Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Labada Shariif oo xilka qaadis lagu sameeynayo xilli ay socdaal ku tagayaan Jabuuti Axada.

Asmara 12/April/2008  Waagacusub.com  

Khilaafkii u dhaxeeyay golayaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo labadooda hogaamiye ee Shariifyadda ayaa cirka isku sii shareeray ka gadaal markii ay ka biyo diideen inay golayaasha hordhigaan dukumiinti ay ku saxiixeen Nairobi oo ku ogolaadeen inay wada hadal aan sharuud lahayn la galaan dowlada federalka si awood qeybsi loo sameeyo.

Dukumiintiga ay Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan u saxiixeen Ergayga Qaramadda Midoobee u qaabilsan Soomaaliya Mr Ahmedou Abdalla oo ay heshay dowlada Ereteria lana siiyay qaar ka mida xubnaha golayaasha ayaa dhigaya heshiis nuxurkiisu yahay inay ka tanasulaan qodobka sharuuda  dastuurka Isbaheysiga ee dhigeeysa inaan wada hadal lala geli Karin dowlada federalka inta ay dalka Soomaaliya joogaan Ciidamadda Itoobiya.

Inkastoo labada Shariif ay magacaawdeen gudi ka kooban 10 xubnood oo kala qeybqaadanaya wada hadalada dib u heshiisiinta laguna wado inay maalinta Axada isugu tagaan Jabuuti hadana war hoosaad laga helay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ereteria ayaa lagu sheegay inay laabashadooda dambe ku geli karaan Visa oo kaliya maadama maalintii Khamiista lagala laabtay baasabooradii dalkaas ee hore loo siiyay.

Ila wareedyadda diblomaasiyadeed ee laga helayo Ereteria waxaa kale oo ay tibaaxayaan in labada Shariif iyo Proff Ibraahim Xasan Cadow laga saaray liiska tasiilaadka ee looga bixin jiray telefoonada iyo adeegyada kale ee shaqo hoowleedka Isbaheysiga.

“ Socdaalka Axada hadii ay baxaan labada Shariif waxay golayaasha Isbaheysiga isugu imaan doonaan kulan deg dega oo xilalka looga qaadayo,waxaana kadib la dooran doonaa gudoomiyeyaal cusub maxaa yeelay waxay jibiyeen qodobo dastuurka noo degsan ka mida,waxay saxiixeen heshiis dhigaya in dowlad ku sheega Cabdulahi Yusuf  awood qeybsi lala sameeyo Ciidamada Itoobiya oo jooga Soomaaliya,waxay qarsadeen heshiiskii ay saxiixeen ee qaabka dib u heshiisiinta oo aan helnay mar dambe,waxay tiro ka afar shir ka dhuunteen Dr Cumar Iimaan Abuubakar iyo Jaamac Maxamed Qaalib oo ay isku khilaafeen kulankii ugu horeeyay,markii uu Ahmedou Abdalla ku taliyay in xogta nagula ogeysiiyo By Telefoon” ayuu yiri masuul sare oo ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta ee ku sugan Casmara.

Masuulkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wafdiga Axada tegaya Djabouti aysan ka turjumeyn siyaasadda Isbaheysiga maadama aysan magacaabistooda soo marin Waaxda arrimaha dibada.

“ Qorshaha labada Shariif waxaa ka shaqeeyay ganacsato waayahii dambe u kala debqaadayay Nuur Cadde iyo iyaga,wuxuuna ujeedkoodu yahay sidii lacagta dib u heshiisiinta iyo xabad joojinta u qaadan lahaayeen laakiin masiirka ummadda Soomaaliyeed ayaa ka weyn danaha ay wataan shaqsiyaadka leexday”ayuu ku nuuxnuuxsaday masuulkaas ka tirsan Isbaheysiga Casmara oo Waagacusub ugu waramay khadka telefoonka.

Sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo xog ogaala,wafdiga ay horkacayaan labada Shariif ee Jabuuti ku wajahan 13 April 2008 waxaa ka mida Proff Ibrahim Xasan Cadow,Cabduqadir Dhaqane,Proff Gaandi,Cabdulahi Xuseen Kaahiye,Cabdulahi Sheekh Salaad,Inj Xuseen Maxamed Ceydiid,Cumar Iimaan Abuubakar,Ismaaciil Xaaji,Cabdi raxmaan Ibbi,Nuur Diirshe,Maxamed Sheekh iyo Cabdi Fitax.

Ila wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Waagacusub ugu xog waramay in qaar ka mida xubnaha u qoran labada Shariif aysan ka mid noqon doonin wafdigooda ayna ka harayaan waloow liiska magacyada aan soo xusnay uu Jabuuti u gudbiyay Proff Ibrahim Xasan Cadow oo sedex maalmood ka hor Jabuuti kula kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladaas.

Madaxda Waaxda Arrimaha dibada ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa Waagacusub u sheegtay inaysan wax wara ka heyn dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo wada hadalada ay diblomaasiyiinta iyo dowladaha la yeelanayaan hogaamiyaasha Isbaheysigooda.

“ Sida Sharcigaa waxay ahayd inaan soo magacaawno gudiyadda wada hadaladda arrimaha dibada si aan ugu gudbino xubnaha labada gole ee gudigga joogtada laakiin nasiib daro nalama soo marsiin,warna kama heyno”ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda ee Isbaheysigaas Yuusuf Dheeg oo khadka telefoonka ugu waramay Waagacusub.

“ Hoowshii Xoghayaha Arrimaha dibada waxaa qabanaya Ibrahim Xasan Cadow oo aan ka mid ahayn gudiga joogtada ee golayaasha Isbaheysiga 38 golaha dhexe iyo 37 golaha fulinta,waxaana maqalnay inuu liis ay ku qoran yihiin xubnaha wafdiga u geeyay Jabuuti kuwaas oo aan badankood ka mid ahayn golayaasha”ayuu yiri Masuul ka tirsan Isbaheysigaas oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay balse ka gaabsaday magaciisa.

Hogaamiyaasha Isbaheysiga dib u xoreynta ee labada Shariif ayaa u muuqdo inay madaxa la galeen fashil siyaasadeed,waxaana dabraya qodobo lama gudbaana oo ay  iska indha tirayaan sida qodob ka mida Dastuurka Isbaheysiga oo dhigaya inaan wax wada hadala lala yeelan Karin dowlada federalka inta Itoobiya Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya,waxaana qodobkaas uu ka dhigan yahay mid lama taabtaana ilaa ay  191 xubnood ee golaha dhexe cod u qaadayaan.kuna bedelayaan sedex meelood laba meel codad dhan.

Gudoomiyaha gudigga joogtada ee arrimaha dibadda Amb Axmed Xaashi Xashara ayaa la soo weriyay inuu dacwado ashtakaa ka gudbiyay Proff Ibraahim Xasan Cadow oo hada socdaal ku jooga Magaaladda Doha ee dalka Qatar una muuqdo diblomaasi qabanaya shaqadii uu lahaa Yusuf Dheeg  iyo gudigga Waaxda Arrimaha dibadda.

Qabashada kulanka wada hadalada Dowlada iyo Isbaheysiga Mucaaradka waxaa ku loolamaya dowladaha Jabuuti,Sacuudi Carabiya iyo Qatar,waxayna dalalka Yurub gaar ahaan dowlada Faransiiska guluf ugu jirtaa sidii shirka loogu qaban lahaa dalka Jabuuti halka Qaramadda Midoobe xal u aragto in shirka lagu qabto Sacuudi Carabiya sida uu hore u sheegay Ergayga gaarka ee Qaramadda Midoobe Amb Ahmedou Abdalla.

Qaar ka mida ganacsatada waaweyn ee Soomaaliya ayaa ku hoowlan qoob ka ciyaar ay ku doonayaan in looga taqaluso Madaxweyne Cabdulahi Yusuf Axmed,waxayna ka shaqeeyeen socdaalka qaar ka mida garabka golaha dhaqanka iyo siyaasadda Hawiye ku joogaan Dalka Jabuuti si ay u meelmariyaan hindisaha qabyadaa ee awood qeybsi lala sameeyo dowlada si loogu diyaar garoobo doorashada 2009.

