala dhasheen,u dhaxnay sidaas daraadeed la’aantood waxba maahin,mana xaqireeyno kaalintooda laakiin dhalinyarada Al-Shabaab waxaan ka sugeeynaa inay si cad nooga xaal mariyaan gefka iyo meel ka dhaca Afhayeenkooda” ayey ku celcelishay Marwo Caasho.

Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in ardayda Macalin Adan Ceyroow  soo tababaray ay joogaan oo u aarayaan,lana arkayo inuu wiilal ka tegay iyo inuu gabdho ka tegay.

“ Mareykanka sidiisa oo kale Geerida uguma cabsano, hadii nala dilo waxaan heleynaa shahaado, in nala dilana cabsi naguma heyso, howlihii ururka Al-Shabaab-na hada ayay kor u kaceen, waxaana la arkayaa in Macalinka Wiilal ka tagay iyo inuu gabdho ka tagay” ayuu yiri Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow oo shaaca ka qaaday inay shalay ciidamadooda ay dileen taliyihii ka talin jiray Diinsoor kaas oo isaga iyo ilaaladiisa ay Miino kula qaraxday afaafka hore ee magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee,boqolaal ka tirsan gabdhaha Soomaaliyeed ayaa Emailo iyo telefoono u soo diray Waagacusub,waxayna garasho hoose ku tilmaameen liidnaanta uu Warbaahinta ka liiday Afhayeen Abuu Maansuur

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new