Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

  Heesta Sarbeeb iyo Fanaanka Maxamed Wadanoole MP3

Warbixn iyo sawiro uu Weriye Muusse Jiisoow ka soo diray qaxootiga Oromadda Muqdisho

Muqdisho  10 /May/2008  Waagacusub.com  

Mid ka mid  Guddoomiyaha xeradda Qaxootiga Oromadda  Maxamed Aadan Kirra ayaa ka war bixiyey qaabka loogu nool yahay 7 xero qaxooti oo ay ku nool yihiin  qaxooti ka soo jeeda qawmiyadda  Oromadda iyo ddkale oo Somali ah  kuwaasoo halkaas ku sugaa ku dhawaad 15 sano.

Qoysaskan ayaa ka kooban 120 qoys ayaa waxaa ay ka soo barakaceen dagaalkii 1977dii oo ay isaga horyimaadeen Somalia iyo Ethiopia waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay ay xero qaxooti ay ka galeen magaaladda qoryooleey halkaasoo loogu  oqoonsaday ineey yihiin qaxooti, waxaase uu sheegay Karra in dagaaladdii sokeeye ay uga lumen warqadihii aqoonsiga ee ay siisay hay.adda qaxotiga ee qaramada midoobey marka la soo gabaiyo loo yaqaan UNHCR kadib markii laga bililiqeystey.

Waxaa uu sheegay in hayadda kaliya ee ay kaalmada ka helaan ay tahay Saacid oo iyadda ka gargaarta dhismayaasha musqulaha  iyo hal ceel biyood.

Guddoomiyaha Xeradda Qaxootiga Oromadda Maxamed Kirra waxaa  uu xusay dhibkii ay la kulmeenwaraqihi aqonsiga  muddadii ay qaxootiga halkaan ay ku ahaayeen in laga dilay laba nin oo ka mid ahaa qaxootiga xeraddaas,. Balse waxaa uu sheegay in ay u samreen kahdartaa ilaah keenay waxayna xuseen in aan laga raali galinin dilka dadkaa oromada ahaa ,

Dhanka kale qaar ka mid ah qaxootiga xerada ku jira iyo dadkale oo Somali ah oo iila muuqday kuwo ay heyso dhiaabtooyin dhaqaale una gaar ah oo xaga nolosha ah ayaa waxaa iisuurta gashay in aan mid mid u wareysto waxayna ka hadlayeen dhibaatada heysa oo ay ku tilmaameen kuwo aanay waxba ka qaban Karin ,

Abshiro cabdi cabdulle waxay heysataa wiil 3 sano jiro ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Maxamed waxaana ka muuqday rafaadka heysta reerkiisa sida isaga oo ka bararay wejiga iyo gacmaha dhiigyarada heysa darted waxaana u sii dheer wiilkaan oo aan lugihiisu laheyn wax lafo ah lana mid ah sida hilbaha oo kale mana istagi karo oo wax awood ah malaha wiilka abshiro

 Abshiro Cabdi Cabdulle “Wiilkeygu wuxuu jiraa 3 sano waana jiran yahay mana socon karo habeenkii ma seexdo waa qarqarayaa qandho darted waana gubanayaa kuleyl iyo qabow midna uma rona waa gariiraa madaxana waa ka weynaaday oo sidaan ayuu ka noqday intaa waxaa u sii dheer lugihiisu lafo malaha waa sida hilibka oo kale mana aha wiil cagihiisa ku joogsan karo sidaa ayuu u tabaaleysan yahay wiilkaan ayey tiri abshiro “

Abshiro oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in cudurka haayo wiilkeeda uu ku bilowday isaga oo shanbilood jira intaana ay la tacaalaysay inkasta oo markii danbe loo sheegay in aan  dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin

Abshiro Cabdi Cabdulle oo ka hadlaysay jawaabihii ay ka soo heshay dhaqtaradii ay u geysay wiilkeeda Maxamed Maxamuud Maxamed  ayaa sheegtay in markii hore loo sheegay in wiilkeeda ay biyo ka galen madaxa isla markaana ay biyihii adkaadeen waxaana markii danbe loo sheegay abshiro in ay ka quusteen oo aanay waxba u qaban Karin