Ganacsatada ku hoowlan hergelinta hindisaha dib u heshiisiinta ayaa ujeedkooda lagu sheegay sidii ay wax uga heli lahaayeen dhaqaalaha dib u heshiisiinta labada dhinac oo Qaramadda Midoobe ay sheegtay in garab walba si gacan saara loo siinayo si loo meelmariyo xabad joojinta iyo awood qeybsi dhex mara garabyada is diidan ee Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Nuur Cadde ayaa dalka Jabuuti ku saxiixay heshiis dhigayo in 10 May 2008 ay is arag hordhaca ay Nairobi ku yeeshaan madaxda Isbaheysiga dib u xoreynta kadibna shirka wada xaajoodka laga furo Jabuuti hasse yeeshee hindisaha Nuur Cadde waxaa shirqool siyaasadeed u arka Madaxweyne Yusuf oo isaga doonayo in dib u heshiisiinta loo wareejiyo Ururka IGAD.

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa Ra'isulwasaarre Nuur Cadde ku dhiirigelisay hergelinta dib u heshiisiinta,waxayna ganafka ku dhifatay deeq lacageed uu waydiistay oo dhan afar iyo toban milyan,taas oo bixinteeda ay boqortooyada sharuud kaga dhigtay inay dowlada muujiso jilicsanaan siyaasadeed iyo taabagelinta dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya maadama lacagtii Sacuudiga hore u bixiyay ay ku dhamaatay afka labada masuul ee ugu sareysa dowlada federalka.

Gudoomiyaasha Isbaheysiga dib u xoreynta ee laga cabsi qabo inay qaado seefta golaha dhexe ee Isbaheysiga waxaa kulankoodii Nairobi ee Ahmedou Abdalla u diyaariyay Proff Abdi Rahmaan Ibbi oo ay u wakiisheen,waxaana sii kordhaya xanta ku saabsan inaysan daacad ka ahayn wada xaajood ku saleeysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada la tiicaya 18 sanadood mudo ka badan oo aysan helin maamul wanaag dowlad dhexe.

Warar madaxbanaan waxay sheegayaan in jagada Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo magacaabayo Dr Cumar IImaan Abuubakar oo ka mida mutacalimiinta Soomaaliyeed ee ku xeeldheer aqoonta diinta islaamka heystana darada PHD Jaamacadda Madiina ee boqortooyadda Sacuudiga halka jagada Shariif Xasan Sheekh Aadan loo badinayo in loo magacaabo Xuseen Maxamed Ceydiid oo bilahii tagay isu bedelay xagjir mowqifkiisa naceybka Itoobiya iyo dowlada federalka fogaaday.

Warar laga helayo la taliyeyaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya inuu ku laabaneyn Ereteria uuna fariisin ka dhigan doono Magaalada Dubai ilaa 10 May 2008 oo lagu balansan yahay kulanka is araga hordhaca ee labada garab iyo Qaramadda Midoobe.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta taageerayaasha badan leh hasse yeeshee waxay shacbiyadiisa hoos u dhacday markii uu qaab dhuumaaleysiya Cadan kula heshiiyay Cabdulahi Yusuf Axmed oo ay isku hayeen siyaasadda.waqtigaas oo la xaqiijiyay inuu heshiiska uu la galay korneyl Yusuf ku qaatay dhaqaale lacageed ka dhigan laaluush siyaasadeed.

Waxaa kale oo Shariif Xasan karaamadiisa siyaasadeed bar madoow ku noqday codeyntiisii soo gelitaanka Ciidamo shisheeye.

Fiiro Gaara Warkeena xiga ee Topnews waxaan ku soo bandhigi doonaa dukumiintiga hindisaha dib u heshiisiinta ee ay saxiixeen labada Shariif.

Topnews:- Golayaasha Isbaheysiga mucaaradka oo qaadacay hindisaha labada Shariif ee wada hadalada DFKMG

Topnews:- Isbaheysiga dib u xoreynta oo saxiixay heshiis ay ku aqbaleen inay wada hadalo awood qeybsi la sameeyaan DFKMG.

Waagacusub Media

Muqdisho-Office

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net