Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:-Gaarigii Taliyaha Daraawiishta Puntland iyo ilaaladiisii oo u galay Somaliland+ Madaxweyne ku xigeen Axmed Yasin oo Laascaano+Madaxdii Dhulbahante oo Garowe isaga baxay.

laascaano 02 April 2008  Waagacusub.com

Gaarigii qaaska ahaa ee taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Puntland Korneyl Cali Baadiye oo ay la socdaan ilaaladiisii gaarka ahayd ayaa markii ugu horeysay  lagu arkay gudaha Magaaladda Laascaano isagoo gaaf wareegaya.

Gaarigga oo nuuciisu yahay Land Cruiser iyo labo qori oo nuuca daba jeexa loo yaqaan ayaa lagu wareejiyay Madaxda Nabadsugida Somaliland.

Gaariga Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Puntland waxaa Somaliland la soo galay darawalkiisii iyo sedex ka mida ilaaladiisa oo la sheegay inuu dhamaan adeer u yahay

Inkastoo ragga la soo goostay gaarigga Taliyaha ay isku yihiin juffo hoosaad ka mida Beesha Majeerteen hadana waxay warar hoose sheegayaan inay la soo baxsadeen dukumiintiyo muhiima.

Gaarigga Korneyl Cali Baadiye oo ka dhigan midkii labaad ee  rag ku heyba Madaxweyne Yusuf kala soo goostaan Puntland ayaa ku beegan xilli Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yusuf Yaasiin uu socdaal kedisa ku booqanayo Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaano.

Sida uu ku waramayo Weriyaha Waagacusub ee Laascaano waxaa soo dhaweynta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo wafdiga la socdo loo diyaariyay boqolaal fardo ah,sidoo kalana waxaa la filayaa inuu khudbado xamaasad leh u jeediyo dadweynaha Magaaladaas oo isugu soo baxay Wadooyinka si ay soo dhaweyn ugu sameeyaan.

Inkastoo Axmed Yusuf Yaasiin yahay masuulkii ugu sareeyay Xukumadda Somaliland ee booqda Laascaano tan iyo markii ay gacan ku heynteeda kala wareegeen Puntland hadana wuxuu socdaalkiisa ku beegan yahay xilli Madaxda beesha Dhulbahante ee hore uga tirsanaa Puntland ku shirayaan Boocane oo la filayo inay kaga dhawaaqaan isbedelkooda siyaasadeed ee ay ku shaacinayaan inay guud ahaan isaga baxeen Maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Cadde Muusse boqor.

Salaadiinta iyo Garaadyadda Dhulbahante ee Boocane ku shirsan waxaa la soo weriyay inay ku wajahan yihiin Magaalada Hargeysa sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

Amar seefla boodnimaa oo ka soo baxay Madaxtooyada Garowe ayaa qaab hanjabaada loogu amray Madaxda Dhulbahante inay ka baxaan Magaaladaas waloow aan la ogayn waxa uu kala socda Madaxweyne Cadde Muusse oo socdaal shaqo ugu maqan Itoobiya.

Sida laga helayo ila wareedyo lagu kalsoon yahay todobaadkaan ayaa loo badaniyaa inay garabyada beesha Dhulbahante si cad u shaaciyaan qadiyadooda ka mid ahaanshaha Somaliland,waxaana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Sheekh Axmed Yusuf Yaasiin uu socdaalkiisa Sool ku booqanayaa Magaalada Xadaariga ee Ceerigaabo,sida ay Waagacusub ugu xog warameen Saraakiil sare oo ka tirsan wafdiga la socda.

Waagacusub Media Group

Dr Cabdi Qaasim:- Cabsidii Ceydiid + Abaalkii Cigaal + Cuqdadii Cadow+ Codeyntii Cabdulahi Yusuf = ceeb kugu hardhan!! Riix

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net