Wilkaan yar oo cudurku haayo ayaa  aabihii la ogeyn  meel u cirirb iyo jaandhigay waxaana ugu war danbeysay reerkiisa isaga oo ku sugnaa boosaaso xiligii ay dhacayeen dabaylihii sunaamiga wixii markaa ka danbeeyeyna aan war lagaheyn nolol iyo geeri midna  Maxamuud Maxamed oo ahaa wiilka abshiro aabihii  ,

Abshiro cabdi cabdulle  iyo wiilkeeda la ildaran cudurada haayo ayaa waxay ku nool yihiin bush( aqal Somali ) ka sameysan maryo iyo baco  uga dhaxdhisan xero qaxoti oo ku taal waqooyiga magaalada Muqdisho agagaarka baar FIAT  iyaga oo aan heysan wax dhaqaalo ah sida ay sheegtayna waxaa marmar wax ku soo suurto gabar yar oo u shaqeyso reereha xaafada u dhowdhow taasoo lacagta ay ka soo hesho dhardhaqida ku quudiso inkasta oo aysan ku filneyn

Hooyo Aamino Sh Cabdulaahi

Hooyo aamini sh:cabdulaahi ayaa ka mid hayd qaxootigii aan kula kulmay intii aan joogay xerada oo iyaduna la tacaalaysa Amiin Cabaas Axmed oo ah wiil ay dhashay kuna waashay dhaawc xabad madaxa kaga dhacday inta u dhaxayso labada indhood taas oo aheyd xabad wiifto ah arintaa ayaa sababtay  in ay maskaxda wax ka gaaraan iskuna darsoomo Aamin Cabas Axmed oo haatan u muuqdo qof aan caadi aheyn ,

Aamin Cabas Axmed ayaa waxaa xabadi ka haleeshay wejiga dagaalkii afarbiloodka  xiligii dagalada sokeeye ay isaga horyimadeen janaraal ceydiid iyo cali mahdi waxayna sheegya hooyo amino in wiilkeeda uu horey u cafimad qabay balse inti ka danbeysay xiligaa uusan waxba kala ogeyn islamarkaana isku yacsan yahay oo aanu baxba dhaamin xayawaanada

Amino ayaa sheegtay taniyo markii u dhawacu so gaaray oo la geeyey ispitaalka keysaney wixi ka danbeeyey in wiilkeedu Aamin Cabas Axmed  aanu helin wax daryeel cafiaad ah cid u fidisay iyadune ay tahay qof danyar sidaa darted waxay sheegtay in aan lageynin wiilkeda wax dhaqtar ah welina waxay sheegtay in ay rajo ka leedahay cafimaadka wiilkeeda

Wiilkaan Aamin ayaa waxna cunayo waxna cabaya marka la siiyo balse wuxuusan awoodin in uu u soo hoydo hoyga uu dagan yahay sidoo kale ma awoodo in uu cowradiisa asturto dharkiisa mayrto maskasdiisune ma shaqeyso isaguna maaha mid shaqeysan kara

Wiilkaan ayaa dadiisa aan ku qiyasay ilaa 35 sano jir wuxuuna fadhiyey geed hostiis markii ay hoyadii ka war bixineysay mana uusan dareysaneyn waxa aan isu sheegeyno ama aan ka hadlaeyno intaba

Saciido Sheeq Cabaas waa hooyo da.yar oo heysato 4 caruur ah midkoodna uusan garin 10 sano

Saciido waxay ka warbixisay xaaladeed nololeed iyada iyo caruurta ay heysato waxayna sheegtay in ay kaligeed ku tahay guriga marka laga reebo ilmaha yaryar ee uu u weyn yahay 8 jirku waxayna xustay saciido in ninkeedii Cabdiraxman Xasan  la waayey ka dib mar uu u qaraabtagay sida loo sheegayna waxaa ku dhacday xabad wiifto ah xafada yaaqshiid mar uu u tagat si u soo helo ilmaha biilkooda maalinlaha ah

