Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Saxaafiyad lamaanaheedii lagu dilay Muqdisho oo Nederlandse weydiisaneysa magangalyo siyaasadeed.

Groningen 11/April/2008  Waagacusub.com  

Saxaafiyadda weyn ee Shaadiya Muhammed Abdi oo ka mid ahayd Weriyaasha Warbaahinta Horn Afrik ee Muqdisho ayaa  ka mid noqotay Weriyaashii ugu dambeeyay ee magangalyada siyaasadeed weydiisanaya dalka Holand.

Shaadiya Muhammed oo caan ku ahayd Idaacadda Capital Voice 88.8 Fm Muqdisho ee Warbaahinta Hornafrik waxaa  lamaanaheedii ay wararka iyo barnaamijyadda wada akhrin jireen allaha u naxariistee Weriye Mahad Axmed Cilmi lagu dilay agagaarka Xarunta Hornafrik 11 August 2007.

Shaadiya oo Warbaahinta Waagacusub ugu warantay khadka telefoonka waxay xaqiijisay inay isu dhiibtay laanta Qaxootiyada ee dalka Nederlandse si ay uga hesho magangalyo siyaasadeed.

“Waxaan Muqdisho anigoo shoogsan ka cararay markii Seeygeeygii aan isku shaqada ahayn allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi lagu dilay wejiga hore ee Xarunta Warbaahinta Hornafrik  11 August 2007 xilli aan gudaha Idaacadda ku jiray,waxay ii ahayd naxdin weli aan la naxsanahay maxaa yeelay wuxuu Mahad ahaa lamaanaheeygii,Saaxiibkeeygii shaqada,waxaana rumeystay in dadkii dilay isaga ay anigana I dhaafeeyn waayoo isku mid ayaan ahayn dhan walba”ayey tiri Shaadiya Muhammed Abdi oo Waagacusub ugu Warameysay khadka telefoonka.

Weriye Shaadiye waxay sheegtay inay dhibaatooyin badan kala kulantay safarkeedii Soomaaliya ay kaga baxeysay iyadoo xustay inay 14 maalmood ku xirneyd xaduuda Kenya iyo Soomaaliya.

“ Aniga iyo Weriyaal ila soo cararay waxaan dhibaatadii ugu xumeyd kala kulanay xaduuda Kenya iyo Soomaaliya oo aan ku xirneyn 14 maalmood oo nolol adag ahayd runtii,waxaana cabsida igu sii beerayay Asaxaabteeyda oo I dhahayay dadkii dilay Mahad Axmed Cilmi,adigana way kugu raad joogaan ee baxso”ayey ku nuuxnuuxsaday Saxaafiyada Shaadiya.

Saxaafiyadda Soomaaliyeed waxay tibaaxday in Weriyaasha Soomaaliyeed ku dhibaateeysan yihiin dalalka la deriska Soomaaliya halka qaarkoodna ay weli nolol halisa kaga hoowlgalayaan Muqdisho oo ay ku tilmaamtay mid ay adagtay sida Saxaafad madaxbanaan uga shaqeyso.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo Dahir Abdulle Alasow iyo Abdullahi Jamac Ali oo gurmad noo fidiyay anigga,Xasan Muusse iyo Xassan Sadde xilligii aan ku xirneyn Xaduuda Soomaaliya la wadaagto Kenya maxaa yeelay ma hilmaami karo abaalkooda” ayey tiri Shaadiya.

Nederlandse waxaa  hore u joogay Weriyaal badan oo Soomaaliyeed iyadoo markii ugu dambeysay ay magangalyo weydiisteen Mohamed Abdi Farah Afgooye iyo Abdullahi Jama Ali oo ka mida Weriyaashii Muqdisho ka soo qaxay ee ka hoowlgeli jiray Idaacadaha Horn Afrik iyo Shabelle Media .

Waagacusub Media

Muqdisho-Office

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net