Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Golayaasha Isbaheysiga mucaaradka oo qaadacay hindisaha labada Shariif ee wada hadalada DFKMG

Asmara 08/April/2008  Waagacusub.com  

Gudoomiyaasha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa weji gabax siyaasadeed kala kulmay xubnaha labada gole ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ka gadaal markii ay qaadaceen hindisaha Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ku doonayeen in wada hadalo lagula furo Dowlada Federalka KMG .  

Qaadacaada golayaasha Isbaheysiga Casmara ayaa ka dhashay kadib markii labada Shariif ay xubnaha Isbaheysiga isku dayeen inay ku qanciyaan sharaxaad la xiriirtay dhinaca afka oo qura halka laga sugayay dukumiintiyadii ay la saxiixdeen Ergayga Qaramadda Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Mr Ahmedou Abdallah.  

“ Labada Shariif iyo madaxdii la socotay waxay nala hor yimaadeen sharaxaad dhinaca afkaa,anagana waxaanu waydiisanay inay soo gudbiyaan dukumiintiyo cadeeynayo qaabka wada hadalada loola galayo dowlada federalka maxaa yelay Dastuurkeena ayaa waxyaabaha qaar noo diidayo,sidaas daraadeed waxaan si cad ugu sheegnay inuusan suurtagal noqoneyn wadahadal dowlada federalka lala galo 10-ka bishaan April 2008,waxaana  kulan deg dega la isugu yeeray 191 xubnood ee golaha dhexe si ay gudoomiyaasha su-aalo u weydiiyaan”ayuu yiri mid ka mida madaxda sare ee Isbaheysiga Casmara oo Waagacusub ugu waramay khadka telefoonka.  

Mas’uulka oo diiday in magaciisa la xuso wuxuu cadeeyay inay labada Shariif midkood tegi Karin Jabuuti,marka laga reebo Shariif Sheekh Axmed oo loo ogolaaday inuu 13 April kula kulmo Jabuuti odayaasha dhaqanka iyo siyaasadda Hawiye oo ay ka wada hadlayaan qadiyad u sharaxaadeeda ka gaabsaday.

Xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya ee ku sugan Casmara ayaa laga dareemayaa inay shaki badan ka qabaan labada Shariif oo laga yaabo in mooshin xilalka looga qaado hadii ay ku adkeystaan ololahooda siyaasadeed ee ay kula heshiinayaan Dowlada Federalka ee Madaxweyne Yusuf.

“ Waxaan tuhunsanahay in heshiiskii wafdiga Isbaheysiga la saxiixday Ergayga Qaramadda Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ay qarsadeen,isku koobeen,taasna wax la aqbali karo maaha,waana ceeb inay nala horyimaadaan  dowlada ayaan wada hadal la fureynaa 10 April iyadoo aysan wax dukumiin sharaxaya helin”ayuu yiri mid ka mida hoowlwadeenadda Xafiiska Warfaafinta ee Isbaheysiga Casmara.

Warar ka soo baxaya Xafiiska Ergayga Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in wada hadaladii Isbaheysiga Mucaaradka iyo Dowlada Federalka dib loo dhigay ilaa 10 May 2008 si loo xaliyo culeeysyada wajahay hogaamiyaasha labada Shariif.

“ waxaa kulanka dowlada iyo Isbaheysiga Mucaaradka dib loo dhigay ilaa 10-ka bisha dambe ee May,wuxuuna qorshahu yahay inay isku arkaan Nairobi oo waa laga soo wareejinayaa Jabuuti sidaasna waa lagu wargeliyay Ra’isulwasaarre Nuur Cadde oo Nairobi u joogay inuu kaga ambabaxo Jabuuti”ayuu yiri diblomaasi sare oo u waramay Waagacusub.

Warar laga helayo ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada labada Shariif ee ugu sareeya hogaanka Isbaheysiga ay ka niyad jabeen madaxda dowlada Ereteria oo ku hanjabtay inay baasaboorada kala laabaneyso Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hore u heystay iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay labo bil ka hor siisay.

“ Qaar ka mida madaxda Isbaheysiga ayaa dacwad ashtakaa u gudbiyay Dowlada Ereteria,waxayna ku wargeliyeen in labada Shariif ku shaqeeynayaan fikir ka dhana mabda Isbaheysiga,waxayna taas qasabtay in amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Ereteria lagu qeexay qodobo u dhigma digniin ku socoto gudoomiyaasha fulinta iyo shuurada looguna sheegay in hadii ay hor fariistaan Dowlada Cabdulahi Yusuf ku soo laaban Karin Casmara”ayuu yiri masuul ka mida Isbaheysigaas oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Inkastoo Shariif Sheekh Axmed  sida muuqato uu lugaha gelshay duufaan siyaasadeedkii ugu xumaa taariikhdiisa hadana waxay diblomaasiyiinta qaar ku tilmaameen Gudoomiye Shariif mid ku dhegan dhego Libaax.  

Si kastaba ha ahaatee,Shariif Sheekh Axmed waxaa la aaminsan yahay inuu yahay hogaamiyaha ugu taageerada badan xaga shacabka madaxda ku jira Isbaheysigiisa,waxaana si weyn loo wada eegayaa dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed oo xeeldheerayaasha ka bixinayaan muuqaalo iska soo horjeeda oo ugu dambeyn hoos u dhigi kara miisaankiisa siyaasadeed .

Waagacusub Media

Muqdisho-Office

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net

 
/backups/dump/index.html'>http domain index website link domain url sitemap link link website webmap sitemap web webmap home web website web www more home home home sitemap link http links http more website www web web web link website http www web url http page sites url http www http domain www top website link maincheck_content()a> main top index link here home main en index.html top top top sitemap domain link .com vfiles map link webmap http url home domain domain homepage http link domain homepage http sitemap homepage domain home links homepage www link http home url http sitemap website website www www sites www url http http http http page home