Saciido Sheekh Cabaas ayaa intaa ku dartey “ninkeygii Cabdiraxman Xasan  meydkiisa ma arkin meesha u ku dhintayna ma aqaan iyo sababta loo dilay waxaan ku ogaanay in uu dhintay mudo laba sano ah aqbaartiisa maheyno “

Saciido oo hada bus yar oo baco ka sameysan uga dhexdhisan yahay xerada qaxootiga oromada ah ayaa sheegtay in ay iskeed u shaqeysato oo ay xaafadaha dariskeda ah u soo dhaqdo dharka guryahana u nadiifiso

Saciido ayaa sheegtay in marka ay ilmaheeda u qaraabtagayso ay isaga tagto ilnmaha kaligood oo aan cidina la joogin waxayna soo heshaa xoogaa aan ku filneyn balse aan laheyn cid ku kalameysa oo la garabgasha korinta caruurtaa aad ka u yaryar waxayna ka codsatay dadka somaliyeed ee wax heli kara gudaha iyo dibadaba in ay la garabgalaan korinta afartaa caruur ah

Maano waxay maskadaxdeedu wax gaareen ka dib markii ay sadax caruur ah oo ay dhashay u dhinteen cudurka hiiqdheerta bil gudaheed sida u sheegay Yuusuf  Cabdiraxman Abuukar oo ah ninkeeda ,

Yuusuf wuxuu sheegay in ay maano u dhashay sadax caruur ah ka dibna uu ku dhacay  cudur dabaysha  uga dhacay arintaas oo keentay geeri lama filaan ah iyaga oo dhimasho ay ka soo gudboonaatay mudo bil gudaheed ah maalmo ayey kala danbeeyeen waxaana maano ka naxday dhimashada ilmaheeda tasoo waxyeelo gaarsiisay maskaxdeed

Cabdiraxman Abuukar oo ah ninkeeda sidoo kale wuxuu sheegay in goor habeen ah baansiin dhalo ku jira  ay mooday gaaska faynuusta lagu shito oo ay taraq ku qabatay waxayna keentey in uu gubto jirkeedu ayna nafsadeedu halis gasho wuxuuna soo bandhigay dhaawcyada ka soo garay arinta oo ka muuqday garabkeeda midig meel u dhow dabkii ka garay

Cabdiraxman Abuukar ninka qaba maano wuxuu sheegay in uu san heynin tabar uu ku daaweeyo xaskiisa uuna ku shaqeysto garigacan aan laga helaynin wax biilka ka badan wuxunta intaa ku daray intii ka danbeysay gubashada xaaskiisa uusan waxba ka hagran kaaliin wax la.aan ayaa dhacday oo waxba ma heysto ayuu yiri abuukar oo hadalkiisa sii wataa ayaa intaa raaciyey in uu halkaan dagan yahay mudo 15 sanno ah maalina uu wax helo Melina uu waayo  

 Sidoo kale Xaliimo Cabdi Cali waxay ka mid tahay qaxootigii ugu horeeyey ee soo gaaray dalka somaliya mudo haatan laga joogo 14 sano waxayna sheegtay in ay ka so qaxday magaalada nageyle oo reerkoodii ugu danbeysay wixii inta ka danbeysay ayey ku noleed qaxootinimo

Xaliimo Cabdi Cali waxaa u dhisan guri yar oo ay ku nooshahay kana sameysan jawaano ,baco iyo maryo aan sidaa u waaweyneyn kaas oo aan laheyn wax googol ah iyo jiif toona waxayna sheegtay in aan cidi biilin ayna la nooshahay dadka dariska ah

Xaliimo waxay sheegtay in ilmaheedii iyo reerkoodii aanay ka war heynin oo ay noqdeen wax dhintay iyo wax aan laogeyn meel ay jiraan balse ugu war danbeysay mudo laga joogo 14 sanno sidoo kale waxay sheegtay in aan qeyskeedii wax war ah ka heynin waxayna ka xustay laba gabdhood oo midood ay ku sheegtay Cabdiyo Cabdow iyo Gaabaay abiikar oo ay iyadu dhashay

Muuse Maxamuud Jiisow

Musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

0025215576666

002525907666

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 


Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new